Waa kuma Ismaaciil Buubaa!?
Salaan
dhamaan guud ahaan B/weynta s/land iyo ila wareedyada ka hawl
galaba,intaa waxaa ii raaca qofka bani aadamka ahi subixii waayo
beryaba wuxuu la soo toosaa jawi ka duwan kii shalay oo ay u weheli
yaan waxyaabo ka yaabiya ama u qaadan waa ah, hada ba aniga ayaa
waxaa waagu iigu beryey oo aan markii iigu horeysay ee aan furo ilo
wareedyada s/land aan ku arkay Ismaaciil
Buuba a oo u soo muhanaya inuu yimaado s/land oo ah meeshii
uu u dhashay ee uu hadana ka caasigaroobay. Maanta oo aduunku uu layaabanyahay jooharadan yar ee ka ifaysa geeska afrika (s/land) ayuu ismaaciil leeyahay waxaanu ka dhaadhicinaynaa aduunka s/lad iyo puntland,waxase taa ka sii yaab badan wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuu soo kaxaynayo xildhibaano ku sheeg ka soo jeeda S/land iyo Puntland,markaynu 2daa xildhibaan ee is xambaarsan kala qaadno,kuwa u dhashay s/land waabay iman karaan hadii ay cafis iyo raali gelin ka helaan dawladda,laakiin nimanka majeerteeniya ee wax Ilaahay uumay ugu neceb S/land ee uu shaadhka madaw inoogu soo geliyey waa maxay mase laga yeeli doonaa tolow imaanshahooda?! Ismaaciil wuxuu kaloo carabka ku
dhuftay oo is bar-bar dhigay s/land iyo Puntland ama majeerteeniya
oo aan ahayn wax qof cadaalad u saaxiib ahi is barbardhigi karo
amaba hindise ku keeni karo, ayuu yidhi s/land iyo Puntland ayaanu
heshiisiinaynaa,marka ay caynkaa tahay,miyaanu ismaaciil weli wadin
nacaybka xag jirka ah ee uu u hayo goobtii mandheertiisu
tiilay,waxaana hubaala hadii uu soo cago dhigto s/land,isaga iyo
inta kale ee la midka ah ee lagu gumaysto koonfurta somaliya,inay
soo kordhin karaan hagardaamo iyo qalalaase hor leh oo ku yimaada
mujtamaca rabaayadoobay ee s/land. S/land uma baahna nin aan u
baahnayn,Buubaa,Sifir,Jaamac M. Qaalib iyo inta la jaadka ahba ee ka
been sheegay biyihii adoogood,waxaanan qaba in ciqaab dheer la
marsiiyo ama laga soo saaro qodob cad oo lagu qaado,si aan hadhaw
loo wada murmin.
|