Isu soo Bixii Ugu Balaadhnaa ee Abid Taageerayaasha kulmiye ee Tog-Wajaale ku Soo dhaweeyaan Hogaanka Xisbiga Kulmiye:
 

 

 

Isku soo baxan baaxada leh ayaa si wayn loo soo agaasimay, iyada oo ay soo qaban  qaabiyeen mas uuliyin ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ka soo jeeda deegaanka degmada Tog-Wajaale.


Tog-Wajaale (TNN)-Dadwaynaha reer Tog-Wajaale,  ayaa isku soo bixii ugu balaadhnaa ee abid lagu qabtay magaladaasi, taasi oo ay soo dhawayn ugu muujiyeen Musharaxiinta jagooyinka  madaxwayn aha iyo madaxwayne ku xigeenka ee Xisbiga Kulmiye Ahmed Maxamed Maxamud (Silaanyo) iyo C/rax maan C/laahi Ismaciil (Saylici) oo hawlaha ololaha doorashada ku yimid magaladaasi .

Isku soo baxan baaxada leh ayaa si wayn loo soo agaasimay, iyada oo ay soo qaban qaabiyeen masu uliyin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga oo ka soo jeeda deegaanka degmada Tog-Wajaale iyo masuu liyiinta xafiiska degmada ee Tog-Wwajaale, ayaa si heer sare ah loo soo agaasimay, taasi oo ay ka  s oo qayb galeen xubno ka tirsan gudida fulinta ee Xisbiga, madax kale iyo marti sharaf aad u tiro  bad an.

Dadwaynaha reer Tog-Wajaale ee sida wayn iskugu soo baxay soo dhawaynta musharixiinta xisbiga Kulmiye ayaa ilaa habeen hore qabanqaabadooda laga dareemayey magaalada iyaga oo koox koox i skugu abaabulaya sida iskaashatooyinka kala duwan ee ka jira magaalada ururada bulshada iyo  Gan acsataduba. Sharaacyada magaaladuna aad u saxmad badnayd, tukaanada lagu iibiyo dharkana am ba lagu tolaa ay cidhiidhi ahaayeen oo raguna kaga adeeganayeen isku joogyo ka kooban midabada calanka xisbiga Kulmiye , dumarkuna xijaabyo iyo dalado ka kooban midabada calanka kulmiye iyada oo aad moodaysay inay tahay habeen la isku qaban qaabinayo ciid.

Subaxnimadii hore ee shalay ayaa dadwaynaha reer Tog-Wajaale oo hal dabaal deg ahayd iskugu soo baxeen garoonka kubada cagta ee magaalada, iyaga oo ku labisnaa calamaanta xisbiga kulmiye iyo  d harka hidaha iyo dhaqanka iyaga oo ciyaar dhaqadmeedyada kala duwana ku madadaaloonayey ilaa inta uu ka soo gaadhayey musharaxa madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa, kuna buraan burayeen   bur aanburo ay ku taageersan yihiin xisbiga kulmiye,  kuna dhawaqayeen ereyo iyo hal kudhigyo ay ku m uujinayeen tageerada xisbiga, ilaa intii ay ka soo madal gaadhayeen musharaxiinta iyo waftigoodu oo ku beegnayd abaaro 11:00 duhurnimo, xiligaas oo la isla oogsaday sawaxan si wayn loogu  taageray ey musharaxa wakhtigaas oo ay si toos ah u bilaabmeen barnaamijyada iyo qorshayaasha ay ugu ta la galeen in ay ku maamulaan dalka

Masuulyiinta uu hogaaminayo Axmed Siilaanyo, C/casiis Samaale, Mujaahid Muuse Biixi, Saylici ayaa Halkaasi kula hadlay Dadwaynaha Reer Wajaale ,waxaanay aad uga mahad naqeen Ganacsatada iyo dadwaynaha reer Tog-wajaale cududa taageero ee ay xisbiga u muujiyeen iyo soo dhawaynta aan kala hadhka lahayn ee ay ku taageereen masuuliyiinta Xisbiga kulmiye.
 

 


C/risaaq Muxumed Aw Daahir
Timacade News Network TNN
Tog-Wajaale , Somaliland