“Cidii Ku Abtirsata Somaliland, Dawlad, Asxaab, NGO, Afraad, Ma daxdhaqameed Ee Ka Qayb Gasha Shir kasta Iyo Meel Kasta Oo L agaga Hadlayo Hindisayaasha Somalia Loo Aqoonsado Dambiile Khiyaamo Qaran”

 

Marxuum Sheekh Ibrahim Sheekh Yusuf Sheekh Madar



Xeerkii Golayaasha Baarlamaanku Ku Xaaraantimeeyeen Ka Qayb Galka Shirarka Somalia
12/10/2003



Hargeysa, February 13, 2011 (TNN) - Go’aankii labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ay ku  xaaraa ntimeeyeen ka qayb galka shirarka Soomaaliweyn ee loo qabto kooxaha Somalia, lagaga hadlayo  hin disayaasha Somalia ama lagu heshiisiinayo dhinacyada Somalia, iyagoo isku dhan ama dhinac ka mid ah, taas oo labada gole ku tilmaameen cidii Somaliland ka soo jeeda, Dawladd, Axsaab, NGO, Afraad, Madaxdhaqameedyo, Suugaan yahano iyo Ururo Bulsho loo aqoonsanayo Dambiile Khiyaamo qaran.

Xeerkan oo ay Ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanku 12 bishii October 2003 ayaa dhigaya cidii ku kacda talaabadaasi in lala tiigsado maxkamada Awooda u leh, loona raaco xeerarka uu tilmaamay  Di stoorka Qodobkiisa 130aad Faqradiisa 5aad, iyadoo la cafin karo oo kaliya marka xukun Maxkamadeed ku dhaco, taas oo dhinaca kalena xeerkaasi baneeyey in gaadiidka loo adeegsado ee Cirka, Dhulka iyo Badda hawlgalkaasi laga qaadayo Ruqsadaha sharciga Ganacsiga ama tan Gaarahaaneedba.

Xeerkan dhaqan galay 2003-dii ayaa lagu qaadayaa cid Alaale iyo cidii isku dayda mijo-xaabinta  Som aliland, kaas oo ay ansixiyeen 84 mudane oo ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, Guurtida iyo  Wa kiilada 11 October 2003-dii, fadhi wada jir ah oo ay yeesheen 8 ilaa 11-kii October 2003-dii.

Hadaba Xeerkan ay labada gole ee Baarlamaanku ansixiyeen ee mamnuucaya ka qaybgalka Shirarka lagaga hadlayo Hindisayaasha Somalia ayaa u qoran isagoo dhamaystiran sidan:-

Ku Madaxweynaha Somaliland

Ujeedo: Soo gudbin go’aan Baarlamaan

12/10/2003

Jamhuuriyada Somaliland GB/01/10/2003

Fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada gole baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada oo ay kaga  dood ayeen xaaladaha siyaasadeed, saamaynta hindisayaasha salaadiintu ay ku yeelan karaan Somaliland iyo siyaabaha looga hor tagi karo dhibaato kasta oo ka iman karta.

Fadhiyada Wada Jirka Ah oo socday mudadii u dhaxaysay 8 ilaa 11-kii bishii 10aad 2003, waxay  gola yaasha Baarlamaanku ka soo saareen go’aankan halkan ku lifaaqan

Golaha Baarlamaanka Somaliland:-

Wuxuu go’aamiyey 1 in cid alaale iyo cidii ku abtirsata Somaliland, dawladd, shicib, Afraad, Ururo, Ax saab, NGO-yada, Aqoon ayahanada, Madaxdhaqameedyada, Suugaan yahanada iyo dhamaanba  nooc yada ururada Bulshada aanay sinaba uga qayb gali Karin shir kasta iyo arin kasta oo lagaga hadlayo Hindisayaasha Somalia ama lagu heshiisiinayo dhinac ka mid ah kooxaha Somalia ama iyagoo isku  dha nba 2 in cid alaale iyo cidii ku abtirsada Somaliland ee ka qayb gasha shirarkaas ama abaabusha ama ku taageerta sifo kasta Qaw, Ficil iyo Qoraalba kaga qaybgasha wada hadalada Somalia ee qodobkaa 1aad tilmaamayo loo aqoonsado dambiile khiyaamo qaran, taas oo waajib ay ku tahay dhamaanba hay’adaha ku shaqada leh inay hor keenaan Maxkamadaha awooda u leh iyadoo la raacayo xeerarka uu tilmaamay dastuurku ee qodobka 130aad farqdiisa 5aad. 3 Qaadiidka cir, dhul iyo badba ee loo adeegsado ama qaada hawlgalkaas waxa laga qaadayaa ruqsadaha sharciga ee ganacsiga ama tan gaarahaaneedba. 4 Waxa lagula dhaqmayaa xeerkan cid alaale iyo cidii isku dayda inay abuurto urur bulsho ama nooc kasta oo ururada rayidka ah oo u shaqaynaya sidii ay Somaliland u minjo xaabin  lahaayeen. 5 waxa ka reeban dhamaan warbaahinta Somaliland tan xukuumada iyo ta madaxa ban aanba ka reeban inay baahiyaan wararka iyo macluumaadka lidiga ku ah waxna loogu dhibayo ama lagu wiiqayo jiritaanka Somaliland. 6 dalka waxa sharci ahaan ka jira saddex gole qaran oo kaliya sida ku tilmaaman distoorka, waxa reeban in cidina sheegato gole kale oo aan ahayn kuwa distoorku  til maamay, waxa lagu fulin doonaa talaabooyinka sharci ee u yaala sheegasho wax aanay ahayn. 7 qof kii loo qabto inuu ku kacay qodobadan kor ku xusan waxa la cafin karaa xukun maxkamadeed ka dib.

Go’aankan waxa lagu meelmariyey cod u qaadis Baarlamaan oo ay ogolaadeen 84 mudane halka ay ka diideen 2, laba mudanena ka aamuseen, kooramkana ay fadhiyeen 88 mudane.

Dhaqan galka qodobadan waxa loo adeegsanayaa sida ku cad distoorka qodobka 130aad farqadiisa 5aad.

Go’aankaasi oo ay ku saxeexnaayeen shirguddoonada labada aqal ee Baarlamaanku

1: Guddoomiyaha Golaha Guurtida Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar

 

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Geertida

2: Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure



Guddoomiye ku xigeenka labad ee guurtida

3: Siciid Jaamac Cali
 


Guddoomiye ku xigeen 2aad ee Wakiilada ahaana ku simaha guddoomiyaha

1: Cilmi Xirsi Cali



Xoghayaha Guud ee Wakiilada xiligaasi

2: Maxamed Xuseen Cismaan

 

Source:Haatuf