Wasiirka Maaliyada Oo Sheegay Inay U Taallo Sidii Ay Dalka Uga Badbaadin lahaayeen Inaan Xisbiga KULMIYE ku Soo Bixin Doorashada

 

Hargeysa (TNN)- Wasiiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md, Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay inay ka badbaadiyaan dalka inaanay  tall ada Somaliland xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay Xaflad maanta Huteelka Dalxiis ee Magaalada  Har geysa ay ugu sameeyeen laba urur dhalin yaro oo ku soo biiray xisbiga UDUB.Waxa kal e oo xafladaasi ka qeyb galay Wasiirka Cadaalada Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolaya r e).

Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ka  had lay xafladaasi wuxuu yidhi “Wakhti xasaasi ah ayaynu maraynaa had iyo jeer  taariikh du way soo noqnoqotaa lixdankii Calankii ayaynu tuurnay konton sanadood ayaa ka  s oo wareegay xiligaasi maanta waxaynu taagan nahay maantana ma tuurnaa mise  wa ynu haysanaa waa inaynu miisaanka taariikhdu ay leedahay iska moosno aad ayay  in oogu fiican tahay. Waxaynu ku moosaynaa inagoo xisbigaasi tallada haya u hiilina. Ra gga aynu ognahay haddii ay yimaadaan xisbiga KULMIYE Ragga ku jiraa inaguma  cus ba, way ina xukumeen oo madax ayay inoo noqdeen.”

“Qofku markuu xukunka qabto aan kuu tudhin ee markaad xataa cararto kaa hadhi  wa aya, lalama dagaalamo lamana caayo Kursiga uun Baa laga yara fogeeyaa marka uu is yidhaahdo ku fadhiiso ayuun baa laga riixaa, waxa loo baahan yahay inaynu maanta dalka badbaadino. Xisbiga isagoo aan xukunba qaban leh 40 kun oo shaqaale ah ayaan eryayaa waxaad arkaysaa ciil-qabka ay la imanayaan,”Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu.

Md. Xuseen Cali Ducaale wuxuu shacbiga Somaliland ugu baaqay inaanay dooran  xisb iga KULMIYE waxaanu yidhi “Waxa la inaga doonayaa inaynu dadka ka badbaadino  nim anka halkaasi (KULMIYE) isku urursaday ee aan inoo cusbayn ee aynu ognahay inaynu nimankaasi dalka ka badbaadino ayaa inoo taalla.”

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo ka hadlay

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) xafla daasi ayaa ka hadlay marxaladihii taariikheed ee siyaasada Somaliland soo martay  wa xaanu sheegay in xisbiga UDUB uu ku shaqaynayo siyaasadii ay jeexeen  Madaxweyne yaashii hore ee Somaliland soo maray.

Wasiirka Cadaalada oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaynu u baahan nahay in Nabadeena aynu adkeyno caalamkuna nabad buu u baahan yahay Doorashadan  ilaa hay idinkii nabad ayaynu ku dhaafi doonaa iyo inagoo danteena qabsana oo taageerna xisbiga Talada haya ee UDUB waxaanu idiin balan qaadaynaa inaanu anaguna noqono kuwo abaalka celiya,”ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladdu waxaanu intaasi ku daray  “Way nu aragnay oo xisbiyada mucaaridka ahi iyagoo imika kursi caag ah ku fadhiya ayay  u mmaddii oo dhan u hanjabeen.ninka maanta isagoo aan haynin sii hanjabaya ee  mindi dda daabkeeda markuu qabto Ilaahay ha inaga nabad geliyo.”

Sidoo kale, waxa uu Wasiirku sheegay in xisbiga KULMIYE ay u hanjabeen shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qaranka waxaanu tilmaamay inay shaqada ka eryi doonaan haddii ay tallada dalka la wareegaan.

 


Source:Hadhwanaagnews