“Waa caado UDUB yaqaano In Dad Laga Soo Daab ulay Hargeysa
Lagu Sheego reer Alleybaday Kulmiye ka soo
baxay”Khadra Gaydh

Taageerayaasha
Xisbiga Mucaaradka ah ee degmada Allaybaday, ayaa shala y
isu-soo-bax dhoola-tus ah oo aad looga qaybqaatay ka sameeyay degmad
aas.
Xafladan dhoola-tuska ah oo jawaab u ah xaflad xisbiga UDUB hore ugu
qabt ay halkaas, waxay taageerayaasha KULMIYE ee munaasibadaa ka
qaybgalay ku beeniyeen in degmo ahaan ay taageeradooda u wareejiyeen
xisbiga tala da dalka haya ee UDUB.Munaasibadan oo sidoo kale
qayb ka ahayd soo dhaw aynta taageerayaal cusub oo ku biiray
KULMIYE,kana soo baxay xisbiga UDU B,waxaa ka qaybgalay
boqolaal dadweyne ah iyo xubno Masuuliyiin ah.
Ugu horayn, Maayar Ku-xigeenka degmada Gabiley Marwo Khadra Xaaji
Gaydh oo hadal ka jeedisay munaasibadaa, ayaa u mahadcelisay
taageerayaasha KULMIYE ee xafladaa ka qaybgalay iyo taageerayaasha
cusub ee ku biiray xisbigaas. “Horta, maalintii dhawayd Xafladii
lagu qabtay (xisbiga UDUB ku qabtay degmada) Allaybaday waa la
ceebeeyay.
Allabaday oo aan Diiwaangalintii dad loo soo daabulin oo qof reer
Allaybaday ah waxaaan ahayni aanu iska Diiwaangalin oo la diiday qof
Allaybaday u dhashay oo meel kale joogaa inuu yimaado Allaybaday oo
uu iska Diiwaang aliyo, ayaa iyagoo leh dad baa Xisbiga
Kulmiye ka soo baxay ay Hargeysa boqolaal Dhalinyaro ah ka soo
daabuleen,” ayay tidhi Marwo Khadra Xaaji Gaydh. Guddoomiye Ku-xigeenka
degmada Gabiley waxay naqdiyay xaflad xisbiga UDUB dhowaan ku qabtay
degmada Allaybaday ,waxayna sheegtay in taageerayaasha UDUB sheegeen
inay reer Allaybaday yihiin oo ay ku biireen ay ka daabuleen
magaalooyin kale,isla markaana aanay dadweynaha degmadaasi ku biirin
xisbigaas.“Waa caado ay taqaano UUDUB, laakiin awal maynaan arki
jirin dad la soo daabulo, arrintaasina Allaybaday bay ka bilaaban
tahay dibna u dhicimayso oo waa Filim la daawaday. Laakiin, waxa
aanu u sheegaynaa reer UDUB in dhamaan maanta dadka halkaa jooga in
qof aan reer Allaybaday ahayni ku jirin,” ayay tidhi.
Waxay sheegtay in aanay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ka qaybgalin
munaa sibadaa shalay lagu qabtay magaalada Allaybaday, marka laga
reebo laba Xildhibaan oo ay ka mid ah oo ka mid ah xubnaha Golaha
Deegaanka. Isla markaana waxay tilmaantay in masuuliyiinta
xisbigeedu ka dhowrsadeen inay olole haatan ka dhex bilaabaan
bulshada, maadaama waqtigan duruufo adagi dalka ka jiraan. “Madaxda
Kulmiye waxa ay maanta aad uga Xishoodeen in waqtigan adag ee lagu
jiro Roob la’aanta ee umaddu tabaalaysan tahay inay dadkooda Durbaan
la dhex yimaadaan….Waan idiinka mahadcelinayaa inaad ka gilgilateen
wixii Allaybaday lagu sheegay,” ayay tidhi Khadra Xaaji Gaydh.
Xildhibaan Aw Cabdi Cismaan (Aw Xereeye) oo ka tirsan Golaha
Deegaanka degmada Gabiley oo isna halkaa ka hadlay, waxa uu naqdiyay
xaflad dhamaadkii bishii aynu ka soo gudubnay xisbiga UDUB ku qabtay
degmada Allaybaday, taasoo uu ku tilmaamay mid indho-sarcaad ah.
Isla markaana waxa uu u mahadnaqay taageerayaal cusub oo shalay ku
biiray xisbiga KULMIYE. “Waxa kale oo aan dadwaynaha reer Allaybaday
ugu mahadnaqayaa barigii dhawayd ee bisha laba iyo labaatankeedii ee
aad dhabarka u jeediseen beentii ay wadeen Xisbiga UdUDUB. Annagoo
aan idinla joogin, haddana waanu daawanaynay (xafladii UDUB),
xaqiiqdiina waanu garan waynay dadkii Xafladaa isugu yimid…Markaa
waxa indho-sarcaad loo dhigayay dad aan aqoon badan u lahayn
Allaybaday,” ayuu yidhi Xildhibaan Aw-Xereeye.
Wuxuuna intaa ku daray, in qaar ka mid ah dadkii dhowaan xaflada soo
dhaw aynta ah UDUB ugu sameeyeen Allaybaday ay dib ugu soo biireen,
ka dib markii ay natiijo la’aan kala kulmeen balanqaadyo Xukuumaddu
u samaysay. Sidoo kale, waxa iyana halkaa hadalo ka jeediyay xubno
isugu jiray odayaal, Haween iyo Dhalinyaro ka mid ah taageerayaasha
ka soo baxay UDUB ee shalay ku biiray xisbiga Mucaaradka ah ee
KULMIYE.
Wargeyska Ogaal
|