Waa maanso gaaban oo magaceeda la yidhaa,"Bay lahayd."


 


Waxaan dhammaan salaamaya shacab waynaha reer Soomaliland , meel ay kal joogaanba.Waxaa n kale oo salaamaya, inta xiisaysa suugaanta Afka-Hooyo.

Maansadan gaabani waxa ay soo baxday 23.1.2011,waxa ay waxaan badnayn ka taataabanaysaa dhaqankeenii hore u jiri jiray , mana ku talaxtagayso , sidaas iyo akhris wanaagsan.



waxa ay tidhi :

 



xusuusaha tooman iyo

waayaha tagay baan arkaa

garaadka tabaaday iyo

Ilowshaha tiirsan baan

Ogow ku tiraabayaa

*******

Dhaqanka tahan gaadhay iyo

Miday ta tagtaan arkaa

xad ay ka talaabsatiyo

Isirka tiran baan arkaa

Hidaha la tigraaray ee

*******

Waliba tigtig maan arkaa

Aqoon tartantay lahayd

Suldaan taliyay lahayd

Xishood tusan bay lahayd

Xigaal lagu tiirsadiyo

*******

tol iyo xidid bay lahayd

dawada la tilmaama iyo

Toobinka nuugay lahayd

tashiga gole muuqda iyo

geedkiyo tagid bay lahayd

*******

tusmiyo dhaqan bay lahayd

ugaanka tu bay lahayd

Durbaan la tumay lahayd

Nolosha tab habaysan iyo

tamar iyo xoog bay lahayd

*******

Milgaha taban- taabadii

garaad u tudhay lahayd

Tix-raaca sirteeda iyo

toobiye furan bay lahayd

Baryada tu ka faanta iyo

*******

tookh iyo magac bay lahayd

Taariikh mudan bay lahayd

Tusaale fog bay lahayd

Waxay is tartay lahayd

Tujaar u rartay lahayd

*******

Tayiyo firi bay lahayd

Tis iyo ood bay lahayd

Tiriyo celin bay lahayd

tulud iyo adhi bay lahayd

Gees-dheer toobisay lahayd

*******

Tukashada masale lay lahayd

Tawfiiqda mid bay lahayd

Tiirarka xeer bay lahayd

Tu -ay ku go.day lahayd.......go.aan

Tawxiid adag bay lahayd

*******

Midaan laga tuurin iyo

Furqaan togan bay lahayd

Tubtii nabigay ahayd........csw

Takoor jarin bay lahayd

Tabciyo urur bay lahayd..........marka

 kuraydu isu baxdo ama lagdanto


*******

Ciyaar tuman bay lahayd

Batar iyo tu kalay lahayd

cidina Tirin bay lahayd

Xays iyo totob bay lahayd

Gu,goo tamar lay lahayd

*******

Xidigis tusa bay lahayd

Falagga ku tagay lahayd

Wananka ka taxa bay

 lahayd,,,,,,,,,,,macnaha ka xidha xiliyada qaar

Tirada bara bay lahayd

*******

Tib iyo mooyay lahayd

Hadhuudh la tumay lahayd

Kabaha la toshay lahayd

Ugaadh tifa bay lahayd

Tiriig inanay lahayd

*******

Timaha tidicday lahayad

Wanaag taxan bay lahayd

Colaad tirsan bay lahayd

Tis-qaad nabad bay lahayd

Tumaati cad bay lahayd

*******

Warmaha la tumay lahayd

Tooray la xidhay lahayd

terin iyo qaansay lahayd

Wadaan tolan bay lahayd

Tix iyo gabay bay lahayd

*******

Geeraar la tirshay lahayd

Turxaan bixin bay lahayd

Tab iyo xeel bay lahayd

midaan ka tagay lahayd

Tusbaxa la rogay lahayd

*******

Tamashliyo socod bay lahayd

Xadhkaha la tidcay lahayd

Xigoo la tuntay lahayd

Tuhunka neceb bay lahayd

Tuf iyo cashar bay lahayd

Tawaad qalin bay lahayd


Dhamaad

 

Mowlid Aden (Qolqol)
qolqol3@hotmail.co uk