Warqad furan:Waa maxay sababta labada Shabakadood ee Qaran News & Ramaas News oo keliya xogta loogu soo gudbiyey ,laakiin saxaafada kale ee Somaliland looga reebay ??????

 

 

 
 



Taariikh:7 November, 2011




KU:Tafatirayaasha Guud ee Shabakadaha Qaran News & Ramaas News

KU:Saxaafada Somaliand ee Madaxa bannaan

KU:Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

KU:Madaxa Danbi Baadhista (CID) Qaranka



UJEEDO:Emailada masuuliyiinta Qaranka ee la jabsday



Sida ay daabaceen labada Shabakadood ee magacoodu yahay,

1-Qaran News
2-Ramaas News


waxaa fal danbiyeed loo geystay masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda Somaliland ,ka dib markii la jabsday,lana xaday , xogtii iyo sirtii Qaranka .


Fal danbiyeedkan oo ah mid aad u Culus,lana saadaalin karin cidda iyo kooxda ay xogta Qaran ku gacanta u gashay iyo baaxadda ay leeg tahay toona, waxaan ka codsanaynaaa Hay'adda ha ay khuseyso inay daba gal & baadhis sameeyaan,si looga taxadirro khasaaraha ay keeni karto arrintani.



Waxaan si xushmad iyo qadarin leh , uga codsanaynaa Tafatirayaasha Guud ee shabkadaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:


1-Qaran News
2-Ramaas News


inay shacabka iyo Qaranka Somaliland ka jaahil bixiyaan,war cadna ka bixiyaan sida wax u dh aceen,kana jawaabaan su'aalahan hoos ku qoran:



1-Saacadee,emailkee,taarikhdee,ayaad hesheen xogta iyo sirta ah in la jabsday emailada ma suuliyiinta Qaranka Somaliland ?


2-Markaad hesheen xogtaasi iyo sirtaasi,ma la xidhiidheen oo ma war galiseen Ha'adda Danbi Baadhista Qaranka Somaliland (CID)


3-Waa maxay sababta Qaran News & Ramaas News oo keliya xogta loogu soo gudbiyey laaki in saxaafada kale ee Somaliland looga reebay ?


4-Aqoon ma u leedihiin cidda fal danbiyeedkan ku kacday ee idinka oo keliya la soo xidhiidh   ay ?


5-Ma jiraan masuuliyiin kale oo Emailadooda la jabsday,sida ta Madaxweynaha Somaliland,oo xogtoodii iyo sirtii Qaranka la idiin soo gudbiyey ?


6-Ma jirtaa shaqsiyaad,kooxo iyo cid aad u gudbiseen xogta iyo sirta idinkoo keliya la idiin soo gudbiyey ?


7-Haddii aydaan fal danibyeedkan Culus idinku masuul ka ahayn,wax raad ahna aydaan ku la hayn,diyaar ma u tihiin inay idinlla soo xidhiidhaan Ha'yadaha Caalamiga ah ee u qaabilsan la dagaalanka fal danbiyeedyada noocan ah, ee ka jira Dalalka aad degan tihiin,si loo helo ciddii ka danbaysay?



Shacabka Somaliland iyo Xukuumaduba jawaab bay idinka sugayaan sida ugu dhaqsaha badan





Ilaahayaw Somaliland xaqeeda sii
,dhibaatada lala rabana baal mari

 




Bismilaahi raxmani raxiim
 

 

 


 

 

Hooyo Amina Adan