MAANSO LA MAGAC BAXDAY GAA GAABSO

 

 

Marka hore waxaan salaamay, dhamaan reer Somaliland ka dhabta ah, een ahayn kuwa kolba dhinac uu guura, sidaa geed ka la yidhaa Gabal dayaha, marka labaad waxaan salaamayaa Timacade Group, iyo hawl wadeenada sharafta mudan, una hambalyaynayaa sida habsamida ah, ee hawsha u gutaan.

 

Halkan waxaan ku soo lifaaqay Maanso la magac baxday GAA GAABSO, waxay ka hadlaysaa sida dhulkeenii uga jirto hawl iyo abaaro adagi, iyo sida umadeenii loogu jiheeyay meelo kale, IYO NASIIB DARRO TIIYOO QOFKII DAMQADABA LAGU TILMAAMO MID QABYAALAD IYO REER U JEEDA,. WAXA TIDHII:-

 

 


Guga Hooray , Geeleena dhalay,
Duni gabaa hiira
Gayigaan dul joogniyo adeer
Dunidan gurgurtay
Garan waa halkeenaa jirana
Galabta lay sheegaye

*****

Guuguu lahaa Ciyaayaan Arkaan
Galab ta Jiilaale
Gudcur kaa habeenimo iyo
Galawga foodh yaaya
Iyagaaba geesh loo diree
Waanay garanayne
Gaagaabso oo hadal ka daa
Yaan gaadh lagaa qabane

*****

Gabayadii walaalnimo
Rag baa gees kalaw rogaye
Guubaabada hadalkii ahaa
Waa la gees maraye
Gabashaa wali lagu jiraa
Geestaad eegtaba e
Guhaad iyo xumaan baa qabaa
Goortaan joogaba e
Waxa laygu galayaana
Waa ani garaad kaye
Galiilyada hareeraha
Dadkaa gibil madoo baaday
Guri xun iyo waxa lagu wada
Geedkii reer xamare
Garaad kii majiro reer tolkeen
OO horaa geedka loo wadhaye
Gaagaab so oo hadal ka daa
Yaan gaadh lagaa qabane

*****

Geelii libaax buu arkoo
Godolkii waa gaw ah
Gujada hashii lagu lisaa
Gaagax waw halise
Guuraha habeenkii waxa jira
Gaado fara wayne
Geestaad ka eegtaba
Colbaa gaadhka loo diraye
Guushiisa nin kii aad rabtana
Waanu garanayne
Golaheena sidii aad ogayd
Way Gabanayaane
Goor iyo ayaan hadalbaa jiro
Maba Garaabaane
Giniyaad iyo waxay raadiyaan
Googo lacageede
Gees bay ka dhaafeen
Wixii laba gudboonayaaye
Godal kii hashiinii
Rag baa gaagaxshoo helayaye
Gaagaab so oo hadal ka daa
Yaan gaadh lagaa qabane

*****

Geestaad jaleec dabay
Ragii goosan baa maqane
Gujo hoosaa lagu hayaa
Kii garaad badane
Gaal shiraa wali loo diraa
Guurtidii oday yeede
Gamboolay haween kii
Darxumo joogta garab kooda
Dhamaan midab kii guboo
Garanba maysaane
Gayigeena waa laga raadiyaa
Tii garays xidhane
Gashaan tidii lagu yiqiin
Guriga reer koodaa
Gir giray wada fooshan tahay
Goor iyo ayaane
Gurii baayoo waxay iibiyaan
Qaad ki korof kiiye
Ragii goolka ii dhalin lahaa
Guusha umadeena
Gidaar kay wadhan yihiin
Geesna laga dhaafye
Gaagaab so oo hadal ka daa
Yaan gaadh laga qabane

*****

Dubjir keeni wuu gaabiyoo
Gaajo lagu eegye
Gidaar kay wada seexataa
Galabta jiilaale
Gaajana way u dheer tahay
Hubaal Mana gasiin taane
Ubad kii badh baa goostayoo
Geed ka hoos haliye
xabag bay wada goobayaan
Goor iyo ayaane
Gudoodiga habeen kii
Waw gidaar madhane
Gudaafadda qaar baa fadhoo
Galin ba meel jooga
Iyagan gasiin looma helo
Mana garooc daane
Gaagaab so oo hadal ka daa
Yaan gaadh lagaa qabane

*****

Gobol gobol hadii aa tidhaa
Waanan garanayne
Gaashaan bira ragii noo ahaa
Way gabanayaane
Gurmad kii looma diro
Colaad Geeshkii reer bariye
Go' doon baa halkaa lagu yahoo
Lana gabraar taaye
Gumbur kii saraar iyo ma jiro
Goodir kii dheeraaye
Gaagaab so oo hadal ka daa
Yaan gaad lagaa qabane

*****

Galbeedkii abaar ba jirtoo
gaygii waa halise
Garaw iyo hadhoodh kii ma baxo
Labada gooroode
Geesa wayn iyo lodii aad ogayd
Goosan baa hadhay
Galabtii la joogaba
Colbaa geedka soo gala e
Gaagaab so oo hadal ka daa
Yaan gaadh lagaa qaban

*****
 

 

 

Abdulkhaliq Mohamed