WAA MAANSO LA  MAGAC BAXDAY
LAX DHUKANI ABAAR MOOG


 


Marka hore waxaan salaamayaa Timacade Media Group, iyo daa dihiyayaasha Qiimaha leh, mar labaad ka waxaan salaamayaa dhamaan reer somalilandka jecel jiritaan keena, iyo horumar ke ena.Waxaan halkan ku soo lifaaqay maanso la magac baxday LAX DHUKANI ABAAR MOOG, ee bal ila eega.
 



 


 

Lax dhukani abaar moog
Waxay dhawraysaan jirin
Dhab bay uugu sheegtoo
Iska diiday dhiiladii
Dhirbaaxana ma sugi karo
 Waxay tidhi adduunyada
Xumo waxaa dhacay
Anigu ka dhaga li'i
Dhimashaa xigay soo
Dhawac bay horeeyoo
Ha dhaqaaqin yaay yidhi?

*****

Waxa dhacay adduunayada
Dhib iyo xumaan jira
Qaar baa dhuumanaayoo
Dhibtu wehel u tahayoo
Dhawr raayo gacaloo
Inay maruun dhawaaqaan
Dhur sugaaya waliyoo
Dhabar kiyo xanjaad kiyo
Dhu dhumada ka jabayoo
Dhiigii hoor sanaayoo
Dhawac baa ag yaalo
Dhakhtar looma qaado
Lagu dhaafay meel oo
Ka dhaqaaqay ehelkii

*****

Ri baa dhiiratoo tidhaa
Lax yahay maxaa dhacay?
Dhukaanaantu waa cudur
Ha daboolin dhagahii
Dheeshu waa habeennimo
Dhaxan iyo dabayl iyo
Dhurwaa ku badanoo
Dhabacanaaya meeshaa
Dabin kiina wuu dhex yaal
Ha ku dhicin habeen nimo
Dharaar baa danbaysee
Dhibta mayska daynaa?

*****

Biyahana ma dhawr naa?
Dhawacaa maa eegnaa?
Dhur-waagaa ma erinaa?
Ciduun baa ku soo dhici
Inay dhaawax qaadee
Lax yahay ha dhimanine
Yuu ku cunin dhurawaa guye
Aarku hays ka soo dhaco
Dhul ka hays ka soo maro
Ha dhaqaaqdo gooshuna
Gurmood kuna ha dhiirado
Dadku wuu dhur sugayaa
Dhibtu way ku badan tahay

*****
Wuu biyoobay dhiigii

Dhayal uuma diiraan
Dhashii way iloobeen
Dheecaan kiina waa muud
Dhur-waa bay ku sooreen
Aduun baa dhaqaaqoo
Dhibta hoos u eegee
Aan kuu dhameeyee
Dhiiladaa maqalaysaa
Gaadaa dhulkii timi
Wax la dhoofi yaan jirin
Wankii way dhufaaneen
Idihii ma dhalayaan
Dhacadiid u hurudooo
Aadmiga u dhaafoo
Dhashaadaa ag joog joog
LAX DII CIIA HAW DHIMAN

 

 

 

Abdulkhaliq Ali
S . Arabia