Go'doon, 1990
Axmed Ismail Dirie "Qaasim"

 


Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayadii HALGANKA ee Maandeeq lagaga soo dhacsanayey Dhidarradii damcay inay cunaan. Wuxu gabaygan gaar ahaan kula hadlayaa Samarroonka oo uu ku tilmaamayey inay la safteen dad-la-moodkii dalka iyo dadka Somaliland isku deyey inay cabudhiyaan;

 


 

Ha go'doonto Gudabiirsidii Ganafka jeexnayde
Ha la guurto gaajiyo baryiyo gelelef keediiye
Dameerkii Gafuurrada caddaa Geela yuu didinne

*****
Meeshay gabbood moodayaan haw gur guriyeene
Goonyaha Ilaahay halkay garan ha aadeene
Gob baa lala dersaa waa wixii gaday abaalkiiye

*****
Gallad kagama helin
reer Xareed gacan ku hayntiiye
Gabdhii loo dhisiyo may xurmayn guurki reeraha'e
Geyiga reer Isaaq uguma hadhin Gob ay midhaystaane

*****
Ciisuhu Gunnuu siin jiree ha iska gooyeene
Amxaarada inay soo galaan waa ka garanuuge
Garaad-xumadu waa
waxay cidlada ula gan doodaane

*****
Gogti iyo Shar-laga-naadi bay gebi dhacaayaane
Waa waxay la goobyaalayaan Goraya-Cawlaaye
Waa loo gartee
hays tubeen goobta ciilka lehe

*****
Marreexaan Gun bays urursatee gacal ha moodeene
Iyaga iyo Gabooyahaba waa galabsi goodiiye
Guryaha ay Mafiiqda u siteen yaanay soo geline

*****

Geestay xigeen Laydh san baa iiga soo geliye
Guu-gaa'da hay gala tageen garacdi shaydaane

 


 

 

 

Source: Mareegta Far-Shaxan