W.F.P.maxay ku taakuleysay abaarihii ku habsaday dalka jamhuuriyada Somaliland

 


Waxa baryahanba ku habsaday bulshada reer somaliland abaaro ba.an iyo biyo la.aan baahsan oo soo waajadahday dad reer baadiyaha ah ee ku dhaqan dalkan somaliland waxaanay abaarahan iyo biyo la'aantani saameyn buuxda kaga tageen dadka reer guuraaga ah ee dagan dhulka miyiga ee xoola dha qatada ah waxaana abaaraha iyo biyo dhaamisyadii loo fidiyay dadkaa xoola dhaqatada ah gurmada xoogan ufidiyay dawlada somaliland oo kaashanaysa dadkeeda gudaha iyo debedaba.

Inkastoo dadkaa reer baadiyaha ah gurmado xoogan loo fidiyay ayaaanay hadana noqon wax waliba sidii la rabay sababtoo ah booyada biyaha oo dad loo geeyaa waxba ma haraad tirto laakiin waa  sami rsiis waxaanay shacbigeena iyo dawladeenuba muujiyeen sida ay walaladooda abaaruhu ku habsadeen sida ay uga xun yihiin wixii ay kari karaan ugu hurayaan laakiin waxa lagu haraad beelaa waa raxmada ilaahay keeno oo qudha blaakiin waxan aad ula yaabay oo aan wali garan la,ay sababtay ay haayada cuntada aduunka sheegta ee W.F.P. uga qeyb qaadan weyday gurmadadaa loo fidinaayay dadkaa tab aaleysan iyada oo ay buuxaan bakhaaradeeda berbera raashimadiina kuba qudhmeen markii la bixin  waayay ta kale dawladii ayaan iyan wali kaba hadlin sababta ay hayadni uga qeyb qaadan weyday iyada oo dalkeena hayadani ku soo qaadata mashaariic waaweyn laakiin aniga shaqsiyan waxan  hay adan iyo caawimadeedba uhaystaa siyaasad in ay raashimada ku bixiso waxaanay hayadan w.f.p. raashimada bixisaa xiliyada roobku da.o iyada oo dadka kala dagaalanta wax soosaarka waxa kaloo ay niyad jabisaa dadkii intay hadhuudhka beertaan amaba galayda suuqyada dalkeena u iib geyn lahaa waxaanay soodaynaysaa raashiamada caawimada waa wakhtiyada laakiin waa in lala xisaabtamaa oo dawladu dabagashaa sida ay hayadani caawimada ubixiso oo aanay kadaba hadhin.

Waxa kaloo intaa iiraacda waxa iyan jiray marka ay hayadani markab raashina keento ama dalkeena halgu wado ama wadamada jaarkeenaba halagu wadee waxay ay haydani contrac.ga rarka iyo rogida raashimada siin jirtay (10)toban shirkadood oo wadaniya laakiin imika way ka joojisay shirkadahaa wax aanay contrac gaa siisaa shirkadao muqaawila oo ay ugu badan yihiin shirkadao laga leeyahay wadan ka aynu jaarka nahay ee somaliya taasina waxay umuuqataa xuquuqdii muwaadiniinta oo meel lagaga dhacay waxaanan xukumada ugu baaqayaa in ay uhiiliso xuquuqda muwaadininnta iyo ta reer miyigee naba oo aanay hayadan iyo wixii lamida xidhiga usii dayn dagal buuxana lagu sameeyaa mashaariicda ay dalkeena ka fulinayso hayadan iyo haayadaha kale oo wadankeena joogaba waxaanan anigu haay adan w.f.p. u arkaa in ay dalka dagaal qarsoon kula jirto wax wanaagana aanay imoo ba khayn mar ha daanay abaaraha iyo xaaladaha dalka ;la soo gudboonaadana taakuleyn ka geysanay





 

 

 

Qalinkii Qoraagii Siciid Cabdilaahi Magaalo
Berber/somaliland