WAR SAXAAFADEED

 


Hargeysa (HWN) Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti ga uu Hogaaminaayo ee ku sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa la kulmay Sheekha Xukuma Imaarada Raasul khayma, Sheekh Sucuud Binu Saqar Al-Qaasimi ee Wadanka Isu-tagga Imaraadka Carabta. Sheekha ayaa ogolaaday in ay Somaliland Imaaradiisa ka furato Xafiis ka dib markii uu kulan qado sharaf ah la yeeshay weftiga uu hogaaminaayo Madaxweynaha JSL, Muda ne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maal-mahanba ku sugnaa Wadanka isu-tagga Ima araadka Carabta.


Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo uu sheekhu ku soo dhaweeyey 40 Mooto iyo Baabuurta u khaaska ah Martida kuwaas oo weftiga kaga horyimid Duleedka Raasul Khayma. Waxa ay labada dhinac ka wada hadleen qodobo ay ugu muhiim-sanaayeen Wax-wada qabsiga dhinaca ganacsiga iyo dhinaca isu-socodka labada Dal.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen Maal-gashi shirkado uu sheekhu Abbaan ka yahay ama Oday ka yahay, ay Maal-gashi ka samayn donaan Dalka gudihiisa oo ay u soo diranayaan aqoon yaha no daraasad ka soo sameeya Xadiga ama Mugga Maal-gashiga ee ay shirkadahaasi ka samayn karaan Somaliland.


Madaxweynaha Somaliland ayaa sidii uu u sheegay Madaxda kale ama Shuyuukhda kale ee  Imaar adaha kale ee uu ka kooban yahay wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxa uu  sheekha u sheegay in ay Somaliland soo dhawaynayso wax-wada qabsiga dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca maal-gashiga oo ay la yeelato wadanka isu-tagga imaaraadka carabta, Shirkadaha waa weyn ee ku sugan wadanka iyo Ganacsatada waa-weyn ee Awood dhaqaale u leh in ay maal-gashato Som aliland.

Madaxweynuhu waxa uu u faah-faahiyey in ay Xukuumada Somaliland u fudaydinayso Xeerarka iyo Shuruucda la xidhiidha maal-gashiga ay samaynayaan iyo Shacbiga Somaliland oo baahi wayn u qaba in ay fududaato isu socodka ama Xidhiidhka Ganacsi ee shacbi ahaan iyo Ganacsato  ahaa nba ee ay la leeyihiin wadanka isu-tagga imaaraadka Carabta, ayaa weftiga Somaliland waxa uu dedaal weyn ugu jiraa sidii ay Imaaradaasi u Aqbali-lahaayeen Baasaaboorka Somaliland ( Soma liland Passport ) waxaanay imaaradu noqotay Imaaradii u horaysay ee toos u ogolaatay in ay Somaliland Xafiis-yada ay ku leedahay Wadamada kale ay si toosa uga furato Imaarada Raasul-khayba oo ka mid ah Wadanka isu taga Imaaraadka Carabta.

Weftiga uu hogaaminaayo Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maalinta Salaasada ah ka Am-babixidoona Magaalada Abu-Dabai iyaga oo u kicitimi-doona Wadanka Kuwait, iyaga oo ka haysta Marti-qaad Rasmiya waxaanay Magaalada Abu-Dabai ka raacidonaan Diyaarad Khaasa oo uu u soo diray Amiirka Wadanka Kuwait.

Dhinaca kale Xubno uu hogaaminaayo Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa isla shalay waxay ku lan la yeesheen Ganacsato waa weyn oo ka mid ah Shuyuukhda ka talisa Wadanka isu-tagga Ima araadka Carabta kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Sheskh Saiid binu Xashari Al-magtuum oo ah ganacsade wayn oo ka mid ah Ganacsatada Dubai ugu waa weyn iyo Sheekh Maxamed Al-qaasimi oo ah isna Ganacsade weyn oo ka socday Shariqa kuwaas oo ay kala hadleen ujeeddo la mid ah tii hore ee ay kulamadii dhigooda ahaa la soo yeesheen oo ah mid la xidhiidha maal-gashiga iyo kaalinta Dhaqaale ee ay ka gaysan karaan Somaliland.

Waxa uu weftigu u sharaxay ganacsatada sida ay suurta galnimada ugu tahay in ay maalkooda ku Aaminaan Somaliland iyo inay door weyn ka ciyaaraan Maal-gashiga Somaliland iyo sida ay faaiido weyn ugu leedahay shacbiga somaliland.



ALLAA MAHAD LEH


Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL