“Toddoba qodob waxay na tuseen wejiga runta ah ee Xu kuumadda Madaxweyne Siilaanyo” Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi

 

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi

 

Hargeysa (TNN):- Qaramaynta ciidanka ee ka dhacday Fiqifuliye waxay furtay daaqad cus ub oo ay dalka ka soo geleyso neecow nabadeed. Waxaa sii galbanaya mugdigii colaadaha. Waxaa soo bidhaamaya ilayskii is af garashada iyo isu tanaasulka.

Waxaa mudan in Eebe loogu mahad celiyo inuu madaxdeena ku ilhaameeyey inay qaadaan waddada islaaxinta iyo nabadaynta. Waxay maanta iila muuqatay haddaanan xukuumadda ku bogaadin,kor iyo cod dheerna ku muunayn tallaabadaas ay qaaday, inaan ku biirayo xerada ay kuududaan inta ay murtida Soomaaliyeed ku shaabadaysay ‘xumaha’ iyo xisdi ga’ ee ay ka tidhi: “Xaashee nin libin kaa xisdiyey xumihii waa yaabe”. Malahayga waxaa igu khasbay inaan qalinka qaato waa kaga-dhabaynta ay xukuumaddu toddobaadkan kaga dhabaysay qayb weyn oo ka mid ah yoolkii aynu sannadaha badan naawileyney inaynu mar uun gaadhno. Midaynta ummaddeena.

Waxaa inoo cad inay waqti, xoog iyo xooloba gelisey. Anigoo ah xildhibaan Golaha Wakiilada ka mid ah kana soo jeeda Gobolka Sool, gaar ahaana beesha maleeshiyadeedii lagu qarameeyey Degmada Fiqifuliye waxaan qirayaa inay xukuumaddu maanta meel cad soo taagtay taladii aanu wax badan xafiisyada dawladda iyo goobaha siyaasadda kaga farsamo-murmaynay, isku canaananeyney, iskuna hiifeyney qorsheynteeda. Waa arrin 20kii sanadood ee aan anigu u shaqaynayey dawladda hadalkeedu taagnaa.

Maantayse salka dhigatay. Maantaa dadkaygii muddadaas loo gacan haadinayey soo xero galeen. Waxaa i laab qaaday markaan arkay boqollaal dadkaygii ah oo aan qof-qof u garanayo oo aragtidii aan aaminsanaa iyo qarankii aan sanadaha maamulkiisa ka midka ahaa u soo dareeray inay ka mid ahaadaan, wax la yeeshaan, wax ku darsadaan waxna u taraan! “Waxaan uubateeyoba tolkay oodda soo jebi”. Waxaa taariikhda gashay inay qaramayntani tahay,degaanada Bariga Somaliland, tii abid ugu baaxadda weyneyd ee hal mar, hal goob lagu qabto waxayna nuur ku ekeysey quluubta dhammaan dadka walaalaha ah ee Somaliland gaar ahaanna dadka wada deggan degaanada Bariga ee Sool, Sanaag iyo togdheer. Waxay fariin culus u tahay cid kasta oo dano gurracan ku maaraysaneysey kala faquuqidda shacabka Somaliland, waxayna hiil u tahay baadigoobkii aynu ugu jirney madaxbannaanida Somaliland oo aan kala seeraysnayn. Toddoba qodob waxay na tuseen wejiga runta ah ee Madaxweyne Siilaanyo:



(1) Baaqii Fidinta Gogosha nabadeed ee xukuumadda.
(2) Demintii/joojintii colaaddii Buuhoodle.
(3) Heshiiskii Hoggaamiyihii SSC [Xaglatoosiye] iyo xukuumadda
(4) Mashaariicdii u gaarka ahayd SOOL/SANAAG ee Madaxweynuhu sida gaarka ugu dhaw aaqay in miisaaniyadda loogu daro
(5) Kordhinta saamiga xilalka Xukuumadda dhexe
(6) Qaramaynta ciidankan baaxadda leh ee Fiqifuliye.

Waa tallaabooyin wejiyo kala duwan leh oo dhan walba taabanaya: mid siyaasadeed, mid amni, mid dhaqaale, mid shaqaalayn. Maxaa kaloo laga sugi lahaa. Waxay qodobadaas aan soo sheegay na tuseen inay ka daacad tahay, wejiga runta ahina yahay mid wadajir-doon ah. Ninka intaasoo tallaabo oo israacay wax ku garan waaya, kana mahad celinwaayaa, wa a nimaan hebeen jirin.

Haddaba, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan intii ka hawlgashay soo xe ro gelinta ciidanka Beesha Naalaye Axmed dadkaasoo, dhinaca dawladda, uu ugu horreeyo Madaxweyneheena Mudane Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Xaaji Cali, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdilla ahi Cukuse, Wasiirudawlaha Nabadaynta Bariga Somaliland Mudane Cali Sandulle, Wasiirka Horumarinta Biyaha Mudane Xuseen Axmed Cabdille iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Gaas Ismaaciil Shaqalle, sidoo kale waxaan bogaadin taasi la mid ah u dirayaa madax-dhaqamee dkii iyo waxgaradkii kale ee hawshan soo abaabuley oo ay ugu horreeyaan Garaad Cabdilla ahi Maxamuud Guuleed, Boqor Buurmadow, Ganacsade Cabdiraxmaan Uurbeyte, Cabdirisa aq Nafyar iyo Taliyaha Ciidankan la qarameeyey Ina Raage. Waxaan kale oo u mahad celin ayaa dhammaan askarta iyo saraakiisha uu ka koobanyahay ciidankan sida geesinimada iy o gobonimada leh u guddoonsadey inay colaadda nabad ku bedelaan lana midoobaan dadk ooda Somaliland lana qaybsadaan horumarka iyo dhismaha qaranimada.


Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi