Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay Wasiirro Cusub, laba ka mid ah
Wasiiradiisana Xilkii ka Xayuubiyay, Qaar kalena isku Bedelay
Mudane, Axmed Cabdi Xaabsade waxa loomagacaabay ....
Hargeysa Jan 15,2010 (TNN)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md
Axmed Maxamed Si ilaanyo ayaa maanta xilalkii wasiirnimo ka qaaday
laba wasiir oo ka tirsanaa Golaha wasiirada xukuumadiisa, Wasiirkii
Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dr. Maxamed Yaasiin
Xasan, iyo Wasiirkii Boosaha iyo isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahim
Maxamed halka uu magaca abay laba Wasiir oo cusub laba
wasaaradoodna uu isku shaandhayn ku sameeyay wasiiradood
ii,sidaasina waxaa lagu sheegay War saxaafadeed maanat ka soo baxay
madaxtooyada Jamhu uriyada somaliland oo uu ku saxeexanyahay
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL Cabdillaahi Maxa med Daahir (
Cukuse ).
warsaxaafadeedkaasina isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:-
Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) Waxa uu
maanta Digreetooyin Madaxweyne Xilkii kaga Qaaday laba Wasiir, sidoo
kalena ku Magacaabay laba Wasiir oo Cusub, Waxa kale oo uu
Madaxweynuhu Wasaaradihi hore ee ay hayeen ka bedelay labada Wasiir
ee Wasaaradaha ee Warfaafinta iyo Xanaanada Xoolaha oo uu u
Magacaabay Wasaarado Cusub.
Madaweynaha JSL. Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka
iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday
1.In Mudane, Axmed Cabdi Xaabsade, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL.
2.In Mudane, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka
iyo Horumarinta Reer Miyiga ee JSL.
3.In Dr. Axmed Xaashi Oday,oo hore u ahaa Wasiirka Wasaarada
Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo horu-marinta Reer Miyiga laga
Bilaabo Maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo
Isgaadhsiinta JSL.
4.In Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jirre), oo hore u ahaa
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta laga bilaabo maanta
uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda JSL.
Madaxwweynaha JSL isagoo uga Mahad celiyey Mudadii ay Xilka soo
hayeen waxa uu Xilkii Wasiir-nimo ka Qaaday isla markaana Faray in
ay Wasiirada Cusub ku wareejiyan Xilkii Wasaaradaha ee ay hayeen.
1. Wasiirkii Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Dr. Maxamed Yaasiin Xasan
2. Wasiirkii Boosaha iyo isgaadhsiinta
Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed
Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland
|