WAR IYO WACAAL

 

 

 
 

BAAFIN MALYUUN AW JAAMAC MUUMIN

Hooyadan oo  Somaliland u dhalatay oo magaceeda la yiraahdo Malyuun Aw Jaamac Muumin iyo lixdeedii caruura ,oo aan ilaa hadda la ogeyn geeri iyo nolol meel ay ku su gan yihiin.Markii u danbaysay waxaa lagu sheegay Inay ku sugnayd waddanka Liibiya, markaas ayaana ugu war danbaysay.Fadlan hadaad garanaysaan, ama aad taqaan aan cid war keeda haysa,waxaad warka ugu soo hagaajisaan, Shabakada Timacade News Network (TNN) , Timacadenews@Gmail.com iyaga ayaana i soo gaadhsiin doona.

 

Mahadsanid
 

 

 

 

BAAFIN CILMI BUUNI CABDILLAAHI


Waxan war iyo wacaal laga helin ama wax u sugan yahay muddo aad u dheer oo ah la ga soo bilaabo 1949kii , CILMI BUUNI CABDILLAAHI oo markii u dambaysay lagu sheegay Suudaan lana sheegay inuu gabadh ku guursaday caruurna u dhashay, waxanu degen aa baa la yidhi magaalada la yidhaa QADAARIF.

Hadaba cidii inuun war iyo wacaal ka haysa ama garanaysa ha u soo dirto Shabakada Timaca de News Network (TNN), Timacadenews@Gmail.com ama Abdirahman Ibrahim Bouh, Email: bouhwajale@hotmail.co.uk

 

 

Mahadsanid

 

 

 


Qoyska Sheekh caana oo lagu Afduubay Muqdisho oo baadi goobaya Nolal iyo geeri
 

Wiilka Sheekha

Sh. Max'ed Weheliye Bool (Ilkadahab) oo ah 83 jir mudo mudo 5 bilood kahor laga afduubay magaalada muqdisho ayaa markii ugu horeesay qoyskiisa walaac kamuujiyeen nolosha  Aabaho od oo ay shegeen in nolal iyo geeri midna ku ogeen.

Wiil uu dhalay Sheekha oo lagu magacaabo C/Shakuur  Sh,Max amed Wehliye Bool oo Saxaafada lahadlayay ayaa sheegay in Aabihii 02/06/09 Gurigii uu daganaa ay soo weerareen koox  h ubeesan oo watay 3 gaari oo kuwa dagaalka ah halkaasina ay ku dileen midkamida dadkii Sheekha lajoogay kadibna ay  afduu been Sheekha iyo wadaad lajoogay oo lagu magacaabo Sheekh Maxa'ed Abshir Aadan.

C/Shakuur waxa uu shegay in Abihii uu san ku jirin wax  siyaas ad ah balse inta aan la'afduuban Dhoor jeer ay u soo  hanjabe en Shaqsiyaad katirsan Alshabaab.

Waxa uu intaa ku daray C/Shakuur in Aabihii uu katirsanaa  Cul umaa"udiinka Ahlu suna Waljamaaca kuwooda ugu caansan  da lka Somaliya iyadoo siweyn looga garanayay Gobalka  Galgadu ud gaar ahaan deegaano ku xeeran Dagmada gal hareeri oo uu ku lahaa Xer ama Jamaaco

Waxaana Sheekha intaa u sii dheereed sida wiilkiisa uu inoo  sh eegay in uu quudinjiray 473 Qoys oo Daganaa xerooyin ku  yaa la deegaano ku xeeran Dagmada Galhareeri mudo 43 Sano ah.

Hasayeeshee taariiqdu Markey aheed 03/06/09 wax yar  ka hor inta aan la"afduuban ayuu ka soo tagay deegaanadaa isa goo yimid Muqdisho si uu halkaa uga sii aado Xajka balse inta uusan Muqdisho ka tagin ayaa la afdsuubay.

Waxaa dhinaca kale Afduubka Sheekha saameen ay ku  yeelat ay Dadkii uu Quudinjiray oo ayan jirin cid u maqan sida uu  xaqii jinyo C/Shakuur Sh,Maxamad oo ah wiilka uu dhalay sheekha .

C/Shakuur oo iminka Nairobi ku sugan waxa uu saxaafada u sh eegay in isaga oo raadinaya Xuquuqdii Aabihii loo hanjabay  ka dibna uu usoo cararay magaalada Nairobi.

Waxa uu ka codsanayaa Umada Somaliyeed iyo cid walba oo  g acan kageesan kartay in meel lagu sheego Aabihii in ay  kacaa wiso.waxa uuna sidoo kale kacodsaday Xooxda heesata Abihiis Sh,Maxamed Ilka Dahab in Xoriyadiisa dib ay ugu soo celiyaan isaga iyo wadaadka La afduuban.


Mohamed Abdulahi
suxufi@yahoo.com

 

 

 

BAAFIN CABDIRISAAQ MAXAMED CABDILLAAHI

 

Anigoo magacaygu yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxaan halkan ka baafin ayaa walaalkay Cabdirisaaq Maxamed Cabdilaahi oo sawirkiisuna yahay sawirka qoraa lkan la socda oo ay iigu wardambaysay October 2003, xiligaas oo uu doon ka raacay xeebta Liibiya una sii jeeday dhinacaa iyo Talyaaniga.

Doontaas oo uu matoorkii ka xumaaday markay socotay 4 saacadood, ka dibna ay 15 cisho bada dul heehaabaysay taas oo keentay inay dhintaan dhawr iyo todobaatan ka mid ah dadkii saarnaa.

Doontaas waxa laga helay xeebaha jasiirada Lambaduusa taariikhdu markay ahayd 20 October 2003 , iyadoo ay doonta saaranyihiin 13 qof oo nool oo uu ku jiro walaalkay iyo 13 dhimasho ah. Ka dibna waxa loo qaaday cisbitaal ku yaala Palermo si loogu daweeyo.

Hadaba waxaan ka codsanayaa dadweynaha Soomaaliyeed iyo Somaliland-ba ee aqoo nsata sawirkan iyo cidii ka warhaysa meel uu ku suganyahayba inay warkiisa iigu soo hagaajiyaan ciwaanadan

 

Email: abdirahman180@gmail.com
Telephonel: 252 2 4122383
 

 

 

 

BAAFIN CABDI MAXAMED SHAACIYE

WCWWB  Ramadaan Kariim.
 
 
Waxaanu halkan sinaxariis leh uga baafinaynaa Walaalkayo Cabdi Maxamed Shaaciye oo markii ugu war dambaysey kunoolaa Magaalada Nyeri ee Dalka Kenya,mudo haatan Sanado laga joogana uga dhaqaaqay jaho aan lagaranayn,wixii kadambeeyeyna aan war iyo wacaal dambe laga helin.

inkasta oo marar kala duwan lagu sheegay Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa/Somaliland iyo Mambaasa oo Kenya ah;balse ilaa maanta aan war sugan laga hayn halka uu ku dambeeyey.

Waxaanu sinaxariis leh uga codsanaynaa hadii ay jirto cid ka warhaysa halka uu ku sugan yahay Cabdi Maxamed Shaaciye inay warkiisa noogu soo hagaajiyaan E-mailada hoos ku xusan ama webseityada laga baahiyey  baafintan.
 
Dadka baafinaya
 
Farxiya M/ed Shaaciye
Iimaan   ::  ::  ::  ::  ::
Fawsiya  :: ::  ::  ::  ::
Sulikha   :: ::   ::  ::  ::
Sucaad  ::  ::   ::  ::  ::
Habiba   ::  ::  ::  ::  ::
Aamina Cabdi M/ed  Shaaciye
 

 


suadsha@hotmail.com
heleb32@otmail.co.uk
 

 

 

WAR IYO WACAAL