WAR
SAXAAFADEED
Date: April 16,2011
Madaxweyne Ku Xigeenka JSL, ahna
Ku Simaha Madaxweynaha JSL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta ku qaabilay xarunta Madaxtooyada,
Wafti balaadhan oo ka socda kooxda labaad ee la dagaalanka budh-cad
badeeda ee heer caalami.
Waftigan oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Kooxda labaad ee la
dagaalanka budhcad badee da Caalamka Mr. Thomas Winkler iyo laba
xubnood oo kala ah Anne Marie Agaasinka bariga Afri ca ee UNDOC iyo
Shamus Mangun la taliyaha dhinaca xeer ilaalinta ee UNDOC.
Socdaalka waftigan ayaa daba socday wafti hore u yimid dalka
Somaliland oo uu hogaaminayay u qaabilsanaha qaramada midoobay ee la
dagaalanka budh-cad badeeda caalamka oo dhan UN ODC, YURY
FEDOTOV oo dhamaadkii bishii saddexaad ee sanadkan 2011-ka socdaal
ku yimid caa simada Somaliland ee hargaysa,isla markaana la
kulmay madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Ma xamed Maxamuud ( Siilaanyo),
Waftigan ayaa ujeedadiisu tahay inay dhamaystiraan waxyaab
ihii hore qabyada uga ahaa kulankii waftigii hore ee uu hogaaminayay
Mr. FEDOTOV oo ku saab sanaa dedaalka caalamku ugu jiro la
dagaalanka budh-cad badeeda iyo qaab-dhismeedka loo fulinayo hawlaha
la xidhiidha la dagaalanka budh-cad badeeda.
Waftigan uu la kulmay Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, Mudane (Saylici)
waxaa ku wehelinayay wasiirka wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka
Pro. Ismaaciil muumin Aar,Wasaiirka wasaara dda Kaluumaysiga
iyo Khayraadka Bada Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) iyo
Wasii rka Qorshaynta Qaranka Iyo Horumarinta Dr: Sacad Cali
Shire,waxaanay Xukuamada iyo waftig ani kawada hadleen doorka ay ku
leedahay Somaliland hawlaha la xidhiidha ilaalinta badaha iyo wixii
wax yeelaya Isu Socodka Dhanka badaha taas oo ay isku Af-garteen
labada Dhinacba.
Xukuumada iyo waftigu waxay ku heshiiyeen inay yeeshaan kulamo kale
oo Ambaqaad ah oo d eg-deg ah isla markaana jawaab cad ka bixinaya
gocashooyinka Somaliland ee ku aadan doorka looga baahan yahay in ay
ka qaadato waajibaadka ay bulshada caalamku ugu jirto la dagaal anka
budh-cad badeeda.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|