“WADDANI waxaanu Leenahay KULMIYE iyo Xukuumaddiisu Ma Yaqaanaan Telefoonadda Buubaa Iyo Caydiid Ilko-Xanaf oo Habeenkii lama hadalno”

 


Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaha Xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedo xukuumadda ay u soo jeediyeen xisbiga WADDANI, waxaanu tilmaamay in aan hadal deel qaaf ah looga fadhiyin xisbigaas.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu soo dhaweeyay hadal Sabtidii ka soo yeedhay Guddoomiyaha Urur siyaasadeedkii XAQSOOR Xasan Ciise Jaamac.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu arrimahaasi ku soo qaaday hadal uu ka jeediyay xaflad balaadhan oo KULMIYE maanta Maansoor ugu sameeyay urur siyaasadeedkii DALSAN oo la midoobay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay hadalkii ka soo yeedhay Xasan Ciise Jaamac ee uu qurbo-jooga ku booriyay inaanay Madaxweynaha Somaliland London kaga mudaharaadin, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Ta koowaad warsaxaafadeedka uu soo saary mujaahid Xasan Ciise Guddoomiyaha Xaqsoor oo uu kula hadlaayo qurbo jooga dibadda oo uu leeyahay wixii aanu tabanayno cadaaladda ayaan u maraynaaye’ mudaharaad yaynaan cadowga ka farxinin oo uu qurbo jooga kula dardaarmayo aad iyo aad ayaan u soo dhawaynaynaa. waa waayeelnimadii iyo bisaylkii siyaasadeed iyo laxo jecladii laga filaayay Xasan Ciise Xaqsoor iyo inta taageerta,”

Md. Muue Biixi waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay eedo xukuumadda ay u jeediyeen Xisbiga WADDANI, waxaanu yidhi “Waxaan daadafaynaynaa qodobadii ka soo baxay shirkii jaraa’id oo uu qabtay xisbiga Waddani. Waxaan ku daadafaynaynaa wixii ay ka yidhaahdeen socdaalka madaxweynaha xisbiga Waddani oo ahaa shirkii jaraa’id ee mucaaridnimo ugu horeeyey ee ay qabtaan waxay yidhaahdeen ummadda Somaliland mugdi baa kaga jira garan mayno wuxuu madaxweynuhu u baxay, waxaan leenahay xisbiga Waddani madaxweynuhu wuxuu u baxay xilkii ummadda Somaliland u dooratay oo ah in qarankan in hawlihiisa wax ka soo qabto :
Muuse Biixi oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “laakiin waxay u muuqataa in xisbiga Waddani u badheedhay inuu u sheego dowlada Mareykanka iyo Ingiriiska ee uu la shirayo Madaxweynaha annagu kuma kalsoonin hadaanu Waddani nahay nama Metalo erey ah ayuu dirayaa warkaa ay direen, taasina milgihii qaranimo ma aha loogamana fadhiyin,”

waxa dhacday barigii Cigaal madaxda ahaa waxaa jirtay mucaaridada la odhan jiray dib u habantii SNM oo qoor weyntii SNM iskugu tagtay Xasan Ciise ayaa guddoomiye ku meel gaadha noo ahaa, Cigaal baa qabtay Maraykanka waana markii u horaysay ee uu tagay dib u h abayntii waxa ay isku khilaaftay oo ku kala tagtay rag baa yidhi aanu dirno fariimo Mareykanka iyo dawladaha uu sii marayo oo aan nidhaahno waxa uu wado kulama socono Madaxweynaha. Waxa markhaati ka ah Xasan Ciise guddoomiyaha Xaqsoor in aniga iyo rag kale,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu tilmaamay in “Waddani waxaanu sheegaynaa Kulmiye iyo xukuumadiisa iyo dadka hogaamiya lagu tuhmi maayo Xamar, Waddani waxaan u sheegaynaa Kulmiye iyo xukuumadiisa midna ma yaqaano tilifoonka Maxkamadda sare ee Caydiid Ilka Xanaf oo habeenkii lama sheekaysano Waddani waxaan u sheegaynaa Kulmiye iyo xukuumadiisa midina ma hayo telefoonka Ismaaciil Buubaa oo lama sheekaysano markaa xantaasi anaga nama qabato hana qorin layligii biyaha calooshiisa ku jira ka diday.”


Cumar Maxamed Faarax