"Waxa buuxiyay shuruudihii laga rabay, Qaatayna diiwaan galintii oo foomkii cashuurta bixiyay waa Ururka WADANI," Guddoomiye , C/risaaq Ciyaalle.


 

 


Hargeysa (TNN)-Guddida Diwaan galinta Furashadda Ururadda Siyaasadda iyo Asxaa bta Qaranka Somaliland ayaa maanta sheegay in urur siyaasadeedka Wadani yahay Ururka kaliya ee ilaa Wakht igan soo buuxiyay Shuuradaha Wajiga Kowaad ee laga Rabay, waxana ay tilmaame en in uu soo bu uxiyay Shuruurdihii is diwaan galinta ee Wajiga Horre.


Guddida Diwaan galinta Furashadda Ururadda Siyaasadda iyo Asxaabta Somaliland Sidaas waxa ay ku sheegeen mar ay maanta Warbaahinta kula hadlayeen Xaruntoodda Guud ee Magaaladda Harg eysa .

Gudoomiyaha Guddida Diwaan galinta Furashadda Ururadda Siyaasadda iyo Asxaabta Mudane C/ri saaq Ciyaalle oo arintan ka hadlayay ayaa sheegay in ay illaa Wakhtigan u aqoonsan yihiin ururka Wadani in uu yahay urur Siyaasadeed buuxiyay shuruuduhii laga rabay, waxana ay intaasi ku dare en inaanu jirin urur kale oo la diwaan galiyay, madaama ayay yidhaahdeen aanay jirin wax urur ah oo noo yimi marka laga reebo Urur Siyaasadeedka WADANI, Illaa Siddeed illaa Sagaal ayaa horta yimi baraxadda siyaasadeed kuwaas oo lagaga dhawaaqay Fagaarayaal kala duwan, waxana ay qabsadeen shirarkoodii asaaska , balse waxa buuxiyay shuruudihii laga rabay, Qaatayna diiwaan galintii oo foomkii cashuurta bixiyay Waa Ururka WADANI. Ayuu yidhi Gudoomiye C/risaaq Ciyaalle.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inaanay jirin urur kale oo is diwaan galiya ama buuxiyay Shuruud ihii laga rabay marka laga reebo Ururka Wadani Waxana uu yidhi isaga oo arimahaasi ka hadalayaa ma jirro mid kale oo buuxiyay Shuruudihii laga rabay ama nagu soo noqday marka laga reebo uru rka WADANI oo isagu ah kii is diwaan galiyay .

Si kastaba ha haatee tan iyo intii lagu dhawaaqay Furashadda ururadda Siyaasadeed waxa magaa looyinka Waa weyn ee Somaliland ka jirey ololle loogu jirro nin kasta oo damac siyaasadeed qabaa in uu ku dhawaaqo urur Siyaasadeed, inta la og yahay wax Dalka lagaga dhawaaqay Sagaal urur Siyaasadeed, halka kuwo kalena wali la naawilayo ama la sugayo.
 

 

 


Xamse Axmed Salaan
London
hamse100@gmail.com