Tog-Wajaale:Ururka
Shaqaalaha Ganacsatada oo Loo Furey Tababar La Xidhiidha Xisaabaadka
iyo Isticmaalka Kumbiyuutarka

Tog-Wajaale(TNN)-Ururka Shaqaalaha xoogsatada ah ee u shaqeeya
meheradaha Ganacsiga T og-Wajaale ayaa, loo furey tababar la
xidhiidha xisaabaadka iyo Isticmaalka Kumbiyuutarka ee aalada (IT)ga
.
Tababarkan oo uu soo qabanqaabiyay Instuteka IMIT, islamarkaana ah
kii ugu horeeyay ee nooc iisa ah oo loo qabto shaqaalaha Ganacsatada
Somaliland, furena u ah Barnaamij Instutekani wad o oo loo qaban
doono guud ahaan shaqaalaha Ganacsatada Somaliland.
Tababarkan oo socon doona, mudo laba todobaad ah waxa ay mudada uu
socdo Ururka Shaqaal aha Ganacsatada Tog-Wajaale ee Magaciisa
layidhaa Employ Youth Organisation ku baran doon aan, sida loogu
isticmaalo Kumbiyuutarka Xisaabaadka meheradaha ee shaqo maalmeedka
dhin acyada iibka, amaahda iyo agabka yaala intaba.
Yuusuf Cusmaan Taani, oo ah Macalinka Duruustan bixinaya
islamarkaana ka socda Instuteka IMIT, oo warbaahinta uga waramay
Barnaamijkan Tababarkan iyo qeybihiisa kala duduwan ayaa sheegay, in
ay Barnaamijkan ka fulinayaan dalka oo dhan isagoo, xusay in ay hada
ka bilaabeen Tog-Wajaale islamarkaana ay gaadhsiin doonaan
Magaalooyinka kale ee Somaliland.
Waxa kale oo Mr Yuusuf sheegay , in ujeedada Barnaamijkani la
xidhiidho sida ay shaqaaluhu u maamulayaan xisaabadka meheradaha
iyagoo isticmaalaya kumbiyuutarka taas, oo farsamadan looga
wareegayo xisaabtii qalinka iyo buugaagta ee dhibaatada badani ka
iman karto,waxaanu ku sheegay Barnaamijkani in uu yahey kii u
danbeeyay isticmaalka Itga oo kala ah A-Quick Book B-PeachTree
C-Tally Erpg.o
Ugu danbeyntii Ururka Shaqaalaha Ganacsatada Tog-Wajaale, ee
Tababarkan loo furey ayaa iyaguna siweyn usoo dhaweeyay Barnaamijkan
iyagoo sheegay in ay wax badan ka faa,ideysteen, oo ay kamid yihiin
sida looga maarmayo madmadowga dhinaca Xisaabaadka ee ay keeni karto
mushkiladaha ku yimaada buuga iyo qalinka.
Source: Waaheen
|