London: Xaflad
Dhidibada Loogu Taagay Urur Samafal oo Loogu Magac-daray Marxuum
Cali Maarshaal
Jidka u dhexeeya Hargeysa iyo
Berbera ee uu ka dhacay shilkii Cali Maarshaal ku geeriyooday oo
ururka Somaliland Forum dib-u-dhis ku samayn doono
“Markii Cali Maarshaal dhintay waxaan go’aansaday in aan siyaasadda
…”
Guddoomiye-xigeenka 2-aad ee KULMIYE
London (TNN)-Xaflad ballaadhan oo dhidibada loogu taagay urur
samafal ah oo loogu magac-daray Allaah ha u naxariistee marxuum Cali
Xaaji Muxumed Guuleed (Maarshaal) oo dabayaa qadii sannadkii
dhammaaday ku geeriyooday shil baabuur, ayaa Axaddii toddobaadkan
lagu qabtay galbeedka magaalada London ee caasimadda dalka
Ingiriiska.
Kullankan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka
qaybgalay dad fara badan oo reer Somaliland oo ka kale isugu jira
aqoonyahano, siyaasiyiin, masuuliyiinta Jaalliyada, dha lliyaro iyo
haween, kuwaasi oo isaga kala yimi magaalooyinka Bristol, Cardif,
Leicter iyo Cardiff ee dalka Ingiriiska. Waxaana ugu horeyntiiba
ereyo kooban oo soo dhawayn iyo mahadcelin isugu jira halkaasi ka
soo jeediyay Maxamed Yoonis Cawaale.
Intaa kadib waxa taariikh-nololeedkiisii marxuumka si qoto dheer uga
hadlay Mr. Axmed Xasan Carwo oo sheegay in Cali Maarshaal ahaa geesi
aan la gaban afkaarta uu aaminsan yahay oo aragti fog, isagoo
tusaale u soo qaatay mar uu dib ugu soo laabtay waddanka sannadkii
1980-kii oo ay warraysatay idaacadda BBC-du isagoo Cabdilaahi Xaaji
ku yidhi, “Haddii aan Afweyne laga qaban dalka iminka in aan
Soomaali wax sheegtay dib loo arki doonin.”
Mr. Axmed waxa uu intaa ku daray in afkaartii ugu waaweynaa ee
marxuumku aaminsanaa ay ka mid ahaayeen tayaynta maamulka iyo
wanaajintiisa, xorriyadda saxaafadda iyo nidaam dh eellitiran
oo ku salaysan xisaabtan.
Salaad Rooble oo ka mid ah ardaydii ay marxuum Cali Maarshaal
dugsiga Sheekh wada dhigan jireen oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay
in Cali Maarshaal wakhtigii ardaynimadaba uu muu jiyay
kartidiisa hoggaamineed iyo hufnaanta shaqo ee uu caanka ku ahaa,
isagoo arrintaas sharraxaad ka bixinayeyna waxa uu yidhi; “Cali
Allaah ha u naxariistee waxa u madax ka ahaa ururkii ardayda
waxaanan xasuustaa xilligaasi mar uu gumeysigii Faransiiska ay dad
reer Jabu uti ah ka soo qaxeen oo Cali soo jeediyay in la
sameeyo mudahraad lagu taageerayo gobani ma-doonka Jabuuti oo
riwaayad aradaydu dhigto, lacagta ka soo baxdana lagu caawiyo
dadk aasi.”
Sidoo kale waxa uu xusey inuu ahaa ruux shakhsiyad fiican oo
naftiisa u hurey sidii uu dadkiisa iyo dalkiisaba wax ugu qaban
lahaa.”
Aadan Warsame Siciid oo ka mid ah xubnihii UFFO (Hargeisa Group),
ayaa isna ka qaybgalayaa sha u soo jeediyay in loo duceeyay
mujaahid Cali iyo iyo intii kale oo dalkan naftooda u hure yba,
waxaanu tilmaamay in Cali ahaa ruux waxa uu dhaqaaqo ka midho
dhaliya oo dedaal bad an, dardar badanna galiyay siyaasadda
Somaliland, kuna shahiiday isagoo hawshaasi qaran ku jira.
Guddoomiye-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Mr. Cabdiraxaan
Cabdilqaadir Faarax oo dhaa wac culus ka soo gaadhay shilkii
baabuur ee Cali Maarshaal ku geeriyooday, ayaa si gaar ah farta ugu
fiiqay in lagula soo dardaarmay in aan la qiiroon oo ay tahay maalin
aynu aasaasa yno urur samafal ah, waxaannu yidhi; “Cali
waxaannu si fiican isku baranay xilligii doorashadii madaxtimada ee
Somaliland, intii ka dambaysanyna niman isku xisbi ah ayaanu ahayn,
waxa uu ahaa isaga iyo Dr. Siciid Axmed Xasan, raggii sababta u ahaa
in sanaaduuqdii UDUB laga joojiy ay wakhtigii doorashada, wax
kalena muu samayn ee qayniinka haloo hoggaamsamo ayuun bay
yidhaadeen.”
“Cali Marshal waxa uu Illaahay ku manaystay dhawr tayoo oo aan bani
aadamka inta badan la isku raacin sida akhlaaqda, xishoodka,
ixtiraamka, aqoonta, qadarinta, aqoonta, siyaasadda. Muu ahayn ruux
isla weyn oo dadka ka u sarreeya iyo ka suuqa joogaba isku si ayuu
ula hadli jiray, waliba wuxuu jeclaa dadka caadiga ah, ardayda iyo
haweenka.”
Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ahaa Cali nin deeqsi ah aaminsan in
maalka Ilaahay dadka isugu soo dhiibo, isagoo tusaale u soo qaatay
in maalin uu lacag siiyay, dabadeedna weydiiyay siduu ku ogaaday
inuu lacag la’a yahay, dabadeedna u sheegay in aanu wax shaaha bixin
dha wrkii casho ee dambeeyay.
Mr. Cabdiraxmaan waxa uu xusey inuu ahaa aabbo wanaagsan oo naxariis
badan qaraabada iyo dadka jilicsana kaalmayn jiray, waxaannu sheegay
in Cali ahaa maskaxda ka dambaysay ee isku soo dubbariday
barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE, uuna ahaa nin qabyaalada
neceb oo rumeysnaa in ay siyaasadu ku badinayso qabyaalad la’aan,
sidaa darteedna uu ku kasbaday inuu noqdo qofka ugu taageerada badan
xibiga dhexdiisa iyo waliba mid guud oo uu ka haystay shacbiga reer
Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, uuna noqon lahaa hoggaa
miyaha xisbiga ee mustaqbalka.
Gudoomiye-ku-xigeenku waxa uu ka warramay siday u taabatay geerida
saaxiibkii Cali Maars aal, taasi oo gayeynsiisay inuu
go’aansado inuu siyaasadda ka fadhiisto, haseyeeshee ay g o’aankiisa
wax ka beddeleen guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed-Siilaanyo, marxuum
Cali wala aladii (Xasan iyo Sahra) oo la soo hadlay, xaaskii
uu ka tagay iyo inantiisa oo ku booqday cisb itaalkii uu ku
jiray, waxaannu uu u soo jeediyay ka qaybgalayaashii shirka in ay
taageeraan mashruucan kheyriga ah ee Cali Maarshaal Trust.
Safiirka Jamhuuriyadda Ireland u fadhiya Somaliland Md. Cabdifataax
Siciid Axmed oo kulank aas ka hadlay ayaa yidhi; “Mujaahid
Cali wuxuu ahaa halyay geeridiisu argagixiso innagu wada noqotay oo
dadka reer Somaliland oo dhan ayuu ahaa geesi ka baxay.
Maanta afar shir oo kale ayaa jiray oo xataa kii UDUB waxaan ka
doorbiday aasaaska ururka samafalka ah, waana arrin qaran fikirka
siyaasiga ah waa lagula kale duwanaan karaa, laakiin s e anigu
waxaan ahayn safiir u dhexeeya saddexda xisbi qaran.”
Tifaftiraha Somali Eye Mr. Khadar Dirir ayaa isna waxa uu soo
bandhigay filim dukumentari ah oo uu ka duubay Cali Marshal xilligii
u noolaa, kuwaas oo dadka si aad ah u taabtay oo qiiro ga
liyay kana tarjumayay fikradihii marxuumku aaminsanaa.
Xisbiga siyaasiga ee UCID oo uu hadlay Nuur X Xuseen Cumar Xaashi oo
ka tirsan guddida fuli nta, ayaa sheegay in Cali Maarshaal
ummadda reer Somaliland oo dhan tabayso xisbi ahaana taageersan
yihiin ururkan samafalka ah ee loogu magacdaray.
Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee
xisbiga KULMIYE, ayaa waxa uu si cilmiyaysan uga waramay ahmiyada ay
leeyihiin ururada samofalka ahi iyo faa’ii dooyinka laga heli
karo. Waxa uu xusey in ummadaha adduunku dadka Cali oo kale ah ku
xasu ustaan siyaabo kale duwan sida taalooyin iyo goobo loogu magic-daro
ama ururro samafal. Waxa uu intaasi ku ladhay in Cali dalka iyo
dadka reer Somaliland u ahaa hormood oo qaranku aanu wali ka soo
kaban geeridiisii, isaga oo xoghayuhu caddeeyay in xisbi ahaan
afkaartii Cali Maarshaal qayb weyn ka yihiin barnaamijka siyaasadeed
ee KULMIYE daah furay toddobaadkan
Intaa kadib waxa warbixint dheer oo hadlaysa hadafka iyo sida uu
ururkan samofalka ahi u shaqayn doono ka soo jeedisay xaaskii Cali
Maarshaal Marwo Yasmin Sekaali, waxayna shee gtay in ururkan
fikradda ka danbaysay ahayd maalin iyada Cali oo waddada socda
ciyaal shiid een gaadhigoodii, kadib markii ay sitaageen ee
weydiiyeena sababta carruurtii u sheegeen inay dhagaxaanta ku wadeen
ninka waalan ee gaadhigooda dhinaciisa ku dhuumanayana, sid aa
awgeedna ay iyada iyo marxuumku isla garteen inay wax u qabtaan
dadka maskaxda wax ka qaba ee ku nool Somaliland.
Marwo Yaasmiin waxay intaasiu ku dartay in ururkani ka tarjumayo
afkaartii uu Allaah ha u naxariistee Cali Maarshaal aaminsanaa oo uu
wax weyna ka tari doono wacyigalinta dadka iyo ku baraarujinta
shacbiga habka ugu haboon ee looga hortagi karo xannuunka waalidu
inta aanu meel halis ah qofka la gaadhin iyo waliba siday lagama
maarmaan u tahay in bulshade enu wax ka badasho habka ay ula
dhaqmaan bukaanka qaba xannuunka waalida. Waxa kaloo ay ka wrarantay
baahiyaha caafimaad-darrada ah ee Somaliland ku haysta dadka
xannuunka dhimirka qaba, taas oo ay sheegtay in Cali Maarshaal Trust
wax weyn ka tari doonto haddii Allaah idmo.
Weriye Khadar Xasan Cali Gaas, ayaa isna si kooban uga warramay
ujeeddooyinka iyo waxya abaha uu qaban doono ururka samafalka
ee Cali Maarshaal Foundation oo ah urur kale oo ay si wadajir ah u
aasaaseen carruurta uu ka tagay marxuumka iyo jaalliyadda reer
Somaliland ee California ee dalka Maraykanka, kaasi oo siduu sheegay
deeq waxbarasho u fidin doona ar dayda rabta in ay dhigtaan
Jaamacadaha Somaliland. Sidoo kalena qorshaha ugu jirto inuu daabaco
buugaag heer jamacadeed ah oo dhinaca dhaqaalaha iyo miisaaniyadda
ah.
Khadar waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in Cali Marshaal uu ahaa
xubin muhiima oo muddo badan ka tirsanaa ururka Somaliland Forum,
isla markaana urur ahaan Somaliland Forum ay go’aansadeen in
mashruuca ururka ee sannadkan loogu magac-daro marxuumka.
Mashruucaas oo laga fullin doono waddada isku xidha Berbera iyo
Hargeysa, waxaannu noqon doonaa buu yidhi, “ilaa dhawr iyo soddon
calaamadood oo shub ah oo laga dhisi doono goob aha loo
aqoonsaday in ay halis yihiin, kuwaas oo ay ku qornaan doonaan
farriimo digniin ah oo dadka ku baraarujinaya meelaha halista badan
ee jidkan.”
Shirkan oo uu guddoominayay Maxamed Yoonis, waxa kale oo ka hadlay
dad aad u tiro badan oo ay ka mid ahaa Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji
Aadan, Jamaal Madar, Cali Aadan, Axmed Cad dare, Marwo Luul
Faarax (Somaliland Forum), Axmed Daahir Cilmi (Gudoomiyaha SSUK),
Maxam uud Maxamed Xoore (Camuudo), Prof. Muumin, Xasan Cali Weyd
(Bristol), Cali Xiddig (Leicest er) iyo xubno kale.
Kulankan oo aad inta badan ka dareemaysay dadku siday u tabeen ee uu
ugu dheeraa marxu um Cali Maarshaal Allaah ha u naxariistee,
ayaa lagu soo gebagabeeyay tabarucaadkii u horr eeyay ee
ururka dhidibada loogu taagi lahaa; haddaba haddii aad rabto in aad
ka qaybqaad ato waxaad kale xidhiidhi kartaa. wwwhttp://www.alimarshalltrust.org.
Source: Jamhuuriya Online
|