Ref: SNC/59/20/02/2010 Date: 20/02/2010
 


Unugga Wadaniyadda Somaliland oo Barnaamijyo Wacyi-galineed oo ku saabsan Horumarinta Wadaniyadda iyo Adkaynta Nabad-galyada JSL ka bilaabay Dugsiyadda Sare ee Caasimadda Hargeysa.

Unugga Wadaniyadda Somaliliand(Somaliland Nationalism Cell) oo ah Unugg ay aasaaseen  Ard ayda Jaamacadaha Somaliland, waxa ay 20/02/2010 oo ku beegnayd Maalinti Xuska  Dhalinya rada UFO isla markaasna ahayd Maalin Sabti ah Ka bilaabeen Barnaajim Wacyi galineed oo ku saabsan Horumarinta Wadaniyadda iyo Adkaynta Nabadda uu Alle inagu Manaystay School-lada Sare Ee Dalka JSL.


Ugu horayn Unuggu waxa uu bookhday Dugsiga Sare ee Ilays Secondary School oo ku yaala  D uleedka Caasimadda Hargeysa iyo Dugsiga Sare ee 26 June waxaana si qiiro Wadaniyaddeed leh Ugu soo dhaweeyey Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda Dugsiyada Sare Ee Ilays  Second ary Schoool iyo 26 June.

Waxa ugu horayn Halkaas Kalmad isugu jirta Dhiirigalin iyo soo dhawayn ka jeediyey  Maamula ha Schoolka Sare ee Ileys Sheekh Cabdiraxman Axmed Cabdi waxana hadaladisi ka mid ahaa: Maanta waxa farxad wayn noo ah inay na soo bookhdaan qaar ka mid ah Ardaydi dhigan  jirta y Iskuulkan Ilays maantana dhigta Jaamacadaha Dalka isla markana ka shaqaynaaya  Wadani yadda iyo Horumarinta Arimaha Bulshada waana wax qurux badan in Diinta iyo Dalkaba laga shaqeeyo oo lagu baraarujiyo Bulshada JSL.


Waxa isaguna ka waramay Ujeedada ay ku saab-sanayd Bookhashadani Mubaarik Abdilahi oo ka tirsan Unugga Wadaniyadda isaga oo si faah faahsan uga warbixiyey Ungga Wadaniyadda Somaliland iyo Ujeedooyinki loo aasaasay, waxa uu qabto iyo waxaa uu hiig sanaayo Unuggu Mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba waxanu yidhi: Ungga waxa la aas aasay 30/12/08 waxana aasaasay Ardayda Jaamacadaha Dalka Kadib markay dareemeen Inay Jirto baahi  Wadaniyad deed oo ka maqan Guud ahaan Bulshada Gaar ahaana Dhalinyaradda JSL taas oo sababtay Rajo Xumo, Tahriib iyo wixi la mida, hadaba si looga baxo arimahaas iyo wixi la midaba, waxa kaliya ee loo baahanyey in Dhalinyaradda lagu wacyi-galiyo inay wadankooda ku  kalsoonad aan oo ay ka shaqeeyaan Horumarinta Wadanka isla Markaasna la sameeyo Iskaashi dhab ah oo dhex mara Bulshada iyo Dawlada JSL si loo gaadho Horumar Waara iyo Citiraaaf Caalami ah.


Waxa isaguna Halkaas ka hadlay Abwaan Abdiraaq Maxamed Muse(Hirgal) oo ka mid ah  Unu gga Wadaniyadda Somaliland oo si qoto dheer u sharxay uuna iftiimiyey Wadaniyadda iyo  Qii maha ay leedahay waxaanu yidhi: Wadaniyaddu Waa Dareen Maskaxeed Oo ku beerma Qofka Damiirkiisa kaasi oo u horseeda inuu hadh iyo habeen u tafa- xayd-naado Horumarinta, Difaac a iyo Daryeelka Ciidiisa Hoyo. Waddaniguna waa Qofka aamin-san in Ciidiisa iyo Calankiisu ay yihiin jeex isaga ka mid ah, sidaas darteed uu ka dhawro wax kasta oo hagar-daamo u gaysan kara Dalkisa Hooyo, waxa ugu yar oo Dalkeena JSL aynu ku horumarin karnaa waa inaga oo Jeclaana.


Intaas ka dib waxa halkaas Gabay aad u qiimo badan oo ku saabsan Wadaniyadda oo la Magac baxay Dalxiis ama ku Dalxiis Dalkaaga Hooyo ka soo jeediyey Abwaan Axmed Maxamed Faarax(Badeed).


Ugu dambayn waxa halkaas Mahadnaq balaadhan Uga soo jeediyey Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda School-lada Sare ee ilays Iyo 26 June Secondary School Nafiisa Muuse C/lahi iyo Sam iira Maxamed Nuur waxanay ku amaaneen Dareenka Wadaniyaddeed ee ka muuqda  Iskulada as, waxanay ka cod sadeeen inay Ardayda Dugsiyada Sare la sameeyaan Xidhiidh ku salaysan iskaashi Wadaniyaddeed oo ka tisqaada guud ahaanba dhulwaynaha JSL.


Gunti iyo Gabagabadi waxa Unugga Wadaniyadda Somaliland ay ku Beereen Dugsiyadda Sare ee Ilays iyo 26 June Min Hal Geed oo ay uugu Magac dareen Geedka Wadaniyadda waxana Gudoon siiyey isla markana si wada jira u beeray G/Xigeenka Unugga Wadaniyadda Somaliland Mr:Khadar A/rehman A/lahi iyo Maamuleyasha Iskulada Ileys iyo 26june oo kala ah  Sh.C/ra xman Axmed Cabdi iyo Cali Axmed Ugu Dambayn Unugga Wadaniyadda Somaliland waxa uu socdaal kiisi ku soo gaba gabeeyey Beerta Xoriyadda Magalada Hargeysa Oo lagu Xusaayey 28 Guuradi ka soo wareegtay Maalinti Dhalinyaradda UFO oo ahayd Maalin Wadaniyaddeed Oo Mudan Xusuus gaar ah.


Xuska 28 Guuradi Malinta
Dhalinyaradda UFO

Contact Phone Number:+2522-4418277/4115187/4415099 ama
Email:Unugga@gmail.com
Allaa Mahad leh
Saxeexa G/ku xigeenkaUnugga Wadaniyadda Somaliland
Khadar A/rahman A/lahi__________________