War Saxaafadeed:
Universal TV oo caadaystay xaqiraada taariikhda dalka
SomalilandUniversal TV oo caadaystay xaqiraada taariikhda
Jamhuuriyada Somaliland

London (TNN)-Ka dib barmaamujyo sadix ah oo kiisii ugu dambeeyay
xalay lagasoo daayay TV-ga Universal, waxa xafiiska urur
jaaliyadeedka West London Somaliland Community soo gaadhaysay
cab ashooyin tira badan oo dadka reer Somaliland ka tirsanayaan TV-gaas.
Saaka oo qudha (01/07/2010) waxa xafiiska ururka kasoo hadlay
dad ka badan 50 qof oo dhammaantood aad uga cadhaysan fadeexadii
xalay ka dhacday barmaamujka Xogwaran.
Wuxu ninka Nadaaro la yidhahdo barmaamujka Xogwaran u samaystay
innuu ku xaqiro taar iikhda iyo jiritaanka Jamhuuriyada
Somaliland. Waxa muuqata in Nadaaro iyo badiba shaqaal aha TV-gaas
aanay garanayn taariikhda Jamhuuriyada Somaliland iyo guud ahaan ta
geeska Africa-ba. Sidaa daraadeed waxay dadka reer Somaliland ku
tahay ku tumasho markuu maa mulka TV-gaasi Nadaaro usii daayo
innuu ka hadlo mawduuc aanu aqoon u lahayn amma soo baadhin-ba.
Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu usoo
jeedinayaa maamulka TV-ga Universal inay si dag-dag ah talaabo uga
qaadaan wariye ku sheega Nadaaro, isla marka ana raali galin
ka bixiyaan sadixdii barmaamuj ee xogwaran ee sida cad loogu
xaqirayay jirit aanka iyo taariikhda dalka Somaliland, cayda
iyo aflagaadaduna dheeraadka u ahayd. Waxa kaloon Unversal TV usoo
jeedinayaa inay bartaan taariikhda gaarka ah ee Jamhuuriyada
So maliland. Waxaanu maamulka TV-gaas xusuusinaynaa in Somaliland
marnaba ka mid noqon dal la yidhahdo Somalia ee ay Jamhuuriyada
Somaliland iyo Jamhuuriyada Somalia 1-dii July ee 1960-kii ku
midoobeen dal la odhan jiray “Somali Republic” amma “Jamhuuriyada
Sooma aliyeed”, dalkaas oo baaba’ay 18-kii May 1991 markii
Jamhuuriyada Somaliland go’aansatay inay ka baxdo midawgaas.
Dhinaca kale waxaanu Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland usoo
jeedinaynaa inay talaabo dag-dag ah ka qaado Unversal iyo guud ahaan
saxaafada reer Somalia ee ka tabinaya wara rka gudaha dalka
Somaliland. Taariikhdu waa salka amma seeska qaran walba oo jira
sidaa daradeed maaha in qaranka Somaliland ka yeelo reer Somalia
inay u yeedhiyaan taariikhdo oda oo ay been ka sheegaan.
Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu dadwaynaha
reer Somaliland ee ku dhaqan UK u sheegaya innuu darsayo dariiq
sharci ah oo TV-ga Universal lagula tiigsan karo sharciga dalkan UK
u yaala ee xagga saxaafada.
Ciddii rabta inay mawduucan nagalasoo xidhiidho waxay nagalasoo
hadli karaan talafoonka ah 0208 848 1180 amma emailka ah:
wlondonsomalilanders@gmail.com
Wa bilaahi tawfiiq,
Iid Xasan Aw Muuse,
Agaasimaha West London Somaliland Community
|