‘Xisbiga UDUB wuu soo Dhawaynayaa in la Baadho Masuulkasta oo ku Kacay Boobka Xoolo Dadweynaha ka Dhexeeya, Kamana soo Horjeedno in Sharciga la Mariyo’

 

 


Hargeysa Dec 13,2010 (TNN)-Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa ku dhawaaqay inay soo  dhawaynaya an, isla markaana taageerayaan in lala xisaabtamo oo maxkamad la horgeeyo qof kasta oo lagu helo inuu lunsaday xoolo ummadda ka dhexeeyey.

Sidaana waxa ku dhawaaqay Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi) oo loo magacaabay inuu noq do afhayeenka xisbiga mucaaridka ee UDUB oo daba socday waraysi uu bixiyey wasiirkii hore ee warshad aha Md. Maxamed Saleebaan Maxamed (Ina Saleebaan Weyne) oo ku soo baxay caddadkii Jamhuuriya ee shalay oo uu ku caddeeyey in masuuliyiinta xukuumaddii uu ka tirsanaa ee Madaxweyne Rayaale musuqm aasuq iyo boob baahsan kula kaceen hantida ummadda iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Afhayeenka xisbiga UDUB oo shalay saxaafadda ugu waramay hudheelka Craw nee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay xisbi ahaan soo dhawaynayaan in baadhitaan buuxa lagu sameeyo oo maxkamad la geeyo cid kasta oo ku kacday boobka iyo musuqmaasuqa hantida iyo xoolaha ka dhexeeya dadweynaha reer Somaliland.

“Anagu xisbi ahaan waanu soo dhawaynayaa in la baadho oo maxkamad la horgeeyo cidkasta iyo  masuul kasta oo ku kacay boobka xoolo dadweynaha ka dhexeeya, kamana soo horjeedno in sharciga la mariyo qofkasta oo lunsaday xoolo ummadeed,” ayuu yidhi afheeynka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md.  Cisma an Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi).

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, waxa uu saxaafadda u akhriyey guddi-hoosaadyada, madax da xafiisyada bahweynta UDUB iyo magacyada masuuliyiinta xisbigu u idmaday gadhwadeenka guddi-hoos aadyada iyo xafiisyada xisbiga UDUB, guddiyadaasi oo afhayeenku sheegay inay si ku-meel-gaadha u sii wadi doonaan hawlaha xisbiga inta la gaadhayo shirweynaha guud ee xsbiga UDUB yeelan doono.

Liiska guddi-hoosaadyada iyo xafiisyada oo uu magacaabay Guddmooye-ku-xigeenka xisbiga UDUB Md. Ax med Yuusuf Yaasiin, isla markaana ay ku dhan yihiin inta badan masuuliyiinta maamulkii madaxweyne Rayaale, isaga oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan;



“1.Guddi-hoosaadyada abaabulka iyo wacyigelinta: Guddoomiye Maxamuud Cabdi Faarax (Cabdi Malaw), Guddoomiye-ku-xigeen Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse Guray), Xoghaye Hoodo Cabdi Aadan.

2. Guddi-hoosaadka siyaasadda: Guddoomiye, Yuusuf Ciise Tallaabo, Guddoomiye-ku-xigeen Cismaan Sheekh Cabdi, xoghaye Maxamed Yuusuf Cismaan.

3. Guddi-hoosaadka shuruucda iyo anshaxa: Guddoomiye Maxamed Ibraahim Riyaal (Saajin), Guddoomiye-ku-xigeen Cali Sheekh Cabdi (Adamu), xoghaye Maxamed Cismaan (Mu’aadin).

4. Guddi-hoosaadka dhaqaalaha: Guddoomiye Abiib Xasan Filfil, Guddoomiye-ku-xigeen Cali Maxamed Warancade, Khasnaji Xasan Cabdi Xabad, Xoghaye Mahdi Cismaan Buuri.

5. Guddi-hoosaadka Qorshaynta, Daraasadda iyo cilmi-baadhista: Guddoomiye Cabdixaliim Maxamed Muuse, Guddoomiye-ku-xigeen xildh. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, xoghaye Xildh. Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

6. Guddi-hoosaadka arrimaha bulshadda: Guddoomiye Muuse Cabdi Maxamed (Muuse Madoobe), Guddoomiye-ku-xigeen Cali Xasan Maxamed (Cali Asad), xoghaye Maxamed Aw Aadan Wayrax.

7. Guddi-hoosaadka xidhiidhka gobolada, degmooyinka iyo dibeddaha: Guddoomiye Maxamed Aw Daahir Ibraahim, Guddoomiye-ku-xigeen Maxamed Cabdillaahi Maxamed, xoghaye Aadan Daahir Maxamed (Aadan Dheere).

8. Guddi-hoosaadka difaaca iyo nabadgelyada: Guddoomiye Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Guddoomiye-ku-xigeen Axmed Jaambiir Suldaan, xoghaye Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro).

1. Xafiiska baadhista iyo kormeerka: Guddoomiye Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Guddoomiye-ku-xigeen Mawliid Cumar Xuseen, xoghaye Nimco Jaamac Yuusuf, Auditor Axmed Maxamed Wacays.

2. Xafiiska xidhiidhka guddi-hoosaadyada iyo arrimaha komishanka doorashooyinka: Guddoomiye Kanadiid Maxamed Khaawi, Guddoomiye-ku-xigeen Maxamed Cabdi Daauud, xoghaye Kayse Cali Geedi, xubin Faadumo Suudi, xubin xildh. Baar Siciid.

3. Xafiiska arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah: Guddoomiye Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Guddoomiye-ku-xigeen Axmed Xaashi Cabdi, xoghaye Ibraahim Sulaymaan Ducaale (Tallaabo).

4. Xafiiska ololaha doorashooyinka: Guddoomiye Maxamuud Siciid Maxamed, Guddoomiye-ku-xigeen Cali Axmed Yufle, xoghaye Axmed Maxamed Filanwaa.

5. Xafiiska afhayeenka xisbiga: Cismaan Cabdillaahi Cigaal

6. Xafiiska mus-dambeedka xisbiga: Guddoomiye Xasan Xaaji Maxamuud Warsame, Guddoomiye-ku-x-igeen Maxamuud Garaad Maxamed, xoghaye Cali Cilmi Geelle, xubin Rashiid Xaaji Cabdillaahi Guuleed, xubin, Siciid Sulub Maxamed, xubin Maxamed Hagar Dirir, xubin Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), xubin Cabdi Haybe Maxamed, xubin Xuseen Cali Ducaale (Cawil), xubin Maxamuud Maxamed Barre, xubin Cali Maxamed Biikalo, xubin Cali Maxamed Qoorseef, xubin Dr. Idiris Ibraahim Cabdi.”

 



Source: Jamhuuriya