Xisbiga Udub oo Ololaha Doorasha si Rasmi uga Bilaabay Magaalada Gabiley



Gabiley (Longlivesomaliland News)- Xisbiga UDUB ayaa shalay ololaha  door asha madaxtooyada si rasmi ah uga bilaabay magaalada Gabiely. Xaflad balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen wasiirada dawlada Somaliland ee kasoo jeeda gobolka Gabiley, masuuliyiinta gobolka Gabiley iyo taageerayaasha xisbiga UDUB, ayaa lagu qabtay fagaaraha khayriyada ee magaalada Gabiley.


Wasiirada kasoo qaybgalay waxaa ka mid ahaa wasiirka wasaarada  Gan acsiga Somaliland Abiib Xasan Filfil iyo wasiiru dawlaha wasaarada hawlaha guud iyo guriyaynta Xiris Aw Cabdi Sheikh oo labaduba dadka fagaaraha iskugu soo baxay u sheegay in ololaha doorashada madaxtooyadu si rasmi ah uga furmay guud ahaan Gobolada iyo Dagmooyinka Somaliland oo dhan uuna u furan yahaybay yidhaahdeen cidkasta oo ka qaybgalaysa  dooras hada madaxtooyada.


Dhinaca kale labada wasiir ayaa komishanka doorashooyinka ku amaanay talaabadii ay qaadeen ee ay dalka ku badbaadinayeen. Dhanka kalana waxay Xuseen in haayada interpeace dalka ka dhex waday isku dir iyo inay wadanka khalkhal galiso.


Waxaa iyaguna fagaaraha khayriyada ka hadlay gudoomiyaha Gobolka  Ga biley Maxamed Axmed Aw Cabdi (xabiib) iyo Gudoomiyaha Golaha  Deega anka Gabiley Aadan Muxumed Badde oo iyaguna dadka reer Gabiley iyo taageerayaashaba ugu baaqay inay maantu u tahay maalin wayn oo ololihii u bilaabmay, iyaguna ay yihiin madaxdii xisbiga ee gobolkan ugu saraysay, dadkana ay kala qaybqaadan doonaan ololaha iyagoo sheegay inay maantu bilaw tahay laakiin maalmaha soo socda uu intan ka balaadhan doono.


Labada gudoomiye ayaa sidoo kale soo dhaweeyay bilawga ololaha  doora shada Gabiley, qayblaxaadle inay ka qaadan doonaana u cadeeyay  xisbigo oda iyo sida ay usoo bandhigayaan waxqabadyadii xisbiga intii ay talada hayeen.

Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Gabiely Saleebaan Madaxay iyo  gu doomiyaha garabka haweenka ayaa iyaguna sidooo kale amaan u soo  jee diyay komishanka doorashooyinka qaranku talaabada ay qaadeen iyo  eryi da madaxa haayadii interpeace ee uu madaxwaynuhu eryay.



Dad aad u tiro badan ayaa shalay iskugusoo baxay fagaaraha khayriyada magaalada gabiely, dadkaasi oo ku labisnaa calanka xisbiga UDUB iyo sidoo kale dareenkooda ay ku dheehnayd farxad iyo raynrayn.



Nimcaan Dheeg
nimcaan@longlivesomliland.com
Longlivesomaliland News Desk
Gabiley Somaliland