Xisbiga Daryeelka iyo Cadaalada UCID shir ballaadhan ku yeeshay wadanka Finland Magaalada Helsinki

 



 

Finland  Sabti 08/05/2010 (TNN) - Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID oo shir ballaadhan ku yeeshay wadanka Finland magaalada Helsinki Shirkaas oo ah mid aad u soo abaabuleen kana soo shaqeeyeen Garabka haweenka Xisbig UCID Findland, waxa ka soo qeyb galay Madaxda sare Xisbiga UCID Europe oo ka mid yihiin Gudoomiyaha garabka haweenka Asha Hussein Maraykan iyo Abni Mohamed Ali Gudoomiye ku xigeenka Garabka haweenka UCID Europe. Hadaladii iyo qudbadihii shirka oo laga soo jeediyey oo la soo koobay waxay u dhaceen sidan hoos ku qoran.

Farxaan cumar jaaquul: Gudoomiyaha garabka haweenka Finland: ayaa shirka furtay, Marwa Farxaan waxay ugu horeyntiiba salaan iyo mahadnaq ku saabsan sida fiican ee ay uga soo qeybgaleen shirka u soo jeedisay gudiyada xisbiga UCID ee Finland, xubnaha xisbiga UCID dhamaantood, Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka garabka haweenka ee Europe Marwo Asha Hussein Maraykan iyo Abni Mohamed Ali iyo dadweyne fara badan oo sharaf leh oo reer Somaliland ah oo ka soo qayb galay xaflada.Marwo Farxaan waxay si qotadheer uga warrantay qaab dhismeedka maamul ee xisbiga UCID findland iyo waxa qabadka xisbiga UCID Finland iyo horumarka ay sameeyeen mudooyinkii u dambeeyey, intaa ka dib waxay Marwo Farxaan ku soo dhaweysay madasha inay hadal ka so jeediyaan Waftiga madaxda UCID Europe.

Asha Hussein Maraykan, Gudoomiyaha Europe UCID garabka haweenka; Marwo Asha ugu horayn waxay sallaan iyo mahadba u gudbinsay xubnaha xisbiga UCID, iyo dhamaan dad weynaha ka soo qeyb galay shirk, Marwa Asha waxay ka warrantay doorashada Somaliland iyo sida luugu baahan yahay in qurbo joogto si fiican uga qeyb qaatan gaar ahaan xagga dhaqaalaha, waxa kale ooy u soo jeedisay dumarkii shirka fadhiyey iyo guud ahaan dumarka Somaliland inay codkooda siiyaan Xisbiga UCID Sababtoo ah, xisbiga UCID wuxuu rumaysan yahay in haweenku yahay asaaska bulsho kasta. Sidaa darteed xisbiga UCID waxa uu garawsan yahay oo aaminsan yahay in haweenka Somaliland yihiin halbawlaha nolosha iyo nabadda Somaliland ka jirta horena qaybta ugu weyn uga soo qaateen nabadaynta iyo horumarinta dalka. Sidaa darteed, xisbigu waxa uu ahmiyad u qalanta siin doonaa ururrada haweenka ee heer walba si loo sii kordhiyo waxqabadka ay u hayaan dalka. Waxa kale oo xisbigu xoogga saarayaa xirfadaha shaqo iyo baayac-mushtar ee haweenka u gaarka ah. Xisbigu wuxuu haweenka u samaynayaa xarumo iyo naadiyo cilmi iyo bulsho u gaar ah oo ay hawlahooda ku qabsadaan.

Abni Mohamed Ali:: Gudoomiyhe ku-xigeenka garabka haweenka Europe UCID, oo si faahfaahsan uga hadashay qorshah siyaasadeed Xisbiga UCID ugu tala galay in wax kagag qabtaan hadii xisbiga UCID ku gulaysto doorashada adeegyada daryeelka Caafimaadka. Iyo Arimaha Bulshada, Marwo Abni waxay sheegtay in Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID, uu u arko in Daryeelka Caafimaadka Bulshada yahay madhaafaanka, sidaas darteed Xisbiga UCID himiladiisu waxay tahay in qof kasta oo reer Somaliland ahi helo addeeg caafimaad oo tayo leh, iyada oo yoolka xisbigu yahay in la helo caafimaad qiimihiisu jaban yahay. Waxa aannu ku hamiyeynaa in aannu

daboolno baahida caafimaad ee haatan jirta. Xisbiga UCID waxaa ka go’an suggida

iyo tayeynta addeega caafimaad ee dalka. Iyadoo xisbiga UCID uu isbeddel dul iyo

hoos ah ku samayn doono caafimaadka Somaliland (changing context of Somaliland

health), si taas loo helona waxa xukuumada UCID galin doontaa miisaaniyada

qaranka 20% caafimaadka dalka, waxaaney hirgalin doontaa sidoo kale qoddobka

17aad ee dastuurka dalka oo waajibanaya ilaalinta iyo kobcinta caafimaadka

qaranka.



Waxa aannu ku dhaqaaqi doonaa in dib-u-eegis iyo kaabid lagu sameeyo xeerarka

caafimaad ee waddanka ka jira iyadoo kuwo cusubna la curin doono, sidoo kalena

dib-u-qaabeyn iyo tayeyn xoog leh lagu samayn doono Wasaarada Caafimaadka isla

markaana dad aqoon sare iyo hawl-karnimo leh loo dhiibi doono hoggaaminteeda.

Si loo sugo caafimaadka guud ee muwaadiniinta, waxaa la raaci doonaa afar

stratijiyadood oo qeexan isla markaana isku xidhan ayna lama huraan tahay in la

wada qaato sida hoos ku qoran:



1) Ka hor taga cudurada keena dhimashada xad dhaafka ah, bukaanka iyo

naafawga, guud ahaan muwaadiniinta, gaar ahaana dan yarta iyo inta aan

addeega caafimaad gaadhin (Reducing the diseases that cause excess

mortality, morbidity and disability especially in poor, rural and marginalized

population )



2) Kor-u-qaadida hab-nololeedka caafimaadku ku jiro iyo hoos-u-dhigida

arrimaha khatar galin kara caafimaadka kuwaas oo ka iman kara dhinaca

deegaanka; dhaqaalaha iyo hab-dhaqanka bulsheed (Promoting healthy

lifestyles and Reducing risk factors to human health that arise from

environmental, economic, social and behavioural causes)



3) Samaynta hab caafimaad ku dhisan sinaan, kana jawaaba baahida

caafimaad ee ay dadweynuhu xaqa u leeyihiin in loo qabto isla markaana la

jaanqaadaya haynta bulshada oo ku sallaysan qiimo-lacageed suurto-gal ah

(Developing health systems that equitably improve health outcomes,

respond to people’s legitimate demands, and are financially fair)



4) Dejinta iyo hirgalinta siyaasad iyo jawi caafimaad oo la jaan qaadi kara

nolosha dhaqan-dhaqaale iyo deegaan ee bulshadda reer Somaliland

(Framing an enabling policy and Creating an institutional environment for the health sector that is effectively compatible with the social, economic,

environmental and development policies).



Waxa kale oo shirka ka soo qaybgalay oo ka hadalay: Gudoomiye ku xigeenka garabka haweenka sucaad carab,Gudoomiyaha sadexaad na waa Ubax Gacan Jilib, Xoghaynta UCID Finland Hoodo, Gudoomiyaha Maaliyada UCID Finland. Sucaad Awjaamac,Afhayeenka Xisbiga UCID Findland fadxiya cabdi dhaga-wayne. Waxa kale halkaa ka hadlay dad fara badan oo kale oo ka mid ah taageerayaasha Xisbig UCID.





Allah Mahad Leh.


Xisbiga Caddaalada & Daryeelka
UCID Europe { Justice & Walfare Party }