Xisbiga UCID Oo Maanta Soo Bandhigay
Isu-soo-bax Ka Nixiyey Labada Xisbi Ee KULMIYE Iyo UDUB
Hargeysa (TNN)-: Xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, ayaa
maanta fagaaraha beerta Xoriy ada ee magaalada Hargeysa ku soo
bandhigay ku soo ban-dhigay isu-soo-bax ball aadhan oo qayb ka ah
ololaha doorashada ee gabagabada ku dhaw.
Boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga UCID, ayaa subaxnimadii
hore saaka isaga kala yimi deg mooyinka magaalada Hargeysa,
iyaga oo watay baabuur fara badan oo ay ka lul manayaan
calann ada iyo asmaata u gaarka ah xisbiga UCID, iyaga oo markii
dambe-na isu gu yimi fagaaraha beerta xoriyada, oo ay ku
sugnaayeen masuuliyiin sar sare oo ka mid ah xisbiga UCID.
Ugu hooray, Xoghaya Guud ee xisbiga UCID Muuse Xaaji Muxumed
Guuleed[Muuse Inji] oo halkaa ka hadlay, ayaa si weyn ugu
mahad-celiyey taageerayaasha xisbiga UCID sida ball aadhan ee
ay isugu soo baxeen fagaaraha beerta Xoriyada.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi, “Saddexda xisbi ee le
kala dooranayaa waa UCID, UD UB iyo KULMIYE. UDUB iyadu way ina
daysay oo way u dhamaatay, laakiin weli dhib aatadeedii ayay
weli sii wadaa. Waxa ay iibsanayaa Kaadhadhkii oo meel ay gaynayso
gar an maayo. Waxa aan la codsanayaa labada xisbi ee UCID iyo
KULMIYE IN loo midoobo sidii a anay dhibaato uga dhicin lahayd
waxaas ay UDUB waddo oo ah Kaadhadhka ay iibsanayso. Waxaana ay
doonaysaa inay nabadgelyo darro dhacdo. Arrintaa labada xisbi ma u
midoo baan, si ay doorasho nabad ahi inoogu dhacdo, oo isbedel rasmi
ah lagu sameeyo.”
Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Xisbiga UCID halka uu maanta
marayo waad aryk aysaan, oo isbedelkii dadku way qaateen, oo
waxa ay goosteen inay UCID u codeeyaan. Sidaa daraadeed waxa aan lee
yahay maalinta la gelayo doorashada, qofwalawba waxa aad
maskaxadaada ka keen taa oo aad u xasuusnaataa in waxa aad
doonaysaa uu yahay isbedel, mid-kaana waxa kuu haysan UCID. Iyada
ayaa diin kugu xukumaysa oo dhalinyada wax u ogol.”
Xoghayaha Maamulka iyo qorshaynta ee xisbiga UCID Maxamed Xasan
Dirir oo halkaas ka hadlay, ay aa taageerasha xisbiga ku tilmaamay
inay muujiyeen isu-soo-bax layaab leh, is aga tilmaamay in So
maliland hadda haysato fursad qaaliya, “Maanta waxaa inoo soo baxay
sideed sano oo aynu cidhiid hi ku jirnay ka dib Obama-ha
Somaliland, oo ah Faysal Cali War aabe , haddii aynu Obamaha
Somalil and dooran wayno sidii Maraykan-ka ayuu dhaqaale b
ur-bur iyo nabad burbur inagu dhici doonaa, soo ma dooranayno ‘HAA.’
Waa inoo sidaas.’” Ayuu yidhi Maxamed Xasan.
Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Diinta Islaamka ee xisbiga
UCID idiinku baaqay w aa mid xaqiiq ah oo uu ka dhabayn doono,
waa mid ilaa 1960-kii dawladihii kala dambeeyey laga waayay cid u
badheedha, cidda u badheedhay waxa weeye xisbiga caddaalada, diinta
iyo daryeelka ee UCID.”
Waxa uu jawaab kulul ka bixiyay hadal dhaleecayn ah oo Wasiirka
hawlaha guud Siciid Su lub u soo jeediyey xisbiga UCID oo uu
ku tilmaamay inuu xidhiidha la leeyahay kooxda Als habaab,
“Dad-baa waxa ay ka xun yihiin awooda cusub ee xisbiga UCID
maalmihii u dambe eyey uu sidii Obama toban cisho gudahood uu
la soo baxay, waxa ay ka xun yihiin Diinta Islaamka ee uu ku
dhawaaqay, waxa ay yidhaahdeen Alshabaab ayaad tihiin, ee miyeynu ka
rumaysanaa,? ‘MAYA’. Ninka sidaa yidhi waa nin weyn oo xil idiin
haya oo Siciid Sulub la yidhaahdo, kaas oo sheegay in Alshabaab la
soo hadash ay oo ay tidhi‘Xisbiga UCID ha loo codeeyo.” Soo
beentii maaha ‘HAA”. Waxa ay Somalidu ku maah maahdaa nin
walba halkii bugtaa isaga ayay belbeshaa. Awooda xisbiga UCID markii
uu arkay waxa uu ku marmar sooday inuu Diinta Islaamka waxa ka
sheego. Waxa aynu leenahay qofka diinbta Ila ahay wax ka
sheegayaa waa qof diinta Ilaahay ka baxay, Diinta Ilaahay cidda
diida in la isku xukum aa waa gaal.Waxa aynu leenahay waxa aad
tahay nin weyn oo masuul ahe ilaahay u toobad-celi.”
Waxa uu intaas ku ladhay oo uu yidhi “Siciid Sulub iyo Alshabaab
Telfoonka ay ku wada ha dleen muxuu yahay, waa mid aynu garan
la’nahay Siciid Sulub Alshabaab waxa ka dhexe eya, isaga ayanu
u daynaynaa oo yaqaana. Ummada Somaliland waxa ay ka sugaysaa inuu
caddeeyo halka ay Alsha ab ku tidhi ‘UCID ha loo
codeeyo.”Siciid Sulub waa dilaalka koobaad ee dawlada xarku galay,
waa nin ka u badheedhay inuu xoolaha Ummadeeda wada iibiyey.
Waxa aan aad uga xumahay inuu Ummada horteeda wax ka sheego. Marka
aanu talada dalka ku guulaysano waxa aanu ka dhigi doonaa inuu
Saylada ka noqdo Dillaal caadiya ilayn waxa uu u bartay inuu dilaal
noqdee.”
Xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga UCID Marwo Faadumo Cali Madar,
oo iyana halkaa ka hadas hay ayaa tidhi “Xisbiyada qaar ayaa
waxa ay idinku sasabtaan ‘reer Somaliland-naw anaga ayaa nabada
idiin haynaaye na doorta,’ kuwaas been ayay idiin sheegaan, wa ayo
dadka nabada suga ee ilaaliyaa waa reer Somaliland oo waa shicibka.
Haddii aanay nabada ilaalin lahayn shacabka iyo ciidamada mushaharku
ku yaryahay, anigu uma malay nayo inay dawladi sugi lahayd.”
Waxa aya u soo jeedisay bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay
jogaan joogaan inay heegan u ahaadaan ilaalinta nabada, isla
markaana waxa ay sheegtay inay xisbi ahaan diy aar u yihiin
inay waddanka ka hirgelin doonaan isbedel dhab ah oo dhinac kasta
taabanaya.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Xoghaya arrimaha gudaha ee xisbiga
UCID Maxamed Ibr aahim Qa bo, oo taageerayaasha xisbiga
UCID ku booriyey oo yidhi “Waxa aan idinku boori nayaa todoba
ha been ayaa ka hadhay masiirkii iyo mustaqbalkii Somaliland. Waxa
aan idiin sheegayaa waxa aad tihiin mucalimiin oo laba sannadood
ayaa jiinis la idin siiyey aad wax ku kala garataan. Masiirkii
Ummadani waxa uu ku jiraa gacmahiina. Waxa aan idinku adkayn
ayaa inaad UCID u codaysaan, oo aad codki ina siisaan. Si ay
Somaliland u badbaado oo aynu u gaadho himilada aynu hiigasnayno.”
Prof. Siciid Sheekh oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xisbiga
UCID u taagan yahay inuu waddan ka ka hirgeliyo shareecada
Islaamka, isla markaana uu Somaliland ka abuurayo is-bedel dhab dhab
ah “Walooloyaal xisbiga UCID waxa uu ku baaqayaa inuu shareecada
Isla amka waddanka ku dhaqa yo, waxa uu maanta sheeganayo
maaha ee waa wax ku qoran buugiisa siyaasadeed. Qodobka ugu horeeyaa
waxa uu ka hadlayaa inuu shareecada Islaa mka waddanka ku
dhaqayo.” Ayuuu yidhi Prof. Siciid Sheekh.
Waxaana uu si weyn ugu dhaliilay Madaxweyne Rayaale inuu waddanka
meel xun ku wad do, isla m arkaana uu danaysanayo,
“Walaaloyaal maamulka Rayaale, waa ka Adduunka ugu liita oo wax
allaal eyaal wax ugu liitaa ma jiro, oo wasaarad shaqaysaa ma jirto,
11 subax nimo marka ay gaadho meel shaqaysaa ma jirto, iyada
oo laga doonayo inay shaqeeyaan sided caadadood. Maamulkiisu waxa uu
ku caam-baxay mi aan dadka waxa uu qabanayo w ax-ba la
socodsiin.’
Gudoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga UCID ee Gobolka
Maroodi-jeex Mr Jiir, oo halk aas hadal kooban ka soo jeediyey
ayaa ugu baaqay shacab oo yidhi.
Waxa isugana halkaa ka hadlay Xuseen Axmed Ildab oo ka mid ah
masuulitiinta sar sare ee xisbiga UCID, oo sheegay in la joogo kama
dambaystii ololaha doorashada, isla markaana taageerayaasha looga
baahan yahay ina codkooda u dhiibtaan si nabadgelyo ah.
Timacade News Network (TNN)
Hargeysa Somaliland
|