Wajaale,Magaalo Ka Arradan Adeegyada Bulshada Ee Aasaasiga Ah

 

Magaalada Wajaale oo ah xarunta labaad ee ganacsiga somaliland ayaa ma amulka cusub ee dhowaan loo magacaabay degmada Wajaale muddo  haat an laga joogo 12 bilood waxa ay dadweynaha magaaladaasi ka cabanayeen karti daro iyo maamul xumo, taas oo ay dadweynuhu ku eedaynayaan maa mulkaasi inaanu waxba ka qaban adeegyada bulshada ee asaasiga ah sida biyaha, laydhka, caafimaadka, wadooyinka, waxbarashada, iyo bilicda oo dhamaantood ay magaaladu ka aradan tahay.

Hadaba Haddii aynu ku horayno dhinaca biyaha magaalada Wajaale malaha biyo Nadiif ah oo ay dadku cabaan waxaana biyaha looga soo dhaamiyaa ceelasha iyo balayada magaalada hareerahaeeda kuwaas oo ay wada jir u isticmaalaan dadka iyo xooluhuba taas oo ay xataa xayaawaanada qaar oo waalan ama cuduro xun xun qabaa ay iska cabaan biyaha ceelasha kuwaas oo marka magaalada booyaduhu keenaan ay dadku isticmaalaan taas oo halis ku ah caafimaadka bulshada.

Dhanka Caafimaadka magaaladu malaha Cusbitaal, waxa jira hal MCH oo keli ah kaas oo aanay u dhamaystirnayn adeegii caafimaad ee ay bulshadu u baahnayd, dumarka umulaya ayaa jidka ku sii umula ama kusii nafbaxa inta loola sii socdo Magaalooyinka Hargeisa Iyo Boorama oo ah kuwa ugu dhow ee laga heli karo cusbitaal guud.

Xaga nadaafada waxa jirta in wasakhda hudheelada iyo xashiishka lagu daadiyo Toga Wajaale ee ay Magaaladu magaca Kula baxday taas oo xiliy ada roobka dhibaato badani ka dhalato sida shubanka iyo xanuuno kale.


Sidoo kale dhibaatooyinka ay ka cabanayaan dadka ku nool magaalada Wajaale ayaa waxa ka mid ah Ayda oo magaalad aad ugu badan kuwaas oo wakhtiyadan dambe lasoo baxay inay dadka cunaan kadib markii qaar ka mid ah Eydaasi ay waasheen taas oo Daawada qaniinyada Eyda aan laga helin dalka, waxaana dadka ay Eydu qaniinto loola cararaa magaalada Jig jiga ee dalka Itoobiya.

Magaalada Wajaale ayaa sidoo kale aan lahayn xafiisyada adeega bulshada ee dawladeed marka laga reebo laba makhsin oo ay dawlada hoose leeda hay kuwaas oo ay dhiseen maamuladii hore.

Magaalada Wajaale ayaa sidoo kale aad uga dib dhacsan dhinaca waddoo yinka, taas oo aanay magaaladu lahayn wadooyin ku filan inay si habsami ah u maraan gaadiidka iyo dadweynuhu.

Dhanka waxbarashada magaalada Wajaale ayaa waxa ku yaala laba dugsi, mid hoose iyo mid sare, taas oo aanay dugsiyadu lahayn qalabkii waxbarashada.

Guddoomiyaha degmada Wajaale Cumar Aadan Qaasaali oo Haatuf khadka tilifoonka kula xidhiidhay ayaa iska fogeeyay eedaha loo soo jeediyay maam ulkiisa waxaanu sheegay inay todobaadkan bilaabayaan mashruuc ay wasakhda kaga nadiifinayaan Toga Wajaale.

Muwaadin ka mid dadweynaha ku nool magaalada Wajaale oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Cabdi ayaa isaga oo ka hadlaya maamulka cusub waxa uu yidhi “ tan iyo markii maamulkan cusub ee madaxtooyada laga soo magacaa bay ay yimaadeen, magaalada Wajaale waxa soo waajahay dhibaatooyin hor leh oo aanaan hore u qabin, waxa ka mid ah biyo la’aan ay dadkii haraad u bakhtiyayaan, nadaafad xumo aan magaaladii xashiish la mari karayn, ey baa meel walba yaacaysa oo dadkii cunaysa, teeda kale waxan layaabay maamulka cusub dhamaantood waxay ku jiraan Albeerkada Central la yidhaahdo oo biil kusoo dalacda bil kasta kharashkana waxa laga bixiyaa shilimada laga ururiyo dadka masaakiinta ah”.

Nin kale oo meherad ku haysta magaalada Wajaale oo isagu magaciisa kusoo koobay Cabdi ayaa waxa uu yidhi “ meheradaydu waa mid aad u yar hadana anigaa ugu cashuur yar oo waxa la iga qaadaa bil kasta 200 kun oo SL sh, hadana waxba cashuurta nalooguma qabto, maamulka meesha ka jirana waxan u arkaa inuu yahay mid hanti urursi u yimid”.

Ugu dambeyntii magaalada Wajaale ayaa dhinaca amniga si heer sare ah uga horumarsan, taas oo ciidamada bilayska iyo sirdoonka ee magaaladu si habsami ah u wada shaqeeyaan, iyagoo marar badana qabtay lacago iyo dad budhcad ah oo kusoo fool lahaa magaalada Hargeysa.

Magaalada Wajaale ayaa waxa ka ganacsada dadweynaha ugu hantida badan Somaliland kuwaas oo maamulka magaaladaasi ka qaadaan cashuur aad u farabadan hase ahaatee aan waxba loogu qaban magaalada. Sidaa daraadeed ayaa waxa magaalada ragaadiyay maamul xumo.
 

 

 


Haatuf