Tog-wajaale wakhti xaadirka waayaha kajira duruufaha ku xeeran maamul xumada soo wajahday musuqmaasuqa shaqaalaha dawlada hoose iyo saamaynta cabdi casiis maxamed samaale FG Qaybtii 2aad

 



Dib u dhaca ku yimid habsami u socodka iyo dib udhiska jidadka Tog-Wajaale dhexdeeda,  wax aa sabab u noqday Maamulka Wajaale oo noqday mid sidii loogu tala galay qorshaha horu ma rineed ka gaabiyey iyada oo la rabay inuu Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Maxam uud Cabdi , dar dar galiyo shaqaalaha Dawlada Hoose ee Wajaale oo noqday kuwa ugu musuq maasuqa badan isla markaana isugu faana lacagta ay lunsanayaan .

Xoghayaha Dawlada Hoose oo sidii uu Xilka ula wareegay aan ku samayn haba yaratee wax isbadal ah taasina keentay inuu sii kordho boobka iyo musuq maasuqu, waxa kale oo jirta inay Xafiiska Dawlada Hoose ee Wajaale ay maamul ka yahay Waaxda Casuuraha,  rag si xeeladay san u xada Hantida Umada , waxaana hakad galay mashaaricdii horumarineed ee Tog-Wajaale ay ka wadeen Gudiga Horumaranti jidadka Wajaale , oo ah Gudi mutadawiciinta ah ee iskood isku xil qaamay isla markaana ku guulaystay inay Ganacsatada Magaalada Tog-wajaale ka uru riyaan qaadhaan wadooyinka dhex mara Tog-Wajaale, lagu hagaajiyo iyada oo wakhtigan xaa dirk h dadwaynaha Tog-Wajaale is waydiinayaan fadhiidnimada maamulka Tog-Wajaale oo saa mayn ku yeelatay habsami u socodkii geedi socodka horumarineed ee magaalada loogu tala galay in gudiga horumarinta jidadka Tog-Wajaale ay dhigaan jidad casri ah oo laamay ah oo la jaan qaada jidaka caasimada .

Waxakale oo arkaysaa biyo yaraan kajirta magaalada iyada oo anay jirin cid kadaba shaqays ay mashruucii biyo galinta Tog-wajaale oo Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu shir jaraa,id oo uu xafiiskiisa ku qabtay bishii marrch ee sanadka 2013 ka uu ku warbibxiyey in biyo galin rasmiya laga hir galin doono Tog-Wajaale bisha july 7 sanadkan aan ku jirno balse may suuro galin eed eedana waxaa iska leh Maamulka Tog-Wajaale, oo ahaa kii kadaba shaqaylahaa isla markaana kudaba joogi lahaa inuu ka midho dhaliyo masuuliyada uu umada u qaaday hadaanu ka soo bixi karayna uu xilka iska casilo maadaama uu ku fashilmay in taanu ku iman kacdoon dadwayne

Aniga oo ah Maxamed Mabdilaahi Qombor ahna nin ay isku reer yihiin Gudoomiyaha Tog-waja ale Xaashi Maxamuud Cabdi , waxaan u soo jeedinaya Wasiirka Wasaarada Maaliyada Soom aliland Cabdi Casiis Maxamed Samaale isaga oo isku diyaarinaya musharaxa Gudoomiyenimada xisbiga kulmiye inuu nogdo mid ku suntan xilku dul ilaalinta Gudoomiyaha Degmada Tog-Waja ale , iyada oo ay jirtay dhawr jeer oo hore inay damacday Wasaarada Arimaha Guduhu inay ka badasho balse aad adigu Wasiir ku guntatay inaan la badalin.


Wasiir Beelaha deegaanka Tog-wajaale, miyaanay kuu sinayn, Gudoomiyahan oo ah mid aan kalsooni ka haysan beeshii uu ka soo jeeday iyo beelaha kale degen wajaale , iyada oo ay jira an rag ka aqoon badan, kana siyaasad fiican , isla markaana khal khalka iyo kalsooni darada ka saari kara umada ku wada dhaqan deegaanka Degmada Tog-wajaale, ayaan ku soo jeedin aynaa , waxa kale oo dad waynaha ku war galinaynaa inay la shaqeeyaan Gudiga Horumari nta jidadka Tog-wajaale

 
 

 


waa Qallinkii Maxamed Cabdilaahi Qombor, Tog-Wajaale Soomaaliland