Olole Xoogan oo Qashinka lagaga Nadiifinayo Toga u dhe xeeya Somaliland iyo Ethopia oo saaka ka bilaabmay iyo warar kale

 

Wajaale (Longlivesomaliland News)-Olole nadaafadeed ayaa saaka ka bilaabmay Degmada tog wajaale kaasi ay wada jir iskaga kaashadeen Maamulka ethopia ee Degmada wajaale iyo Maamulka Somaliland ee Degmada wajaale.

Ololaha kan Saaka oo aan noociisa hore loogu arag Degmada wajaale ayaa ka bilaabmay  To gga udhexeeya Somaliland iyo ethopia, kaasi dhexmara Badhtamaha magaalada Wajaale, w axaanu guud ahaaba la ciirciirayaa Qashin farabadan oo laga soo Quba labada Daamood ee Degmada Wajaale.

Ololahan Saaka ka bilaabmay Degmada wajaale ayaa waxaa goob joog ka ahaa  Gudoomiya ha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed aw cabdi (Xabiib),Maayarka Degmada Wajaale  Maxam uud Wayne.

Gudoomiyaha Degmada wajaale oo Gabiley News wax ka waydiisay Ololaha balaadhan ee  sa aka ka bilaabmay wajaale iyo Cida gacan ka siisay ayaa waxaa uu ku Jawaabay “Ololahan waxaanu iska kaashanay Maamulka Ethopia ee Degmada wajaale, Togga magaalada waxaa buuxiyey qashin aad u tiro badan, labadii maayir ee iga horeeyey midna wax hawl ah kamuu qaban sidaa awgeed waxaanu Ku rajo waynahay inaanu ka dhamayn Doono Qashinkaasi Togga wajaale”

Dhinaca kale Badhasaabka Gabiley oo Kormeer shaqo ku joogay ilaa shalay Degmada  wajaa le ayaa ugu Mahad celiyay Maayarka Wajaale Xidhiidhka cusub ee uu la Samaystay Dawlada Ethopia, waxaanu ku booriyay inaanu ka Caajisin Xidhiidhkaasi cusub ee maanta ucurtay  lab ada Dal.

Badhasaabku waxa uu ku Amaanay Gudoomiyaha Wajaale mudada yar ee uu xilka hayay iyo Masuuliyada uu iska saaray kor uqaadida bilicda magaalada gaar ahaan Qashinka Togga  wa jaale, waxaanu Fariin udiray Haydaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ku shaqada leh iyo cid kasta oo wax ka qaban karta Nadaafada iyo bilicda Degmada wajaale ayuu yidhi  Mr.Xabiiib.

Badhasaabka Gabiley mar uu ka Hadlayay arinta Qashinka iyo Biriijka yar ee isku xidha  waja ale iyo Ethopia waxa uu yidhi “Waxaan Wasaarada Hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland u sheegayaa in biriishka u dhexeeya itoobiya iyo soomaliland u dumayo,waxaananu ka  cods anayaa inay wax ka qabato oo ay ijneero u soo dirto Waasarada ku shaqada lihi”.



Maamulka Gobolka iyo Maamulka Degmada wajaale waxa kale oo ay kormeer ku soo mareen Dugsiga hoose Dhexe ee Mahdi Cali, halkaasi oo Maamulka Gobolka lagu wareejiyay Jaajuur lagu Dhisayo Dayr-ka Dugsiga Mahdi Cali oo ay iska ururiyeen, Hayadaha Dawliga ah ka hawl gala Degmada wajaale, Sida kastanka, Booliska, Dawlada hoose iyo qaar kale oo badan.

Maayarka Wajaale oo hadal kooban ka jeediyay Goobtii lagu gudoonsiiyay Jaajuurka  Dugsi ga mahdi Cali ayaa ku booriyay in iskaa wa uqabso kaga qayb qaataan Dayrka Dugsiga oo Dhibaato ku haya ardayda wax kabarata halkaasi.

Badhasaabka Goboka oo isaguna Hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa umahadnaqay  Dh amaan Dadkii ka qayb qaatay Dhismaha Dayrka loo dhisayo Dugsiga Mahdi Cali, waxaanu  qi ray Dhibaatada ay ardayda ku hayso Ooda ku oodan Dugsiga oo sheegay inay Qashinka  uq aban jirtay.

Magaalada wajaale oo ah Magaalo Ganacsi ayaan hore waxba looga qaban jirin Qashinka iyo Nadaafada guud ee Bilicda magaalada, Balse waxaa soo ifbaxay Dadaalo Culus oo loogu jiri sidii kor loogu qaadi lahaa Adeegyada Bulshada oo ay ku liidato Degmadu.



C/risaaq Muxumed Aw Daahir (C/risaaq Dhago)
Longlivesomaliland News Reporter
Wajaale/Office