"Tog-Wajaale Shacabkeedu Waxey Halis U yihin Xiligan Roobabka In ay Xanuuno Halisi ahi ka Dilaacaan Maadaama aan Xashiishkii Cidi Xilka Iska Saarneyn Oo Uu Meel Walba Buux Dhaafiyay Qadh muu nk iisiina Aad Looga Dareemayo Magaalada" Maamulaha MChka Tog-Wajaale ,Maxamed Miigane Suldaan

 

 

Wada shaqeyntayadu ma fiicna Maamulka Degmada iyo D/Hoose nagamana dhageysanayaan talooy inka aanu uga jeedino Xili roobaadkan dhibaatada khashinku leeyahey ..........


Tog-Wajaale (TNN)-Maamulaha Xarunta Mchka Degmada Tog-Wajaale ,ayaa si adag uga deyriyay Xaa lada Guud ee Fayodhowrka Magaalada Tog-Wajaale ,halkaas oo uu ku tilmaamay in uu buux dhaafiyay Xiligan Roobabku da,ayaan Khashinka Gudaafada oo Magaalada Gudaheeda xoog uga buuxda Isla mark aana halis u ah in ay ka dilaacaan cuduro halis ahi.


Maamulaha Xarunta MCH ka Tog-Wajaale, oo Xafiiskiisa MCH ka Magaaladaasi ugu Waramey Shabakad a Wararka Timacade News ,ayaa si adag uga deyriyay Xaalada Fayo-Dhowrka Guud ee Gudaha Magaala da Tog-Wajaale isagoo ku sababeeyay Khashinka buux dhaafiyay Gudaha

Magaalada oo ay si dhib yar suurtagal u tahey in ay ka dilaacaan Cuduro halis ah maadaama aanay D/ Hoose ee Degmada Tog-Wajaale wax xil ah haba yraatee iska saarin nadiifinta khashinkaas isla mark aana ay Maamul Caafimaad ahaan durtadiiba dareemayaan Culeyska iyo halista ka soo fool leh khashin kaas buux dhaafiyay Gudaha Magaalada Tog-Wajaale.


"Runtii waxa kasoo Fool leh khatar iyo halis Caafimaad daro, waana mid si dhib yar ku suurta galeysa in ay ka dilaacaan Cuduro halis ahi dhibaatada fayo-dhowrka Nadaafada Magaalada Tog-Wajaale maadaa ma uu khashinkii buux dhaafiyay meelo badan oo ka mid ah Gudaha Magaalada Waxaana ka muuqda Ma suuliyad daro aan Xil la iskaga saarin dhibaatada ka soo fool leh kahshinkaas" Sidaa Waxa yidhi Maamul aha Mchka Tog-Wajaale Maxamed Miigane Suldaan.


Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in aan iyaga Maamul Caafimaad ahaan aanay Maamulka Degmada Tog-Wajaale iyo ka D/Hoose midna aanay ka dhageysanin war bixinaha Fayo dhowrka iyo Talooyinka ay uga jeediyaan sidaa daraadeedna aaney fiicneyn wada Shaqeyntoodu isagoo arintaa ka hadlaya Waxa uu yidhi Maamulaha Mchka Tog-Wajaale.

"Wada shaqeyntayadu ma fiicna Maamulka Degmada iyo D/Hoose nagamana dhageysanayaan talooy inka aanu uga jeedino Xili roobaadkan dhibaatada khashinku leeyahey, wey jirtaa in meheradaha waja hadahooda laga qaado waxoogaa khashin ah oo ay Ganacsatadu lacag ku bixiso laakiin Magaalada int eeda kale gudo iyo divbadba hal khashin ah lagama qaado, Tog-Wajaale Shacabkeedu waxey Halis u yi hiin Xiligan Roobabka In ay Xanuuno Halisi ahi ka Dilaacaan Maadaama aan Xashiishkii Cidi Xilka Iska Sa areyn oo uu Meel Walba buux dhaafiyay Qadhmuunkiisiina aad looga Dareemayo, Gudaha Magaalada, Waxaanu leenahay wacyigalintayadaa Maamulka Caafimaadka Gobolka iyo Maamulka Gobolka Gabiley iyo Wasaaradaha Caafimaadka iyo Arimaha Guduhuba si deg deg ah ha uga Howl galaan, oo qeylo dhaa ntaasi ha ka digtoonaadaan"Ayuu yidhi Maamulaha Mchka Tog-Wajaale.


Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi ,oo aanu qeyla dhaantan wax ka weydiin ay ayaa Sheegay in aanay Maamulka MCH ka Tog-Wajaale kala hawl galin howsha Nadaafada Guud Isla markaana, aanay qeylo dhaantoodani macquul aheyn.


"Anaga maxey nagala Howl galeen mey nala gureen khashinka waa dhaleeceyn uun waxey wadaan e" ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale ,Xaashi Muxumed Cabdi


D/Hoose ee Degmada Tog-Wajaale ayaa indhawaale wadey olole nadaafadeed oo aan shisleyn iyadoo, wakhti Roobaadkan si weyn looga dareemayo Gudaha Magaaladaasi khashin ciida ka badan isla marka ana, halis Caafimaad khatar u ah iyadoo, aanay sideedaba ku fileyn adeega lagu daabulo khashinka oo ah Hal baabuur oo kaliya,  taas oo ay Magaaladaasi khashinkeedu aad uga xajmi badan yihiin, hadana si weyn ayaa loo dareemayaa qeylo dhaanta Caafimaad ee Howl wadeenada Caafimaadka Tog-Wajaale xiligan ka bixiyeen Xaalada Fayo dhowrka Degmadaasi.

 


Timacade News Desk
Tog-Wajaale,Somaliland