Shabakada Caalamiga ee Timacade News Network (TNN),oo ku dhawaaqday
shaqsiga & shirkadda sannadka 201
4 ee Jamhuriyada Somaliland

 

 

Sida aynu la wada soconno,bulshada afka Somaliga ku hadasha,waxay ka siman yihiin,in marka qofku geeriyoodo,inay Xabaasha ka dul ammaanaan,balse aanay waxba u qaban intuu noolaa,oo aanay aqoonsan waxtarkiisii ,wanaagiisii ,wax qabad kiisii,iwm.

Maamulka Shabakada Caalamigaa ee Timacade News Network (TNN),waxay ugu baaqayaan,ku baraaru jinayaan,dhammaan shacab ka Somaliland,gudo iyo dibadba,inay shaqsiyaadka bulshadeena ka dhex ifaya,ee aqoontooda, maalkooda, maskaxdooda, wadanini madooda iyo wakhtigodaba u huraya dalkeena hooyo,in la aqoonsado,la sharfo,la karaameeyo,loo abaal gudo,loona mahad celiyo.

Shabakada Caalamigaa ee Timacade News Network (TNN),oo ah Shabakadii ugu horeysay ee sannadkii 2008 kii bilawday inay qiime yn ku sameyso shaqsiyaadka iyo shirkadaha Somaliland sannad walba, fursadna u siisa inay shacabka Somaliland ka qayb qaataa n,una codeeyaan,qiimeeyaana shaqsiga iyo shirkadda mudan in lagu sharfo ,wax qabad,karti,daacadnimo,waxtar iyo hawl karnim o.

Annagoo tix galinayna,ugana mahad celinayna dhammaanba muwaadiniinta Somaliland ee ka qayb qaatay Barnaamijkan sannad la ha ah, ee Shabakada Timacade News qabato,waxa magac iyo sharafba noo ah inaanu ku dhawaaqno Shaqsiga Sannadka ee 2014, oo noqday Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) iyo Shirkada Sannadka ee 2014,oo noqotay  Shirkada SOMCABLE.

Maamulka Shabakada wararka ee Timacade News,waxay hambalyo iyo bogadinba u dirayan Shaqsiga iyo Shirkada sannadka 2014 , waxaanan Allaha awooda leh uga baryaynaa inay ku guuleystaan hiyigooda,hadafkooda,hiigsigooda,hamigooda iyo yoolkoodaba.

 

 




TIMACADE NEWS NETWORK TNN