“Telesom Waa Horyaalka Is Gaadhsiinta Dalkana Iyagaa Maanta Halkaa Uu Marayo Soo Gaadhsiiyey” Wasiirka Madaxtooyada-Telesom oo shaqaalaheeda ku maamuustay Abaal marino

 

 


Shirkadda Telesom Oo Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaheeda Guddoonsiisay Abaal marino



Hargeysa (TNN)-Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa abaalmarino iskugu jira Shaahahdo sharaf iyo lacag ku maamustay qaar ka mid ah shaqaalaheeda ka kala shaqeeya Gobolada,Magaalooyinka iyo Tuuliy oonika dalka dalka. Abaalmarintan oo ah Abaalmarintii Sagaaleeed ee shirkada Telesom ku maamustay shaqaalaheeda, ayaa waxa xalay Xafladii lagu bixinayey Abaalmarinahaas lagu qabtay Hotelka Mansoor ee Magaalada Hargeysa,Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay isla markaana si toos ah loo ga baahinayey guud ahaan Gobolka ee dalka ayaa waxa ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay Munaasibada as Wasiirka Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale,Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shire,Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed,Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ibraahim Siyaad, Xildhibaano, Hogaanka sare ee shirkadda Telesom,shaqaalaha aba almarinta la siinayey iyo Marti sharaf aad u tiro badan.

Sheekh Yuusuf Aadan oo ka mida culimada caanka ah ee reer Somaliland oo ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa amaan balaadhan u soo jeediyey shirkada Telesom, waxaanu sheegay inay Shirkadda Tel esom tahay Shirkad dadka iyo dalkaba wax badan u qabtay waxaanu yidhi “Shirkadda Telesom waxay dal ka iyo dadka u qabtay waa la ogaa, inkasta oo ay shaqaalaha wanaajiyaan haddana waxaan leeyahay shaqaalaha u kordjiya mushaharka oo ogaadaa waayo kuwo xaasas leh ayaa ku jira”.

Dhanka kalana waxa uu la hadlay shaqaalaha qudhooda waxaanu u soo jeediyey inay si hufan ula shaqe eyaan shirkadda isla markaana ogadaan daacadnimada “shaqaalahana waxaan odhan lahaa inaad ogaat aan in wakhtigiinii laydinka iibsaday waana inaad ILLAAHAY dartiisa ugu shaqaysaan shirkadda maadaa ma ay shirkaddu indin aamintay”. Waxa isna halkaa ka hadlay Madaxa shaqaalaha shirkadda Cabdiqaadir Sahal waxaanu ka waramay dadaalka shaqaalaha iyo sida hufan ee ay maanta shirkaddu u guranayso mi dhihii ay soo dhaliyeen, waxaanu sidoo kale sheegay inay shaqaalaha ku soo xushaan kartidooda, aqoont ooda, dadaalkooda iyo akhlaaqdooda, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu hadalkiisi ku bilaabay “Runtii shaqaalaha Shirkaddu waxay muujiyeen aqoon,karti iyo amaano, Albaabada shirkadda Telesom cid walba way u furan yihiin oo waxaanu nidhaanaa yaani cidinka ku qadin Telesom, qofka aanu doona yno inuu Shirkadda Telesom ka mid noqdo waxaanu eegna kartidiisa,aqoontiisa, akhlaaqdiisa iyo hab dh aqankiisa, ugu yaraaa Lix qof oo xafiiskayaga ah ayuu qofkaasi soo hor fadhiistaa, xitaa haddii uu qofkaa si Imtixaanka ku soo baxo, dabagal ayaanu ku sameeyna si aanu u ogaano habka uu ula dhaqmo bulsha da dhexdeeda. Dhanka kale anagu waxaanu xidhiidh la leenahay Jaamacadaha dalka waxaanan kala shaqaynaa sidii aanu shaqo ugu abuuri lahayn dhalinyarada ka soo baxday Jaamacadaha dalka”.

 Cabdiqaadir Sahal waxa uu sheegay inay qiimayn ku sameeyaan shaqaalaha sanad kastaba si loo dhiiri galiyo shaqaalaha shirkaddooda “waxaan caawa (Xalay) ku faraxsanahay shaqaalaha ugu badan ee aad arkaysaani inay yihiin kuwii ka yimid goballada kale ee aan Hargeysa ahayn. waxaan abaal-marino shah aadooyin ah iyo kuwo maaliyadeedba halkan ku gudoonsiin-doonaa shaqaalihii ugu sareeyey qiimayntii aanu samaynay” ayuu yidhi Cabdiqaadir Sahal. Madaxa shaqaalaha ee shirkadda Telesom waxa uu intaa ku daray inay darajooyin kala leeyihiin shaqaalaha abaal-marinnada kala duwan la siiyey “kuwa gobalka Hargeysa waa 16 kuwa gobalada kale ka yimidna waa 19. Shaqaalaha Hargeysa waxaan leeyahay waxaad abaal-marintiina ka eegan doontaan Accounnadii aad ku lahaydeen Salama Bank Sabtida” ayuu hadalkiisa yidhi Cabdiqaadir Sahal Madaxa xafiiska shaqaalaha ee shirkadda Telesom.


Waxaa isna halkaa ka hadlay Maxamuud Xaaji Aadan (Xadeed) oo ah gudoomiye ku xigeenka Shirkadda Telesom kana mid ahaa aas aasayaashii shirkadda Telesom,waxaanu sheegay inay had iyo jeerba ku dadaalaan inay hoos u eegaan shaqaalaha shiradda oo ah laf-dhabarta iyo tiirarka ay shirkaddaasi ku taagan tahay Shirkaddu. Waxaanu yidhi “Maamulka iyo Boodhka Shirkadda Telesom waxay ku dadaalaan inay shaqaaluhu helaan xaqooda, sababta aanu sidaa ugu yeelaynaa shaqaalaha waxay tahay inay dareemaan caddaalad, qofku waa inuu dareemaa inuu si cadaalad ah ku yimid ee aanu qabiil iyo eexasho kale toona ku iman, annagu ka shirkad ahaan waxaanu leenahay laba shaqaale oo midi waa dadweynaha midka kale oo mihiimada ugu weyn noo lihi waa shaqaalahayaga.waxaanu munaasibaddan ugu talo galay in Shirkadda Telesom tahay mid dhexdhexaad ah oo caddaalad ah dadka warbaahinta naga daawan doonana waxaanu leenahay shirkaddu waa shirkaddiinii”. Waxaa isna halkaa ka hadlay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan waxaanu sheegay inay shaqaaluhu yihiin kuwa laf-dhabarta u ah hormarka Somaliland isla markaana ay ka xukuumad ahaan dhiiri galinayaan. Dhanka kalana waxa uu sheegay inay Shirkadda Telesom tahay horyaalka is gaadhsiinta shirkadaha dalka ka shaqeeya maanta ay dalka halkaa soo gaadhsiiyeen “Telesom waa horyaalka shirkadaha is gaadhsiinta dalkana iyagaa maanta halkaa uu marayo soo gaadhsiiyey, sababtoo ah Somalidu waxay tidhaadaa ninkuu ILLAAHAY xoolo la damcay waxa uu siiyaa dadkeeda, waxaana amaan balaadhan u soo jeedinaya Shaqaalaha Telesom oo runtii karti iyo dadaal muujiyey waxaan kale oo aan ku faraxsanay shaqaalahan Telesom ee caawa (Xalay) halkan lagu abaalmarinayo shaqadii wacnayd ee ay ku mutaysteen. Dhinaca kale waxaan iyana u hambalyenayaa aniga oo aad iyo aad ugu han w eyn Maamulka shirkadda ee gartay inay shaqaalahooda abaal-marin siiyaan”.


Waxaa isna halkaa ka hadlay Sheekh Aadan Siiro oo ku hadlayey magaca ganacsatada dalka waxaanu ka hadlay asal ahaan meesha ay Telesom ku abtirsato taas oo uu sheegay inay ka timid baraarugii islaamiga ahaa ee dalka ka hana qaaday, waxaanu yidhi “Waxaan ka waramayaa inay Telesom ka dhalatay baraarugii Islaamiga ahaa ee dalka ka hana qaaday waxaanan ku faraxsanahay inay ku jiraan dad badan oo aan aqoon fiican u leeyahay”. Sheekh Aadan Siiro waxa uu sheegay inuu ka mid yahay dadka aadka ugu dhegan magaca Somaliland-nimda sidaa daraadeed waxaanu yidhi “Anigu waxaan kamid ahay dadka aadka ugu adag Somalilanad-nimada markaa waxaan idin leeyahay bal xaggaana eega, oo Shirkadda balaadhaliya, dhinacna ha ka rarina” Dhanka kalana waxa uu ganacsatada ku booriyey inay canshuuraha bixyaan si dalka looga gargaaro marxaladdan aan ku jiro ee shaqo la’aanta ah”.

Ugu danbeyntiina waxa Munaasibada ka hadlay Wasiirka Qorsheynta Qaranka Sacad Calli Shire, oo she egay inay shirkada Telesom ay tahay shirkad horumarka dalka qeyb weyn kaga jirta, waxaanu ku boori yey inay ilaaliso Shirkaddu xaqa iyo xuquuqda ay Shaqaaluhu ku leeyihiin, waxaanu yidhi “Shirkadda Tel esom, waa Shirkadda qeyb weyn kaga jirta horumarka dalka, maxa yeelay cashuuraha si wanaagsan ayey u bixisa, sanadkii ugu danbeyeyna wey iska bixisay Cashuurtii, dalka qeyb weyn ayey kaga jirta, waxaana ku aamaanay uguna mahadnaqaya dhiirigalintaas balaadhan ee ay shaqaalaha u shaqeeya ay u sameeynayso, waxaana ugu baaqaya oo aan ku boorinay inay dadaalka halkaas ka sii wado, hoosna u eegto shaqaalaheeda” Ugu danbeyntiina Wasiirka Qoreynta ayaa abaalmarinhii kala duwan ee ay ku guuleysteen Shaqaalaha Telesom gudoonsiiyey.
 

source:togaherer