TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNAYD DHEH-III

 

 

Waa mar seddexaad iyo jawaabihii mas’uul ka tirsan xukuumadda oo soo jeediyey in ictiraafka  Somal iland lagala xaajoodo dowlad ku sheegta wadaad Shariifka. Hadalka mas’uulkaa ka soo yeedhay ayaa hordhac u ahaa muranka siyaasaddii Somaliland gudu iyo dibedba hadheey. Dab demiskii ka qayb gal ka shirarka dib-u-heshiisiinta kooxaha ku hirdamaya koonfurta Somaliya ayaa hadda dalka gudhiisii ka abuuray xiisad hor leh iyada oo si isdaba jooga dab loo qabadsiinayo guryihii dadweynaha, si ummad da looga mashquuliyo wejigan cusub ee siyaasaddii arrimaha dibeda kusoo kordhay.


Waxan qormadii hore ku soo sheegay in dowladdaa Masar inagula jirto dagaal dibloomaasiyadeed iyo mid dhaqaale laga soo bilaabo la soo noqoshadii madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Dagaalkaa laba geesoodka ka ihi waa ka sababay in xooleheenii u dhoofi jirey dalalka Carabtu ay mar keli ah istaagaan. Ujeedada xukuumadda Masar mid aynu is weydiinayno ma ah. Waxa kale oo ay  do wladda Masar gacan-saar la leedahay dowladda Talyaaniga ee ilaa hadda u ololaynaysa midnimo  Soo maaliyeed uu dib loo yagleelo. Haddana waxaba la saadaalinaya in ruugcaddaagii Camar Muusa uu da lka Masar Madaxweyne ka noqdo!


Waxaynu ogsoonahay kaalinta dalka Talyaanigu ka jirey dib-heshiisiinta hoggaamiye beeleedyada ku dagaalamaya koonfurta Soomaaliya. Sida ay taariikhdu sugtay, dowladda Talyaanigu waxay kow ka ahayd burburkii ku habsaday taliskii Afweyne Siyaad Barre. Waxaan marnaba la iloobi Karin halkuu ku dambeeyey Ra’iisul Wasaarihii 67naad ee Talyaanigu Md. Bettiino Craxi ee u baxsaday dalka  Tuuniisi ya sannadkii 1994, ka dib markii lagu soo oogay fadeexado musuqmaasuq oo Soomaaliyadii haliganta qayb ka ahayd soona taxnaa ilaa sannadkii 1978.


Waxan filayaa in ay dad badani xasuusanyihiin xiligii gobanimo doonka, nin macalin ahaa oo la odhan jirey Cumar Maxamed Cabdiraxmaan aya gabay Af-Carabi ah tiriyey, oo yidhi:
Tilka Iitaaliya taruumo rujuucan La yarcaa mulkaha Ilaahul Mu’assi !

Saakan waxaynu aragnaa Talyaanigii iyo shan kale oo ninkaasi gabayga ku sheegay qaar ka mid ah oo durba ina dul wareegaya.

Dalal kale oo mandiqadda Geeska Afrika ka mid ah ayaa iyaguna labaatankii sannadood ee u  dambee yey geed dheer kyo mid gaabanba u fuulay siday qadiyadda xalaasha ah ee Somaliland u curyaamin lahaayeen. Gebi ahaanba wadamadaasi wixii ay u ololeynayeen wey ku guuldaraysteen, waanay ku guuldaraysan doona mustaqbalka sababtuna waxa weeye: Ummadina ummad kale aayeheeda wakiil ugama noqon karto. Aayo ka tashiga Somaliland waxa iska leh shacbi weynaha dalka iyo dibedba ku dhaqan iyagaana ilaashanaya oo cidii isku deyda in ay majarahabaabiso haku taamilo qaataan  kacdo onada Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe ka curtay. Afrikada madowna weynu aragnaa in durba  dar eenkii dadweynuhu aad u kacsanayahay oo la iswediinayo dalalka holcaya maxaa ka dambeyn. Rag muddo dheer wadamo badan keli talisnimo ku haystay ayaa hadda jiif iyo joogba diiday. Isha Cali  ka lulata adba waad aragtaaye maxaad fili kolkay ummadi gadooday!!


Inta hagardaamo ee shisheeye waxa inoo dheer in siyaasiyiin Somaliland dhalasho ahaan uga soo  je eda iyana ay qayb libaax ka qaateen curyaaminta qadiyadda madaxbannaanida Somaliland. Ragga ay ka mid yihiin Maxamed Cabdillaahi “Sifir”, Ismaaciil Bubaa, Cismaan Jaamac, Jamaac M. Qaalib waxay ka badheedheen oo mabda’ooda ku caddeeyeen in ay ka soo horjeeda wax Somaliland la yidhaa. Sideedaba Aadamuhu hadduu mabda’iisa caddaysto waa ragganimo oo ciddii ay arrinka isku hayeena way ka gaashaamataa, oo waa hadba ninkay libintu raacdaa.


Arrintaa Xukuumadihi talada dalka u kala dambeeyey waxay ka soo saareen xeerar ay labada Gole  S harci-dejineed wada jir u ansixiyeen oo si gaar ah u tilmaamaya qaabka loola dhaqmayo ciddii ka qayb gasha shirar dib loogu heshiisiinayo kooxaha ku loolamaya awooda iyo talada koonfurta Soomaaliya.


Iyadoo sharcigaasi dalka ka jiro ayaa hadda Xukuumadda dalka taladiisa haysa waxay bilowday in  go ob kasta oo dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed lagaga hadlayo in aynu ka mid noqoono!!. Siyaasiyiintii  qar annimada Somaliland ka soo horjeeday, dalka ayey ku soo guryo noqdeen oo qaar hore xisbiga  Kulm iye uga mid ahaa maantana siyaasadda wadankana waxbay ka hagayaan. Hadaba bal mas’uulkan  mii nada dalka ku dhex tuuray an weydiino: Saamaxaad raggan dalka ku soo laabtay loo fidiyey ma  wax ay ka dambeysey dembi maxakamadeed?


Waxa kale oo iyana meesha taal in Xukuumaddii ku andacoonayso in haba yaraate wax sharci ah oo dalka u yaal aanay jebin. Goleyaashii xeerka ansixiyey Bishii October 2003 iyaguna weli kamay hadal oo ummaddii xilka u igmatay umay iftiimin halka ay arrintu ka murugsantahay. Tan wax kale ayaa ka higlehe warkeeda waynu ogaandoonaa.

La soco

 

 

 

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse