Talo soo jeedin ku socota Daahir Riyaale iyo shacbiga Somaliland
 

Marka hore waxaan salaanta islaamka ku salaamayaa dhammaan shacbiga Somaliland,gaar ahaan inta xalaal cunka ah ee naf iyo maalba u soo huray dhulkooda hooyo , salaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatu.


Waxaan kale oo aan halkan salaan qadarin iyo xushmad mudan u gudbina yaa , dhammaan saxaafadda xorta ah ee habeen iyo maalin heeganka ugu jirta sidii ummadooda ugu adeegi lahaayeen,waxaanan leeyahay taariikh dahabiya ayaad ku leedihiin geedi socodka nabadda, dimuqraadiyadda jiritaanka iyo himilada Somaliland ay tiigsanaaysaba,ilaahayna ha idinka jasaa i siiyo dhammaantiinba.


Haddaan hoos ugu dhaadhaco dulucda qoraalkan, sida aan la wada socon no,wadankeenu marxalad adag ayuu marayaa , wa ana maalintii ay ku hab oonayd  in qof walbba oo muwaadin ahi ama lexo jeclo ka hayso dhulkiisa hooyo, uu talo ku darsan lahaa, waxna ka odhan lahaa , lagana arrinsan lahaa sidii looga gudbi lahaa afaraydan,laynoo soo maleegay.



Madaxweyne Riyaale waxaan odhanayaa laba ,mid waa iga talo ,midna waa iga digniin:


1-TALO

Daahir waxaad kurisigan ku timid doorasho siday doontaba ha u dhacdee waayo ,Allaha caalamu qaybka ah,een waxba ka qarsoonayan,ayaa og inaad xaq ku timid iyo  inaad baadil laguugu dhiibay kursigan ( 80 Cod ) , taasna ku sii dheeraan maayo.

Ummad weliba taariikh bay leedaahay,oo qalbigooda iyo dhiigooda ku xar dhan, sinabana looga tir tiri karin. Haddaan wax yar ku xasuusiyo Dahiraw , waar waad mala habawdaye, shacbigani iyo dalkan Somaliland,wuxuu soo maray marxalad aad u xanuun badan ,oon marnaba la illoobi karin,illaa inta addunyadan laga tagayo.

Dhacdadaasi, waa tii ay is bahaysigii huwantii Siyaad Barre,u soo biyeyste en ,iskuna raaceen, in shacbigan isirkooda la dabar gooyo,la baabiiyo, han tidooda la dhaco,dumarkooda la kufasado,ragooda la laayo,aqoonyahan kooda jeelasha lagu guro laguna ciqaabo,la bara kiciyo ,loona adeegsaday diyaarado,taangiyo iyo hubka sida ba'an wax u gumaada.


Daahir,dhacdadaa madaw, ee bani aadamnimda ka baxsan,ayaad adiguna qayb laxaad leh aad ku lahayd, hiil iyo hoona la garab gashay daalimiintii , darajooyin sarana  uu kuugu abaal guday, xukunkii waqtigaa dalka ka tali nayey. Ma u malaynaysaa Daahiraw, in agoontii aad aabayaashood gumaaday, haweenkii aad ragoodii sabab la'aan dhiigoodii ku daadisay magaalada Berbera , inay illawsan yihiin.


Adigoo taariikhdaa madaw ee aad u foosha xun , aad ku leedahay dalkan ,tii aakhiro iyo qummana haaguna qoorta kuu sudhan yahay, ayey hadda na ogolaadeen inaad kursiga dalka ugu sharafta badan aad ku fadhiisato !!


Haddaba,waxaan  talo kugu siinayaa,umaddani Daahiraw,milgo iyo sharaf kuuma hayaan,horena kuugumay hayn, kursiganna , xaalado dalka waqti gaa jiray uun baa sababay , laakiin jacayl ay ku jecel yihiin ,ama cilmi, ama aqoon, ama waayo aragnimo,ama xirfad,ama maamul wanaag,ama karti iyo taariikh midnaba , maandhaw laguguma dhiibin .


Joogitaanka aad sii joogtaana,waxay ka dhigan tahay uun, ninkii isagoo god ku jira , haddana sii qodayey,si uu godka uga soo baxo .waxaan ku odhan lahaa ,immikaad waqti haysataaye,doorasho xor iyo xalaala qabo,
calafkaagana ka qaad.Walaw aanan u maleyneyn in qof inuun xiskiisu uu dhan yahay uu codkiisa ku siin doono,haddaanu miyir qabin, anigu taa ma sheegin.



2. DIGNIIN



Haddii Daahiraw aad doorasho diiddo,ood caga juglayn ,bandoo (Curfew)  , xadhig ,dil ,cabudhin , aad dan mooddo ,  waxaad ogaataa, inaad talaabo aad u xanuun badan aad ku talaabsatay,oo adigoo aad u fool xun aad kurs iga ka degi doonto , mari doontana halkii ay mareen kaligood tali yayaashii ay ka midka ahaayeen:


1-Mengistu Haile Mariam (Ethiopia)
2-Idi Amin Dada (Uganda)
3-Siad Barre (Somalia)
4-Jean-Bedel Bokassa (Central Africa)
5-Mobutu Sese Seko (Zaire)


Midna aan ku war geliyo,kuwan aad ku shaqaysato, ee kolba fariinta aad u soo dhiibayso , ee idaacadaha ka hanjabaya, een maamuuska iyo sharafta dawladnimada iyo xilka umaddu u igmatay garanayn:


Dalkan iyo shacbigan danbi baad ka gasheen,waxaana iman doonta maalin idinka iyo Daahirba , maxkamadda Dalka laydin soo hor taagi doono, Disto orka iyo sharciga , aad ku tumateenna,  idinku  markhaati furi doono. Waxaa kale oo aan marnabana  la iloobi doonin , jaha wareerka aad umad da u geysateen, idinkoo adeegsanaya warbaahinta Qaranka .



-
TALO KU WAJAHAN SHACBIGA:


Dalkeenu distoor iyo sharci buu leeyahay,boqolkiibana todoba iyo sagaash an ,97%, ayaa u codeeyey , in muwaadin walba iyo xukuumad walibba  ku  dhaqanto, hadday tahay maamulka maanta jira iyo ka iman doona labadaba.

Bal haddaba aan wax ka iftiimiyo , tusaalana aan idinka siiyo , sida maamul ka dalka maanta ka jiraa, uu ugu tuntay distoorka iyo sharciga labadaba:


1-Ku xad gudub joogta ah oo lgu hayo muwaadinka:

Xabsiyada oo loo taxaabo iyadoon hab sharci ah loo soo marin.Waxaa taa sii dheer, rasaasta muwaadinka lala dhacayo, oo aan kuwii fal danbi yeed ka geystay aan sharciga la marin.

2- Cabudhinta saxaafadda iyo xoriyatul qoolka:

Muwaadinka oo  loo caga jugleeyo ama la xidho haddii uu fakirkiisa uu xaqa u leeyahay  cabbiro ama xaaladda waddanka wax ka qoro ama ka hadlo

3-Hantidii iyo kheyr raadkii dalka oo si aan sharciga waafaq sanayn
loogu tagri falo:


Taana waxaa kuu cadaynaya,in qaar ka mid ah Wasiirada maamulka Riya ale ka tirsani, inay si badheedha ugu hal qabsadaan inay ka dhargeen hantidii umadda sidii Gofanaha ugu naaxeen....(Subxaana Laah).

4- Doorashooyinka  oo waqtii distuuriga ahaa la qaban:

Iyadoo aanay wax duruufo ah ama nabad la'aani ka jirin dalka,ayaa hadda na , maamulka dalka ka jiraa , mar walba koror siimo, muddo ,xaalad abuur , umadda ku mashquuliyaa.


Mid kalana aan ku daro , hore ayaa loo yidhi, sir ma qabe Alla u sahana. Xo gaha soo ifbaxaya ,waxay caddeynayaan inaaan maamulka maanta dalka ka jiraa,daacad ka ahayn jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland,rabinna in dalkan doorasho xor iyo xalaal ka qabsoonto,caalamkana aqoonsi buuxda aynu ka hello, waxaanay u adeegayaan kuwii Somaliland xasuuqa, burbur ka iyo hadimada soo qaadhsiiyey.

Waxaa is weydiin mudan , waa maxay sababta ay wadadaa u doorteen, ug ana soo horjeesteen toobiyihii nabadda ee aan 18 Sanno aan ku soo caan no  maalay, kuna gaadhi lahayn himiladeenna.Jawaabta meel fog laga dayi maayo,waxaanay tahay:


1-Kooxdani halgankii dib u xoreynata dalkan abaal iyo taariikh midna kuma laha

2-Rajo kama qabaan in shacbigu cod kooda siin doono mar kale

3-Waxay ogyihiin danbiyada ay dalka iyo shacbigaba ka galeen,lana wediin doono maalin maalmaha ka mid ah

4-Waxay u adeegayaan dano shisheeya oo ah in Somaliya aanay kala gu'i karin, xukunkana  ay sii hayaan inta shirqooladaasi dhamays tirmayaan.



Maanta waxaad haysataan fursad qaaliya oo aad dalkeenna ku bad baadis aan, oo shir qoolada dibadda la inooga soo maleegayo aad kaga hor tagta an, dulmigana kaga baxdaan,doorataanna hogaamiye daacad ka ah qaran nimada iyo jiritaanka Somaliland, una damqanaya dalka iyo shacbiga Somaliland.


Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan,Daahiraw talo iyo digniinba, wa an ku tusmeeyay,ee tii kuu roon dooro.Shacabigana waxaan leeyahay  , xaqiina daafaca , dulmigana qofna ha ka yeelina.
 

 



Ilaahay waxaan weydiisanayaa , in dadkayga iyo dalkaygaba, kheyrka waa fajiyo, nimcooyinkiisa aan la qiyaasi karinna , ilaahay u fidiyo.






Wa Bilaahi Tawfiiq

 

 

 

Mujaahid  Shiine  Cali Muse  Birmingham  Uk