IMTIXAANKA UGU HOREEYA EE HORYAAL WASIIRKA DEBEDDA EE CUSUB MAXAMED BIIXI YOONIS

 



Waxa u dhaqan ah dalalka ay maafiyadu ka taliso in ninka la magaaco ee boos loo dhiibo ga cmaha dhiig loo geliyo oo lagu tijaabiyo in ay maafiyadu ku kalsoonaan karto iyo intay aamin karto. Taas ayaa manta loo maleegay wasiirka cusub, dadkuna waxay eegayaan sida uu dabinkan uga dabaasho.


Waxa dalka ka socda waa in inta yare e nadiifta ah magaca laga dila. Waxa loogu yeedhay Wasiirka Cusub Maxamed Biixi Yonis inuu ka marag noqdo oo uu weliba xukuumadda gacan ka siiyo xidhxidhka iyo tacadiga warbaahinta.


Waxaa si badheedh ah oon hore dalka uga dhicin loo geestay xurutal qawlka iyo warbaahint a madaxa banana. Waxa bilo ka hor werar hubaysan laba nin oo Boolis ahi ku qaadeen Warg eyska HUBAAL ooy garaac iyo dhaawac u geysteen hawl wadeenadii. Waxa ay shaqaalahu ku guulasteen inay gacanta ku qabtaan nin ka mid ah kuwa soo weeraray. Kiiskaas oo taaga n oon waxba laga qaban oon xataa dacawad lagu soo oogin dambiilihii isagoo dambi dil ah ga canta kula jira la qabtay, ayaa shirquul kale oo ka marag kacaaya in xukuumaddu is daygi dil ka ka daambeysay loo soo aloosay maantana iyagoon dhawacii hore ka bogsan xabsiga loo dhigay.


Arrimahan oo halka dambe ka riixaayo Wasiir Samaale oo ka baqay isku-shaandhaynti. Waxa la xaqiijiyey in labada Wasiir ee xilkoodii laga bedelay ee Wasiirka Debedda Dr. Maxamed Cu mar iyo Wasiirkii Warfaafintu Abiib ay ka mid tahay mawqifka ay ka qaateen tacadigan iyo dilka loo qorsheeyey Wargeyska Hubaal, kolka mawqifka Wasiirka Maaliyadda Samaale ahaa mid taas ku lid ah oo la saftay cidda falkan geesatay.


Waxa deedna la Magacaabay Maxamed Biixi Yoonis oo la rabo in tijaabadan lagu eego, hadd uu qaatan ay noqonayso nin ay budhcadda talada haysaa aamin karta haddii kalena ay deg deg isaga fogeeyaan kolka ay dhowr bilood ku eegaan in ay marada ka madoobeeyaan.


Waxa gacmaha loo galinayaa dhiig si aanu waxba iskula hadhin sida Wasiir Samaale ee laca gti xukuumadda u adeegsanaaya isku dirka iyo kala jabka beeshiisa, isagoo noqday gacanta lagu garaaco nin kasta oo madaxa la soo kaca.

Maanta waxa Maxamed Biixi la gudboon inuu aad uga fiirsado booskan uu gacan yaraha u no qonaayo Wasiir Xirsi. Ma noqonayaan laba Wasiir oo xukuumadd ka wada tirsan ee waxa loo qorsheeyey inuu noqdo gacan yaraha Xirsi. Taasi waa hubaal, tijaabadana waa mid isaga loo qorsheeyey oo lagu eegaayo damiirkiisa.


Waan kuu digey, ee berriro yaan la odhhan Maxamed Biixi Yoonis qurbuhuu ku raagay cidina lama talin.


Waa iga talo iyo anoo jecel inaad sharraftaada ilaashato
 

 


A Xaji Axmed

hargeysawi@ymail.com