WARSAXAAFADEED

 

 

 

Date:11 December 2011


Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne Xilalkii kaga qaaday Taliyihii hore Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hogaanka Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xilalkaa u maga caabay Taliye Cusub iyo Hogaan.



Madaxweynuhu:-



Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;



Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;



Markuu Tixgeliyey: La tashiga Madaxda ay Arrintani khusayso;



Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;



Wuxuu go’aansaday;



In uu xilalkii ka qaado Taliyihii hore ee Ciidamada Nuux Ismaaciil Taani, iyo Hogaanka Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka JSL, Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Keyse)



Waxaanu uga mahad naqay mudadii ay xilalkan u soo hayeen, hawshii ay qaranka u soo qabteen.



Sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo sunaha Dawladnimo fulinaya waxa uu magacaabay Taliyaha Cu sub ee Ciidanka Qaranka JSL oo laga bilaabo maanta noqonaaya Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif)



Sidaa si la mida waxa uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday hogaankii Hawl-gelinta ee ciidanka Qaran ka Jamhuuriyada Somaliland Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Kayse)



Waxaanu magacaabay Hogaanka Cusub ee Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somalilan d, Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale)



Madaxweynuhu waxa uu Digreetadan ku Amray Wasiirka Gaashaandhiga iyo La-taliyaha Arrimaha Gaashaandhiga ee Madaxweynaha in ay Saraakiishaa Xilalka ugu kala wareejiyaan Sida ugu dhakhsaha badan.












ALLAA MAHAD LEH



Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.