"Waa Naxdintii Ugu Cuslayd Ee I Soo Marta Intii Aan Ciidanka
Booliska Ku Jiray"

Taliyaha oo warbaahinta kula hadlayey Cusbitaalka guud ee Hargeysa
waxa uu Tacsi ....
Hargeysa (TNN)- Taliyaha Guud ee
ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan aya a ka war
bixiyey shil baabuur oo khasaare laxaad leh ku keenay ciidanka
booliska Somalil and.
Taliyaha oo warbaahinta kula hadlayey Cusbitaalka guud ee Hargeysa
waxa uu Tacsi u dir ay ehelka iyo qaraabada ay ka geeriyooday askar
ku dhimatay shil maanta ka dhacay deg mada Halaya
Taliyaha oo shilkan faahfaahin ka bixinaya ayaa waxa uu yidhi
“INAALILAAHI WA INAA ILE YHI RAAJUCUUN , waxa dhacay shil tiiraanyo
leh oo ku yimid ciidan boolis ah oo hawl ka soo laabtay, gaadhi
ciidanka boolisku lahaa oo Bond 80 la yidhaahdo iyo gaadhi kale oo
shacab ah oo nooc loo yaqaano shaambo ah ayaa shilkaasi ka dhacay.
Dhimashadu waxa weeyaan sarkaalkii ciidanka watay iyo laba askari
dhaawacuna waa 25 askari, waana shil aad u culus dhamaan ciidanka
Booliska Jamhuuriyada Somaliland, waxaanan inta dhimatay ciidanka
Booliska Somaliland, waxaanan ILAAHEY uga baryayaa in uu Naxariistii
jano ka waraabiyo, inta dhaawacana waxaan ILAAHEY ka rajaynayaa inuu
u sahlo oo uu u yasari ”
“Shilkaa dhacay arintiisana waa la baadhayaa, wixii kale ee
faahfaahinana marka baadhis ta la dhameeyo ayaanu dib ka soo sheegi
doonaa.
Dhinaca shacabka wax ku noqdayna hadaan wax kaaga sheego ilaa hada
darawalka iyo kirishbayga ayaa dadka dhintay ku jiray, waxaanay
tirade dhimashadu noqonaysaa 5 qof oo shacabka Somaliland ka baxay ”
ayuu yidhi Taliye Fadal oo tiiraanyo leh uga hadlayey shilkan ku
dhacay ciidanka booliska.
Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland oo hadalkiisa sii wata
ayaa waxa uu yidhi “Waa Naxdintii ugu cuslayd ee i soo marta intii
aan ciidanka Booliska Ku Jiray, waanaynu ku samraynaa, taliya aan
ahaado ama hogaan ahaado”
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|