“Taliyaha Cusub Ee Bileysku Waa Qamarsanaaci Gaboobay, Cilmi Kabaalna Waxa Uu Ahaa Nin Mudakar Ah Oon Ceeb Lahayn, Madaxweynuhu Berigii Hore Dibadu Ka Joogay…”


Xaaji Cabdi Waraabe

 



Hargeysa June 13, 2011 (TNN)-Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi waraabe) oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo dan mooday inuu kordhiyo tirade golihiisa Wasiirada, tilmaamayna xilligii uu dhaliili jiray Wasiiru dawlayaashii uu mag acaabi jiray Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin inuu ahaa mucaarid, isagoo intaa ku daray in taliyihii hore ee Bilayska ee la badalay Cilmi Rooble Furre uu ahaa masuul aan wax ceeb ah lahaynb, tali yaha cusub ee Bilayskana Maxamed Saqadhi Dubadna ku tilmaamay nin waayo aragnimo dheeraada u leh hawlaha Bilayska.

Xaaji Cabdi Kariim Xuseen (Cabdi waraabe) waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu Wargeyska Haatuf shal ay u xog-waramay, sidoo kale aanu wax kaga waydiinay, arimo ku saabsan khilaafka soo dhex galay So maliland iyo maamulka kililka shanaad ee Itoobiya, hase yeeshee Xaaji Cabdi Kariim oo ka hadlaya sida uu u arko korodhsiimada Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay golihiisa wasiirada iyo isku shaandhaynta uu ku sameeyay gaar ahaan taliyihii hore ee Bilayska Cilmi Rooble Furre iyo taliyaha cusub Maxamed Saqadhi Dubad, isaga oo arrimahasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Dawladi sideedaba waxay ka dhisan tahay badal, xadhig, dalacin iyo casilaad waana shaqada xukuumadda”

Xaaji Cabdi waraabe isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu inta ku daray “Si wanaagsan baan uarkaa mag acaabista taliyaha cusub ee Bilayska Maxamed Saqadhi Dubad, waa Qamar-sanaac gaboobay oo yaqa ana Bilayska farsamadiisa, taliyihii hore ee la badalayna Cilmi Rooble Furre nin wqanaagsan oo odaya oo mudakar ah ayuu ahaa, nin Ceebaal lehna muu ahayn, Madaxweynuhuna il-buu ka gartay Korodhsii mada wasiirada iyo wasaaradaha uu kordhiyey tiradooda, kolkii hore ee uu ka hadli jiray tirada xukuum adda dibada ayuu ka joogay maamulka dawladda, markii uu dhex galay dawlada ayuu kala fahmay wax a meesha ku haboon iyo waxaan ku haboonayn, maanta ayaanu kala fahmay Madaxweyne Siilaanyo”

Xaaji Cabdi Kariim Xuseen oo aanu waydiinay sida uu u arko khilaafka soo dhex galay dhawaan xukuum adaha Somaliland iyo Itoobiya iyo talaabadii lagu xidhay gaadhigii taliyaha Sirdoonka Somaliland iyo darawalkiisa ee magaalada Jigjiga, waxa uu yidhi “Arrinkaasi wax yar oo fudud buu ahaa oo xageena ka bilaabmay, hadana waa laga heshiiyey, xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland-na waa sidiisii iyo si ka fiican wakhtigan xaadirka ah meel fiican ayaanu marayaa”

 

Source: Haatuf