TACSI KA TIMID MADAXWEYNAHA SOMALILAND
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud
(Siila anyo) waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan Qoyskii,
Qaraabdii, Asxaabtii iyo Ehelkii Alle ha u naxariistee Marxuum
Maxamud Ciise Jaamac. Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga bary ayaa
Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Ehel adii,
Qaraabadii iyo dham aan Shacabka reer Somaliland-na samir iyo iimaan
ka siiyo.
Maxamud Ciise Jaamac oo ahaa Aqoonyahan sare, siyaasi iyo oday
dhaqan, wuxu ka mid aha a dhallinyaro reer Somaliland ee qurbaha wax
barasho u baxda kuwii ugu horeeyey, isagoo U tagay wadanka
Ingiriiska 1952kii soona
bartay Cilmiga Beeraha, wuxuna markii dambe ka mid noqday
Siyaasiyiintii Somaliya, isagoo dorashadii 1964ka barlamanka galay.
Allaha U naxariistee Marxum Maxamud Ciise Jaamac waxa uu xilal kala
duwan kasoo qabtay dawladihii rayidka ahaa ee Soomaliya, isaga oo
muddo ahaa Wasiirkii Beeraha. Marxuum Ma xamud Ciise markii dambe wuu
isaga diga rogtay siyaasada wuxuna ka mid noqday Aas aasasayaashii
Mashruuca Ceelbardaale .
Markii u Halgankii dib u xoreynta ee SNM bilaabmay wuxu ka mid ahaa
raggii bud-dhiga u noq day ee tallo iyo taagba u huray xorayntii
dalka. Waxuu ahaa samotalis dun wacan oo mar wa lba xagga wanaagga wax
ka eega.
Alle ha ka yeelo marxuumka kuwa dhaxla janatul fardows, ehel iyo
asxaab iyo reer Somalila nd guud ahaan ha inaga yeelo kuwa laasima
samir iyo duco. Aamiin.
The Office of Somaliland Presidential Advisor on:
Economy, Commerce, and Investments.
Mr. Ahmed Hassan Arwo
Eci.advisor@gmail.com
002522 409 64 21
UK 07 904020 679
|