Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye

 




Anigoo ku hadlaaya magaca
Reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga, wa xaan tacsi u  dirayaa Reer Suldaan Diiriye, tafiirta, ehelka, qaraabada, xigaalka, asxaabta, iyo dhammaan dadweynaha Soomaliland gaar  aha an Beesha Subeer Awal ee uu Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Deeriye ka geeriyooday.


Suldaan Maxamed oo ka soo jeeda saldanada weyn ee Subeer Awal, waxuu Alle ha u naxariistee ahaa nin oday ah oo qayb libaax ka soo qaatay halgankii SNM iyo nabadeentii beelaha Somaliland ee ku soo biyo-shubtay dhismaha qaranka Somaliland.

Waxuu ahaa nin nabadeed, cibaado badan, aftahan ah in badana ka fogaa inuu ku milmo hardanka xisbiyada, Waxuu ahaa qunyar socod taladu ka duulin ,kuna adkaa isku-xidhka beelaha Somaliland, Kamana nasan hawsha bulsho iyo ilaalinta nabada inkasta oo uu muddo xanuunsanaa.


Waxaan Illaahay uga baryayaa
dambi dhaaf, naxariis iyo inuu ku mann aysto jannatul fardowsa, dhammaanteena Alle hayna waafajiyo samir iyo duco aynu ku sagootino Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye.


Ahmed Arwo
Cardiff UK
samotalis@gmail.com

 


Aamiin Aamiin Aamiin