Cali Sheekh Maxamed Jirde oo xalay ku geeriyooday
magaalada Hargeysa

 


Geeridu waa xaq. Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Marxuumka oo aad looga yaqaannay dhammaan dhulka soomaalidu degto, gaar ahaan Somaliland, waxa uu ka mid ahaa odayaasha farakutiriska ah ee cimri dheer iyo caafimaad ilaahay ku simay. Dugsiga Dhexe ee Sheekh, oo la dhisay 1943-kii waxa uu ka mid ahaa Injinneeraddii wax ka dhisay. Muddo dheer waxa uu wakiil u ahaa, dalalka Iskandaneefiyanka, oo uu safaarad u ahaa, una fadhiyey magaalada Muqdisho, siddeetamaadkii. Marxuumku waxa uu muddo dheer ahaa Sheekhal Dariiqaha, Guriga caanka ah ee Dariiqada Sheekh, oo la aasaasay muddo haatan laga joogo 170 sannadood ka hor. Halkaas oo ay ku walaaloobeen dadka deegaanka deggeni, qabiilkana dhinac la iska dhigay, oo lagu walaaloobay dar ilaahay.


Marxuumka waxa lagu xasuusan doonaa, daacadnimadiisii, deeqsinimadiisii iyo waxtarkii uu markasta la garabtaagnaa dadka danyarta ah. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo aamiin. Dhammaan Ikhwaanka hoosta ku qorani waxa ay tacsi u dirayaan reer Maxamed Jirde, oo ay uga tacsiyeeynayaa, geerida ku timi Marxuum, Cali Jirde.


1. Rashiid Sheekh Aadan Kulmiye
2. Cadaruus Sheekh Aadan Kulmiye.
3. Faadumo Sheekh Aadan Kulmiye
4. Dhammaan reer Sheekh Aadan
5. Maxamed Yuusuf Xaaji Jaamac
6. Saciido Maxamed Yuusuf
7. Samsam Maxamed Yuusuf
7. Rashiid Maxamed Yuusuf
8. Dhammaan reer Maxamed Yuusuf
9. Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Jaamac
10. Siciid Cali Xuseen (Gadhle)
11. Hodan Cali Xuseen
12. Dhammaan reer Cali Gadhle.



Dhammaan waxa ay tacsi u dirayaan Reer Maxamed Jirde oo kala jooga daafaha adduunka. Ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan ikhwaankana Samir iyo iimaan ha ka siiyo, aamiin.
 

 


Sayid Maxamed Yuusuf

Sweden