TACSI: MARXUUM SULDAAN SULUB NUUR WARSAME

 


Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar  Car te waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaal ka, xito iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa Shacbiweynaha Soomaliland, gaar ahaan beesha  Marx uum Suldaan Sulub Nuur Warsame.ee Gobalka Marodijeex, Galbeedka Kilinka  Shan aad iyo Jabuuti.

Alle ha u naxariistee Marxuum SuldanSulub Nur Warsame. waxuu ku dhintay  maga alda Hargeysa maata oo khamiis ah 27/05/2010.Marxuum Suldaan Sulub Nuur  War same. Suldaan da' weyn muddo dheerna oday hogaamiye beeleed ah ka ahaa  Kilin ka Shanaad ilaa Gobalka Maroodi-jeex.

Marxuum Suldaan Sulub Nuur Warsame.,cimrigiisu waxuu la dheeraday diin jaceyl iyo cibaado badan. Waxuu ahaa oday nabad doon ah, aftahan iyo xaakim aan  ere ygiisa la gabban. Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.
 

 


Ahmed Arwo
Cardiff UK
samotalis@gmail.com