WAR-SAXAAFADEED

 

 


Taariikh:13 May, 2012


Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraa nyo leh u dirayaa Guud ahaan Shacbiga Somaliland, Qoyska Reer Sheekh Cali Jawhar, Ehel adii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Aqoon yahankii weynaa ALLE ha u naxariistee MARXUUM, DR. CABDISHAKUUR SHEEKH CALI JAWHAR oo ku geeriyooday (13.05.2012) Shil Baabuur oo ka dhacay Wadada u dhaxaysa Boorama iyo Dilla.

Madaxweynaha oo ka hadlaaya qiimaha u MARXUUMKU ku lahaa bulshada iyo Qaranka Som aliland waxa uu yidhi:-

ILLAAHAY NAXARIISYII JANNO ha ka waraabiye DR. CABDISHAKUUR SHEEKH CALI JAWHAR waxa uu ka mid ahaa aqoon yahanada waa weyn ee u dhashay Dalka Qiimo weyna ugu fad hiyey bulshada iyo Qaranka Somaliland, waxaanan illaahay ka baryayaa inuu dhamaantee nba Samir iyo iimaan ina siiyo, Cawil-naqiisana inoogu deeqo.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu illaahay uga baryayaa Oorida Marxuumka oo ku dhaaw acan tahay shilkaa laftiisa Marwo Nimco Muxumed Maxamuud inuu illaahay u fudaydiyo Caa fimaad deg-degana ka siiyo dhaawacaa ka soo gaadhay shilkaa baabuur.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland