Tacsi iyo canbaareyn dhammaan gacan ku dhiiglayaasha iyo cid kasta oo gacan ku siisay in dad maati ah , oon waxba galabsan , iyagoo hurda saqda dhexe la miro , qudhana laga jaro
 

 

 

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan Allaha awoodda leh weydiisanayaa , inu u innaga yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana, xaq u hiiliya , baadilka iyo dulmigana ka fogaada.



Anigoo ku hadlaya magacayga,Eng. Maxamed Cali Muse,kana soo jeeda Gobolka Gabiley,gaar ahaan de gaanka Tog-wajaale,waxaan tacsi xanuun badan , oo tiiraanyo leh u diryaa dhammaan qoysaskii,ehelkii ,qaraabadii iyo umadda Somalilandba, dadkii sida xaq darrada ah dhiigooda loo daadiyey , qudhana loo ga jaray , iyagoo nabad ku hurda, lana miray habeen badhkii…….Inaa Lilaah Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Waa dhacdo aad u xanuun badan, laga murugoodo ,aad u fool xun, kana baxsan damiirka bani aadanni mada , kana soo hor jeedda Diinta Islaamka iyo Qaranimada Somalilandba.



Rabbigeen Tabaaraka Watacaalaa, waxa uu Quraankeena Kariimka ah inoogu cadeeyey,in dunuubta u gu waaweyn,uguna culus,marka laga yimaado Shariignimada (Gaalnimda,Allaha weyn oo la caasiyo),ay ku xigto Dhiig xaq darro loo daadiyo. Rabi Tabaaraka Watacaalaa,waa u cadhooday gacan ku dhiiglayaa sh a,waxaanu u ballan qaaday inuu Cadaabta Jahanama ku abaal marin doono, kuna waari doonaan ………Allahayaw na bad baadi adaa awood lehe.



Waxaan canbaaraynayaa gacan ku dhiiglayaasha iyo cid kasta oo gacan ku siisay,u fududey say,wax k a ogeyd , kana qayb qaadatay, in maati hoygeedi nabad ku hurudda,saqda dhexe la miro,dhiigooda la d aadiyo, qudhana laga jaro…Inaa Lilaah Wa Inaa Ilayshi Raajicuun.



Waxaa taa iigu xigta , oo aan hambalyo u dirayaa , Madaxweynaha Somaliland,Muj. Axmed Maxamed M axamuud (Siilaanyo), go’aanka deg deg ah , ee Geesinimada leh ,ee uu ku dhawaaqay , kuna amray dha mmaan Hay’adaha ay khuseyso, in ay si deg dega gacanta ugu soo dhigaan dhagar qabayaasha dadka walaalaha ah fidnnada kula dhex jira.



Waxaan Allaha awooda leh weydiisanyaa, in uu marxuumiinta Janno Fardawsa ka waraabiyo,dhammaan shacabka Somalilandna samir iyo iimaan ka siiyo.


 

 

 

 

 

Eng. Mohamed Ali Muse
December 7,201