Halkan Ka Akhriso Taariikhda Nololeedkii “AHUN”Xildhibaan Maxamed
Maxamuud Xayd , Oo Ka Tirsanaa Mudanayasha Barlamaanka Dowlada
Soomaaliya ;Shalayna Lagu Dilay Magaalada Muqdisho’’BY-Barkhad Xaaji
Cabdi’’MrGaboye’’
Taariikhda Nololeedkii Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd ,Janaral
Maxamed Maxamuud Xayd wux uu dhashay horaantii sanadkii 1943 kuna
dhashay degmada Beer ee gobolka Togdheer Somaliland ,wuxuu dugsiga
hoose dhaxe iyo dugsigii quraanka ku soo bartay magaalada kalkacyo
ee gobolka ga lgaduud kuna soo barbaaray ,dugsiga sare wuxuu ku soo
qaatay magaalada muqdisho dugsiga sare ee Jamal Cabdi nasir ee ku
magac dheera ‘’ALAAHIGA’’ ka dib wuxuu shaqadii ugu horeysay ka
bilaa bay Macaliinnimo oo uu ka noqday bare macaliin dugsiyadaa
waxbarashada magaalada muqdisho mu do laba sano ah,
Admiral Janaral Maxamed Maxamuud Xayd waxaa uu ka gaaray heerkiisa
aqoonta waxbarasho meel sare isagoo qaatay laba shahaado oo kala
duwaan ,shahaadadisa koowaadna ku qaatay Label Enjiner ‘dhismaha
maraakiibta’’ iyo Shahaadadiisa labad oo uu ka qaatay Kuliyada
Sharciga ‘’International Low’’Admiral Janaral Xayd wuxuu si fiicaan
ugu hadli jirey inka badan 7-luqadood oo ay ka mid yihiin
‘’ENGLISH,CARABI,TALYAANI ,FRANCE,RUUSH,SPANISHKA IYO LUQADA AFKIISA
HOOYO EE SOOMAALIGA, waxaanu waxbarasho dibadeed ugu baxaay dalalka
MASAR ,TALYAANIGA ,IYO DALKA RUUSHKA,
Sanadkii 1955 kii wuxuu u baxay couraskii ugu horeyay oo uu u
dhoofay dalka Ruushka wuxuuna dalka ku soo noqday isagoo Sarkaal
Xidigleh ah sanadkii 1960 wuxuu ka dib hormood u noqday iyo
aasasayashii ciidamada bada soomaaliya wuxuuna xilal kala duwaan ka
qabtay taliiskii ciidamada badda soomaaliya sanadkii 1965 wuuxu
noqday Hogaanka Taliiska ciidamada Bada ee magaalada Barbara .mudo
ka dib waxaa loo soo wareejiyay magaalada muqdisho hogaanka
ciidamada bada ,1969 kii markii ciidamada malatariga soomaaliya ay
la wareegen talada ee uu dhashay kacaankii 21-octoober sanadka ka
dib 1970 ilaa 1974 kii waxaa loo magacaabay oo uu xilka qabtay
magaalada kismaayo isagoo isku hayeey ,gudoomiyaha maxkamada gobolka
kismaayo ,taliiska ciidanka gobolka kismaayo iyo dekada kismaayo
halkaas oo uu mudo afarsano ah sadexdaa xil isku hayay .
Muda yar ka dib sanadkii 1975 kii wuxuu jagoo ka qabtay wasaarada
gaashandhiga soomaaliya isagoo noqday hogaaanka waaxda taliiska
cilmi baadhista wasaarada gaashan dhiga soomaaliya oo uu mudo
hayay,sanadkii 1978 waxuu noqday hogaanka xafiiska wada shaqaynta ee
ciidamada mudo ka dib wuxuu noqdaay horaantii 1980 Hogaanka Xiriirka
Arimaha Dibada ee Ciidamada Waxaa Jeneral xayd uu ka mid noqday
SHANTII UGU SAREYSAY SARAAKIISHA CIIDAMADA SOOMAALIYA isagoo ka
gaarey darajada sare ee ADMIRAL JENERAL MAXAMED MAXAMUUD XAYD ,
1986 KII ADMIRAL XAYD wuxuu ka mid ahaa madaxdii siyaasiyiinta ee
saluugay taliiskii dowlada kacaanka ee Siyaad Bare wuxuuna noqday
dadkii sida gaarka ay dowladii kacaanku u tilmaamsatay kana
horyimiid kali taliisnimadii iyo awood sheegashadii siyaasada
dowladii dhaxe ee soomaaliya waxaana Admral xayd wakhtigaa lagu
tilmami jirey siyaasi qunyar socod ah una janjeera dhanka bidix oo
lid ku ah xukunkii kacaanka ka dib isla sanadkaas 1986 ayaa dowladii
kacaanku ay gacanta ku dhiigtay lagana qaaday jagooyinkii iyo
xilalkii kala duwanaa ee uu hogaanka ciidanka u hayay waxaanu xirnaa
oo uu xabsiga ku jirey mudo ilaa laba sono ah ka dibna 1988 kii ayaa
la soo daayay isagoo Buulka laga dhigay wax xil ahna dib loogu
dhiibiin ,
Admiral Janaral Xayd ka dib 1991 kii markii ay burburtay dowladii
dhaxe ee kali taliiska ee soomaaliya wuxuu mudadii ka dambaysay ku
noolaa Boqortooyadda dalka Sacuudi Arabiya gaar ahaan magaalada
Jidda ,Admiral Janaral Xayd sidaa siyaasada kagamuu hadhiine wuxuu
sanadkii 2000 kii ku soo noqday masraxa siyaasada isagoo markii ugu
horeysay noqday Xildhibaan ka mida mudanayaasha dowladii ku meel
gaadhka ahayd ee lagu soo dhisay magaalada Carta dalka jabuuti ee
lagu soo doortay Madaxweyna ‘Cabdi Qaasim salad xasan ‘’ ka dib
wuxuu isla xildhibaan iyo wasiir buuxa ka noqday dowladii ku meel
gaadhka Madaxweyne Cabdulahi Yusuf isagoo loo magacaabay Wasiirka
Wasaarada Dalxiiska Iyo Duurjoogta ,intii ka dambaysayna wuxuu ahaa
ilaa intii shalay la diliin xubiin mudane barlaamanka dowlada
federalka soomaaliya wuxuu sidoo kale xubiin ka ahaa gudiga
difaacada ee barlamaanka soomaaliya isagoo door weyn ku lahaa golaha
barlamaanka ahaana xubiin firfircoon oo magac iyo miisaan culus ku
leh mudanayaasha barlamaanka soomaaliya iyo qaranka soomaaliyeedba .
Admiral janalar M M Xayd wuxuu ahaa muwadiin wadaniya oo jecel
qaranimada soomaaliya iyo wada jirka umada wuxuu ku caan baxay
afgaabni iyo dhowrsanaan xilkasnimo ku jirto wuxuu ahaa nin had iyo
jeer isku kalsoon oo ku faana wuxuu yahay isagoo ka soo jeeda
Beelaha Gabooye ‘’gaar ahaan beesha Muse Dhariye ee reer Somaliland
balse aan ku soo barbaariin dhulkiisa hooyo ee uu u dhashay
Somaliland ,
Wuxuu ahaa nin jecel cadaalada iyo sinaanta waxaanu ku dadaali jirey
siduu ugu hiiliyo cadaalada waxaa si gaara loogu xasuusan karaa
kaaliintii uu ka qaatay barnaamijyadii lagaga doodayay quursiga iyo
isla waynida mala awaalka ee beelaha soomaaliyeed sheegtaan wuxuu
had iyo jeer jeclaa inuu hormood iyo xubiinba ka noqdo xaq u dirirka
sinaanta iyo cadaalada waxaa sidoo kale lagu xasuusan karaa
kaalintii uu ka qaatay ee uu uga horyiimid sadbursigii iyo awood
sheegashadii habka xukuun qaybsiga iyo saamiga dowladeed ee
xukuumadihii kumeel gaadhka ahaa ee soo maray dalka soomaaliya
isagoo si caad oo geesinimo ku jirtana uga horyimiid ma baadiidii
halku dhigyadii saad qaybsiga sida Afarta Beelood Iyo ATHERSKA iyo
4.5 kuna tilmaami jirey inay saadqaysigasi yahay shay xaaraana oo ka
baaxsan diinta islaamka iyo bini aadamnimada ay umadi wax ku
qaybsato .
‘AHUN-ADMIRAL JANARAL MAXAMED MAXAMED XAYD ‘’ waxaa uu guursaday hal
xaas oo hada nool waxayna u dhshay 8- caruura ,oo kala ah 3-wiil iyo
5 –gabdhood waxaanay gaarayaan intuu ifka kaga tagay wuxu dhalay iyo
waxay sii dhaleen ee uu awoowga u ahaaba inka badaan 38- qof alah ha
sii siyaadiyee aamiiinnnnnnnnnnnnnnn..
Taariikh nololeedka ‘AHUN-ADMIRAL JANARAL MAXAMED MAXAMED XAYD ‘’
maahan midaan halkan ku soo koobi karo waxayse maaliintii shalay
ahayd maaliin ruuntii intii taqaanay muuqiisa iyo magaciisa
eheladiis qaraabadiis iyo saaxiibadiisa siyaasiyiinta iyo
mudanayaashii xildhibaanada ay isku ahaayeenba maaliin murugo badaan
oo qofkasta ku reebtay tiiraanyo xanuunbadan ka dib markii shalay
barqadii ay dablay hubaysan oo gacan ku dhiiglayaala ay isagoo
sooman marxuunku ku dileen magaalada muqdisho halkaasna ugu
geeriyooday rasaas lala dhacay ,waxay si gaara shalay maaliin qiiro
iyo tiiraanyo badan u ahayd beelaha gabooye ee uu ka dhashay gaar
ahaan beesha Muse dhariye oo uu u ahaa Muraayadii ay isku arkaayeen
iyo halyaaygii ku dhaaranayeen ,waxaan alah swt uga baryayna inuu
ilaahay janadiisa fardowsa ka waraabiyo eheladii qaraabadii iyo
qoyskiisa xaaskiisa iyo awlaadiisa iyo dhaman umada soomaaliyeed iyo
beelaha gabooye inuu ilaahay Samir iyo iimaan saadaqa inaga wada
siiyoo aamiinnnnnnnnnnnnnnnnnnnnn yaa rabi…
Waxaan si gaara ugu mahad celinayaa intii iga caawisay ee aan ka
wareystay Taariikh nololeedka ‘AHUN-ADMIRAL JANARAL MAXAMED MAXAMED
XAYD ‘’waxaanan si gaara ugu mahad celinaya ‘’Cornal-Cabdi Gune
Bootaan” kuna magac dheer”Cornel-Bootan” kuna nool gobolka Ontario
dalka Canada ahaana sarkaal sare oo xilal sare ka soo qabtay
taliiskii hogaanka ciidamada dalka soomaaliya.. iyo mustafe Maxmed
maxamed xayd iyo faadumo maxamed maxamud xayd oo ka mid ahaa
caruurtu dhalay Janarl Xayd’’kuna kala nool dalalka Holand iyo
Sweden..
Qore soo diyaariye ‘’Barkhad Xaaji Cabdi ‘’MrGaboye ‘’
Kitchener Ontario Canada ..
Email:
abokoriye1@hotmail.com
|