|
Taageerayaasha Xisbiga
Kulmiye ee magaalada Tog-W ajaale Oo Isku Soo Baxyadoodii soo
Gunaanaday, Dardaaranno Adagna Isku jeediyey
Tog-wajaale(TNN)- Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Midnimada
iyo Horumarka K ulmiye ee Degmada Tog-wajaale ayaa
isku-soo-baxyadoodii ay ku muujin jireen taageerada Xisbiga Kulmiye
ay u hayaan iyo Cududa iyo awooda taageero ee ay ku leeyihiin
Degmada Tog-wajaale ku soo gaba-gabeeyey Magaalada Tog-wajaale.
Taageerayaashan oo dibad-baxooda iyo dhoola-tuskooda klu soo ban-dhigay
Fagaaraha K hayriyada Magaalada, iyaga oo ku labisan Calanka
Labada Midab leh ee Xisbiga Kulmiye, ta ageerayaashaasina si hagar
laaan ah ugu dabaal dagayey, kuna soo bandhigay Ciyaaraha Hidaha
iyo Dhaqanka, Gabayo ay ku taageerayaan Xisbiga Kulmiye, Buraan-bur,
iyo hal-ku dhegyo ay ku dhawaaqayeen Taageerayaashu.
Waxana ka mid ahaa Erayada halkaa lagaga dhawaaqayey ee lagu
muujinayay taageerada Xisbiga Kulmiye iyo kuwo lagu dhaliilayey
Xisbiga Udub waxana ka mid ahaa:-
Waa Kal kiisi iye uga kaca kuraasida Kulmiye,
Udub daacad
Maahee aan doorano Kulmiye,
Waxaanu
hambalyo u sidnaa Geesiyada halgamey, waxan hambalyo u sidaa kii
naftiisa huray, ee aanu u hibaynay Codkayaga.
iyo kuwo kale oo badan oo ay ku madadaalaoonayeen ilaa intii Cuq
aasha iyo Masuuliyiintu kala hadlayeen goobtaasi ee ay isku sii
dardaarayeen.
Waxa ugu horrayn fagaarahaasi kala hadlay taageerayaasha Kulmiye
Xubin ka mid ah Xisbi ga Kulmiye oo aad u firfircoon, isla markaana
Ganacsade ah C/raxman Maxamed Xuseen (S hidaar) oo ku dheeraaday
dardaaran dheer oo uu u jeediyey Taageerayaasha Xisbiga Kulm iye,
kuna dar-daarayey in ay codkooda ku hubsadaan Xisbiga Kulmiye oo
sheegay in ay ku taalo Astaanta Xisbiga Kulmiye warqada Cod-bixinta
oo Badhtanka ugu jirto labada Xisbi ee la tartamayaana hareeraha ka
xigaan, oo ay iska ilaaliyaan in ay ku qaldaan oo xariijintu ka
gaadho labada Xisbi ee kale si aanu codkoodu u khasaarin. Waxa kale
oo uu ku adkeeyey in ay nabad galyada Ilaashadaan oo laga yaabo buu
yidhi in Xukuumadu wax yeelo soo gaadh siiso Doorashada marka
ay aragto in lagaga awood batay. Waxa kale oo uu raaciyey in ay
ubadkoodana ka war-hayaan oo Kaadhadhka Cod-bixinta u ilaaliyaan, si
aanay Xukuumadu aanay u hantiyin oo ay suurto gal tahay in Ilmaha
yar loogu badali karo Lacag oo la odhan karo buu yidhi Lacagtan
qaadoo anaga noo codee, ama lacagtan qaadoo kaadhkaaga noo dhiib si
looga reebo in codkaasi uga hadho.
Waxa kale oo iyaguna halkaa kala hadlay Dadwayne aad u tira badan oo
ay Cuqaal iyo Oda yaalba ku jiraan iyo Gudoomiyihii hore ee Degmadan
Wajaale oo dhamaantood dardaaranno kala duwan bixinayey, kuna war
galiyey in taageerayaasho habeenkaa Cod-bixinta heegan u ahaadaan oo
aanay seexan Kuyuugana hore u galan, si aan Kuyuuga looga buuxinin
saac adaha shaqada oo yar awgood.
Dhoola-tuskan ay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye soo ban dhigeen ayaa
daba socda dibad baxyadoodii hore, oo kani u noqonayaa ban-baxoodii
Todobaad oo ah kii ugu danbeeyey ee loogu soo baxo Xisbiga Kulmiye
si loogu muujiyo Taageerada loo hayo Xisbiga, iyada oo Guu d
ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka oo dhan isla manta la soo
gabo-gabaynayo Diba d-baxyada taageero doonka ah ee Xisbiga
Kulmiye kaga dalbanayo Dadwaynaha reer Som aliland in ay
codkooda siiyaan Xisbigooda Kulmiye. Iyada oo sido kale Xisbiga
Udubna isla sh alay soo khatimay Ololahoodii taageero doonka
ahayd ee ay ku dalbanayeen in ay helaan k alsoonida Dadka. Halka,
Xisbiga kale ee Mucaaradka ah ee Cadaalada iyo Daryeelka ee Xisb iga
Ucidna maalinta bari ah soo khatimi doono dalabka Taageero ee
kasbashada Codka ee Dadwaynaha. Kadibna la gali doono laba casho oo
nasasho ah oo ah inta la kala gurayo san aadiiqda Cod-bixinta oo loo
kala guri doono Gobolada iyo Degmooyinka Dalka oo dhan lana filayo
in ay ka wada qabsoonto Bari ilaa Galbeed, kuna began 26-june-2010
oo ku began maalinta Sabti ee bilowga Todobaadkan.
C/rasaaq Muxumed Aw Daahir
Timacade News Network (TNN)
Tog-Wajaale Somaliland
|
|