Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ee Gebilay Oo Maanta Dhoolatus Balaadhan Ka Sameeyey Magaaladaasi

 


                                             

Gabiley (TNN)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa maanta Dhoolatus aad u balaadhan ka sameeyey Magaalada Gebilay ee xarunta Gobolka Gebilay,halkaas oo ay iskugu soo  bax een Boqolaal ka mid ah taageerayaasha Kulmiye ee ku dhaqan Magaalada Gebilay.

Dhoolatuska ay sameeyeen taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo ahaa mid ay ku muujinayaan cududa taageero ee ay u hayaan Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, ayaa waxa ay maanta ku qabteen Barxada Xisbigaasi ku leeyahay Magaalada Gebilay.

Isu soo baxan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo daba socotay kulan balaadhan oo uu hore Xisbiga Talada Haya ee UDUB u sameeyey Taageerayaal ka tirsanaa Kulmiye oo Ku Biiray  UD UB, ayaa waxa soo qabanqaabiyey Maamulka Kulmiye ee Gebilay iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaan ee Gebilay iyo Golaha Wakiilada oo ka soo baxay Kulmiye.

Dhoolatuskan oo ujeedadiisa masuliiyiinti ka hadashay ku sheegeen inuu yahay mid ay ku  m uujinayaan in Gobolka Gebilay taageersan yahay Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo  taa geerayaal cusub oo ka soo baxay UDUB oo ay ku soo dhawaynayaan.

Isu soo baxan waxa ugu horeyn hadalka jeediyey Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee Xisbiga Kulmiye uga soo baxay Gobolka Gebilay, waxaanu xildhibaanku sheegay in dadweynaha ku dhaqan gobolka Gebilay ay taageersan yihiin Xisbiga Kulmiye, Ujeedada Xafladan iyo isu soo baxan waxa weeye mid aynu ku  muuji nayno taageeradda aynu u hayno Kulmiye. Waxa aan halkan idinka sheegayaa oo aad  arag taan in shacbi weynaha ku dhaqan Gebilay ay yihiin dhamaantooda xisbiga Kulmiye oo ay u taaganyihiin in dalka Isbedel ka dhaco si ay u gaadhaan waxa ay higsanayaan ee horumar ah ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Haybe oo la hadlayey taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee isu soo baxay.

Mudanuhu waxa uu naqdiyey waxa uu ku tilmaamay in waxqabadka ay ku dhaqaaqeen  dad weynaha reer Gebilay la sheegto oo ay xukuumadda talada haysaa ku faanto, waxaanu  yid hi Waxqabada dadweynaha reer Gebilay qabsadeen waxa uu noqday mid aynu ku faano xukuumadda maanta jirtaa, waxaa lagu faanayaa Jaamacada Gebilay ee dadweynaheedu dhisteen, waxa lagu faanayaa Biyaha Botor, waxa lagu faanayaa Cusbitaalka Gebilay ee  ay nu ognahay in dadka u dhashay Gobolka ee dalka gudihiisa iyo dibediisa joogaa ay soo  taak uleeyeen.

Masuuliyiintii Xukuumadda ee ballan qaaday inay bixinayaaa qaadhaanka Jaamacada weli  w axa ay bixiyeen ma jiro. Markaa sidee ayey ugu faani karaan waxqabadka ay dadku samaysteen.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida ay ummadu ugu baahan tahay inay garato wixii ay xaq u lahayd isla markaana ay waajibka ugu tahay inay doortaan madaxda  hogaaminay sa dalka, iyagoo u eegaya Daacadnimadii, Alle ka cabsigii iyo Aqoontiina hogaamineed,taas oo uu sheegay haddii ay ka hor inta aanay dooran haddii aanay si mug leh uga fikirin inay ha dhow qoomamayn doonaan.

Sidoo kale waxa isu soo baxaa ka hadlay Dr. Axmed Ibaahim Obolos oo ka warbixiyey  dhibaa tooyinka ka taagan wakhtigan dalka sida Dhaqaale Xumada, iyo wadooyinka, Biyo la’aanta iyo caafimaadka, waxaanu ku eedeeyey xukuumadda inay ku guuldaraysatay inay waxa ka qabato baahiyaha aasaasiga ah ee bulshadu u baahan tahay.

Dr. Obolos waxa uu u jeediyey inay dadweynaha reer Gebilay u diyaar garoobaan isbedel sidii ay u samayn lahaayeen isla markaa ugu codayn lahaayeen Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye.

Dhinaca kale waxa iyagu xafladaasi Dhoolatuska ahayd hadalo kala duwan oo la xidhiidha  xa alada dalka iyo Gobolka Gebilay, ka jeediyey Guddoomiyaha Olalaha Gobolada Galbeedka ee Xisbiga Kulmiye Baashe Cabdi Gaboobe, iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee  Gebilay,kuwa as oo dhamaantood sheegay in loo baahan yahay inuu dalka ka dhaco isbedel dadku u  baa han yahay iyo halkaasi Oo ay eedeeymo kala duwan uga soo jeediyeen Xukuumadda iyo  Xis bigeeda UDUB oo ay sheegeen inay ku Guul daraysteen inay waxa ka qabtaan xilkii ay umma da u dooratay.

Source: Ramaas