Taageerayaal Tiro Badan Oo Ka Soo Jeeda Degmada Gacan-libaax Oo Ku
Biiray Xisbiga UCID
Hargeysa (TNN)- Xisbiga
caddaalada iyo daryeelka ee UCID, ayaa maanta si weyn u soo dh
aweeyey Taageerayaal aad u tiro badan oo ka soo jeeda degmada
Gacan-libaax [Habar-yo onis], ayaa
shaaca ka qaaday inay taageradoodii si rasmi ah ugu soo biiriyeen
xisbiga UCID.
Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey taageerayaashaas oo lagu qabty
Hotel International e e magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo
qayb-galay Gudoomiyaha xisbiga UCID ahna mu sharaxa
Madaxweynaha ee xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha
ololaha dooras hada ee xisbiga UCID Saleebaan Daahir Dogox,
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buudaa, Gudoomi yaha London Mustafe Kenedi,
Madaxda iyo Tageerayaasha ku soo biiray xisbiga UCID.
Gudoomiyaha xisbiga UCID ah-na musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga
Eng. Faysal Cali Wa raabe oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn
ugu mahad-celiyey taageerayaasha ka soo jee da degmada
Gacan-libaax ee sida xil-kasnimada ah u go’aansaday inay codkooda
iyo taage radooda-ba siyaan xisbiga UCID.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Dadkiina xafladan ka
soo qayb-galay si weyn ayaan idiinku mahad-celinayaa. Waxaana aan
jeclahay in 26-ka bisha June, waxaa soo bixi doonta in la is
yidhaahdo codka booba oo iibsada, oo muraaqibiinta la isku deyi
doono in la iibsado oo lacagtii yar yarayd ay soo bixi doonto. Waxa
aan idin leeyahay ka qaata waa la cagtiiniiye, oo
mustaqbalkiina ha iibsanina ee UCID u codeeya.”
Waxa uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Waxa weeye, haddii aad codkaaga
iibsato hadhaw q ofka aad dooratay ma qaannabni kartid oo lama
xisaabtami kartid, oo waxa uu ku odhanay aa ‘sow tii aad codka
iga iibsay maaha.’ Kaasina Kiishka ayuu idinka buuxsanayaa oo wax-ba
idiin tari maayo, oo qabyaaladi meel idin gaynmayso ee mustaqbal
ayaad u baahan tah iin. Qof kastaana waxa uu doonayaa inuu
gacantiisa ku ciil-baxo oo uu ku dhergo, inuu guri dhisto, in
caruurtiisu mustaq wanaagsan hesho, sidaana waxa aad ku helaysaan
inaynu Qaranimo buuxda helno.”
Gudoomiyuhu waxa uu tilmaamay in xisbiyada UCID ay ka go’antahay in
waddanka laga hir geliyo shareecad Islaamka munazalka ah, si
loo helo caddaalada iyo horumar, isla markaa na waxa uu
ifiimiyey inay xisbi ahaan ka go’an tahay in waddanka laga hirgeliyo
isbedel dh ab ah oo dhinac kasta taabanaya, isaga oo u soo
jeediyey guud ahaan shacab-weynaha Somaliland inay codkooda siiyaan
xisbiga UCID.
Waxa isugna halkaas ka hadlay Caaqil Axmed Cismaan, waxa
hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Walaaloyaal waxa uu ilaahay
maanta ina siiyey oo uu inoo soo saaray, oo uu xidig in ooga
dhigay oo aan kalsooni badan ku qabo, waa musharaxeena Madaxweynaha
ee Faysal Cali Waraabe, oo shareecada Islaamka inagu dhaqi doona, oo
aan ilaahay uga rajaynayno inuu inagu guuleeyo. Inagana waxa inala
gudboon inaynu codkeena ku aarsano, oo aanu ku soo saarno xisbiga
UCID ee inoo ballan-qaaday inuu Kitaabka Ilaahay inagu xukumo.”
Caaqilku waxa uu sheegay in beesha uu ka soo jeedo ee Habar-yoonis
ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay xisbiga Caddaalada iyo
daryeelka ee UCID, isla markaana ay taageer adooda iyo
codkoobana siinayaan, si uu ugu guulaysto doorashada madaxtooyada ee
26-ka bishan June waddanka dhici doonta.
Waxa isuna halkaas kelmedo kooban ka soo jeediyey Gudoomiyaha
xisbiga UCID ee UK Mus tafe Kenedi, oo tilmaamay in dhibaatada
iyo dib-u-dhacyada faraha badan ee Somaliland ka jirta inaga lagaga
bixi karayo iyada oo codka la siiyo xisbiga UCID, oo uu ku sheegay
ka keli ya ee waddanka isdedel wax-ku-ool ah ka abuuri karaya.
Timacade News Network
Hargeysa Somaliland
|