Tacsi: Marxuum Maxamud Ciise Jaamac

 

 


TACSI UU DIRAAYO LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE ARRIMAHA DHAQAALAHA, GANACSI GA IYO MAALGASHIGA

 


ALLaha U Naxariistee waxa xalay ku geeriyooday Hargeisa Maxamud Ciise Jaamac oo ahaa A qoonyahan sare, siyaasi iyo oday dhaqan.

Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha, ka reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Am aal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xi gaalka, xito iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba.

Marxuumku wuxu ka mid ahaa aqoonyahanka reer Somaliland ee qurbaha wax barasho u bax da kuwii ugu horeeyey, isagoo U tagay wadanka Ingiriiska 1952kii soona bartay Cilmiga Beer aha, wuxuna markii dambe ka mid noqday Siyaasiyiintii Somaliya, isagoo dorashadii 1964ka b arlamanka galay.


Allaha U naxariistee Marxum Maxamud Ciise Jaamac waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay dawladihii rayidka ahaa isaga oo muddo ahaa Wasiirkii Beeraha dawladihii wakhtigaas, Marx uum Maxamud Ciise markii dambe wuu isaga diga rogtay siyaasada wuxuna ka mid noqday Aas aasayaashii Mashruuca Ceelbardaale ee la shaqeeyay Allaha U Naxariistee SHeikh Muxu med Raage.


Markii u Halgankii dib u xoreynta ee SNM bilaabmay wuxu raggii bud-dhiga u noqday ee tallo iyo taagba u huray xorayntii dalka. Waxuu ahaa samotalis dun wacan oo marwalba xagga w anaagga wax ka eega.

Alle ha ka yeelo marxuumka kuwa dhaxla janatul fardows, ehel iyo asxaabna iyo inta aqoon ta u lahayadba ha inaga yeelo kuwa laasima samir iyo duco. Aamiin.
 

 

 

 


Ahmed Hassan Arwo

La-taliyha Madaxweynha Somaliland
Arrimaha Dhaqaalha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
samotalis@gmail.com
http://www.facebook.com/#!/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127