LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASAN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM XASAN MAXAMED CASHUUR- (Xasan Kamas)

 


 

La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha. Ganacsiga iyo Maalgashiga Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii marxuum Xasan Maxamed Cahuur, iyo si gaar ah Jaaliyadda Somaliland ee Cardiff, UK

XASAN MAXAMED CASHUUR waxuu aha oday ka mid ah madaxdhaqameedka Wales iyo UK guud ahaan, raggi dalkan ku noolaa muddo ka badan 50 sano ee dhidibada u taagay xidhiidhka labada dal ee UK iyo Somaliland. Waxuu ahaa odayadii kaalmada iyo banaanbaxyada ku taageeri jiray halgankii SNM
XASAN MAXAMED CASHUUR waxa lagu aasay maanta Cardiff 10/09/2013

Xasan Kamas waxuu ahaa nin afgaaban, cibaado badan, xanta ka xanaaqa, run sheeg aan ka laaban xaqqa, oon ka dheeraan masjidka iyo meel kheyr lagu hayo. Nin kaalin weyn kaga jiray bulshada Cardiff.
Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka XASAN MAXAMED CASHUUR, inuu Jannatul Fardows ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Xigto iyo Xigaal, Asxaabtiis meel kasta ooy joogaanbana uu waafajiyo samir iyo duco.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha SL
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga

eci.advisor@gmail.com